“Safarka Madaxweynaha ee Ingiriiska in gudaha laga wareemaa ma fiicna, Cawilna wuxuu isku casiley….. ”Axmed Yuusuf Yaasiin

 


Hargeysa (TNN)- Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga UDUB isla markaana ahaa Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa ka hadlay Safarka  Madaxwey ne Siilaanyo uu ku joogo Dalka Ing iriiska oo uu sheegay in laga war sugo oo aan la Doc-wareemin.

Sidoo kale waxa uu ka hadlay Iscasilaada Cawil uu iska casilay Guddoomiyihii Guddida  Siya asada ee dhawaan Xisbigu u magacabaabay oo uu sheegay inay tahay Arrin Caafimaad.

Isagoo ka hadlaya Icsacilaada Cawil waxa uu yidhi “Waxa aan filayaa wasiirkii hore  maali yadu shalay ayuu warbaahinta ka sheegay, waxaanan filayaa in uu caafimaad u baxayo, taas ayaa keentay in uu xilkaas iska casilo”

Dhinaca kalena mar uu ka hadlayay Socdaalka Madaxweynaha waxa uu yidhi “Safarka  M adaxweyneha ee dalka Ingiriiska, dabcan qof ku soo dhex jiray shaqadan dawladu wuu  f ahmi karaa, kolayba ninka masuulka ahi marka uu dibada ku maqan yahay, in gudaha laga wareemaa ma fiicna, waana laga fiican yahay, waxa aan leeyahay kolay waxa uu u maqan yahay danaha Somaliland, markaa anagu waxa aanu leenahay isna wuu warami doonaa ee ha la sugo oo yaan la wareemin ayaan soo jeedin lahaa” ayuu yidhi Guddoomiye ku  xig eenka xisbiga UDUB, ahna madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland.

Mar uu ka hadlayay bal goorta uu madaxweynihii hore ee Somaliland Mud. Daahir Rayaale Kaahin dalka Imanayo ayaa waxa uu yidhi ‘Walaahi wuu imanaya, wakhti cayiman oo aanu hada sheegaynaa ma jirto, laakiin kolay sanadkan cusub ayaa la filayaa in uu dalka ku soo laabto” ayuu hadalkiisa kaga baxay Madaxweyne Ku xigeenkii hore ee Somaliland Mud. Ax med Yuusuf Yaasiin.

Source:Waaheen