Guddoomiyaha Golaha
Guurtida oo maanta duhurkii dalka dib ugu soo laabtay
Hargeysa (Timacade News)- Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland
Saleebaan Ma xamuud Aadan ayaa ku soo laabtay dalka, ka dib
markii uu socdaal muddo qaatay ugu maqnaa dalka dibeddiisa.
Guddoomiyaha oo maanta duhurkii ka dib ka soo degay Garoonka
Diyaaradaha ee Mag aalada Berbera, ayaa mar uu Warbaahinta
kula hadlay magaalada Hargeysa, waxa uu ka hadlay arrimo ay ka mid
yihiin kuwo la xidhiidha khilaafka Golaha Guurtida.
Guddoomiye Saleebaan oo wax laga waydiiyay arrinta Guurtida iyo
bedelaadda guddi da joogtada ah ee Golahaas, waxa uu sheegay
in aanay jirin cid bedeli karta guddidaas oo aan isaga ahayn.
Sidoo kale, Guddoomiyaha Guurtidu wuxuu sheegay in aanu isagu
guddoomiye ahaan u socon Kursiga Madaxweynenimo ee dalka, waxaanu
xusay in aanu dalku khilaaf u baa hnayn ee uu u baahan yahay
in Doorasho la qabto. "Dalku wuxuu u baahan yahay Do orasho la
galo, balse uma baahna in khilaaf la abuuro." Ayuu yidhi Guddoomiye
Saleebaan.
Khilaaf xooggan oo kala qaybiyay Golaha Guurtida ayaa toddobaadyadii
u dambeeyay hadheeyay Golahaas, kaas oo ka dhashay qoraal ay
ku-simaha Guddoomiyaha Guurti da Sh. Axmed Nuux Furre iyo
ku-xigeenkiisu ku kala direen guddidii joogtada ahayd ee Golahaas.
Dhinaca kale, socdaalka Guddoomiyaha ayaa ku soo beegmay waqti berri
oo sabti ah la filayo in Golaha Guurtidu la furmo khilaaf, ka dib
markii sida la sheegay uu Shirgudd oonku shaaciyay in fadhiga
Golaha la horkeeni doono ansixinta kala-dirista Guddida joogtada ah
oo la rumaysan yahay inay ibo-fur u tahay xil-ka-qaadis lala
damacsan yahay Guddoomiyaha.
Source:Somaliland.org
|