“Saleebaan Gaal Madaxweynayaashii Hore C/Raxmaan Tuur, Ciga al Iyo Rayaale Mucaarid Xagjir Ah Ayuu Ku Ahaa, Arrin kiisuna Maanta Waa Qabyaalad Qaawan” Mujaahid Cali Guray

 


Hargeysa (TNN) – Gudoomiye ku xigeenka saddexaad ee xisbiga mucaaridka ee Ucid Mujaahid Cali Maxam ed Yuusuf (Cali Guray) ayaa sheegay in shirka Ingiriisku ugu baaqay Somaliland iyo Somalia aanay wax dan ahi ugu jirin qaranimada Somaliland, waxaanu tilmaamay in xisbigooda Ucid uu u arko shir lagu baadi doonayo midnimadii Somaliweyn. Mujaahid Cali Guray waxa kale oo uu ku eedeeyay gudoomiyaha golaha guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan inuu sife qabyaaladaysan oo ka baxsan milgaha masuuliyada qara nka ula saftay Madaxweyne Axmed Siilaanyo, halka uu tilmaamay in Madaxweynayaashii hore ee Somalil and soo maray uu ku ahaa mucaarid xagjir ah. Mujaahid Cali Guray ayaa sidaasi ku sheegay shirjaraa’id oo uu shalay ku qabtay Guuleed Hotel ee magaalada Hargeysa, kaasoo uu sidoo kale kaga hadlay go’a ankii Qaramada midoobay ay xayiraada kaga qaaday cunaqabaynta hubka Somalia.

Ugu horayn Mujaahid Cali Guray isagoo ka hadlaya mawqifka xisbigooda Ucid ka taagan yahay shirka daw lada Ingiriisku ay bisha May 2013-ka u qabanqaabinayso Somaliland iyo Somalia iyo talada qaran ee xuk uumadu soo jeedisay ayaa waxa uu yidhi “Shirkaa London waxaanu ka qabnaa una aragnaa cudurka ga lay Fardaha Somalia ayaa la doonayaa in laga gubo Dameeraha Somaliland, shirkaasi waa mid Somalia kh useeya, wax dan ah oo Somaliland ugu jirtaana ma jirto, waxaanu qabna inaan talo qarana laga yeelan, isla markaana aan la tagin” Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf oo ka hadlaya, hadal uu todobaadkan shee gay gudoomiyaha golaha guurtidu Saleebaan Maxamuud Aadan in siyaasada hogaaminta dalka loo daba fadhiisto madaxweynaha, ayaa waxa uu yidhi “Horta Madaxweyne Siilaanyo maaha madaxweynihii ugu horeeyay ee Somaliland, waxaa ka horeeyay saddex madaxweyne marxuun Cabdiraxmaan tuur, marxu un Cigaal iyo Daahir Rayaale oo nool, saddexdaa madaxweyne-ba Saleebaan Gaal waxa uu ku ahaa muc aarid xagjir ah, muxuu u odhan waayay madaxweynayaashaa horeba hogaaminta dalka ha loo daba fad hiisto, miyaanay iyaguba madaxweynayaal ahayn, arrinkaa Saleebaan Gaal waa qabyaalad qaawan oo fool xun, saddexdaa madaxweyne ee horena Saleebaan iyo Siilaanyo mucaarid bay ku ahaayeen”

Mujaahid Cali Guray mar uu ka hadlayay xayiraad ka qaadida qaramida midoobay Somalia cunaqabatayn ta hubka ka qaaday waxa uu yidhi “Saamayn inaguma yeelanayo inaga Somaliland ahaan, xayiraad ka q aadida hubka Somalia ee qaramada midoobay, waxa weeyaan hubka fudud ee maaha hubka cul-culus, balse waa hubkii awalba yaalay, laakiinse iyaga ayuu saamayn ku yeelanayaa oo hubkaasi kooxaha kala duwan ee dalkaasi ka jira ayuu gacanta u galayaa iyo maleeshiyo qabaa’ilka, xayiraada hubka Somalia laga qaadayna waxaan u arkaa, in hubkaasi Somalia la keenayo aynu bililiqaysan doono” Gudoomiye ku xigeenka Saddexaad ee xisbiga mucaaridka ee Ucid Cali Maxamed Yuusuf waxa uu shacbiga reer Somalila nd usoo jeediyay “Shacbiga reer Somaliland waxaan leeyahay ku ducaysta Ilaahoow kuwo khayr qaba hogaanka noogu dhiib, kuwa sharka lehna ha noogu dhiibin, talada Somaliland-na maanta waxaa haga kuwii ugu sharka badnaa”
 

 

Source:Haatuf