kuwait:
Safarkii ugu qiimaha badnaa abid ee uu
madaxweynaha jsl dibad ugu baxo!
Safarkan waxan ku qiimeyn karaa in uu ka mid yahay kuwa ugu
faa'iidada badnaa intii aa n wadamo qalaad hawl shaqo ku marayey.
Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin oo maalmahan socdaal
ku joogay w adanka Kuw ait ayaa maanta kulan la yeeshay
Jaaliyadda Wadanka Kuwait. Madaxweyn uhu wuxu ka warbixiyey ujeedada
safarkiisu daaraanaa iyo waxyaabihii uu kala kulmay mas'uuliyiinta
wadankan Kuwait
Ka dib aayadaha quraanka kariimka ah waxa hadalka furay gudoomiyaha
Jaaliyadda JSL Mudane Sal eebaan Xaaji Firdhiye oo ka war bixiyey
arrimaha Jaaliyadda oo uga waram ay in Jaaliyaddani ay ku soo
dhaqneyd wadankan Kuwait illaa iyo afartameedyadii qarnigii la soo
dhaafay.
Mudane Saleebaan waxa uu u sheegay in Jaaliyaddan qawaaniinta u yaal
ee ay ku dhaq antaa ay ka mid yihiin iyagoo oo aan ku dhaqmin
qabyaalad, siyaasad goboleysi iwm. Intaa dabadeed Mudane Sa leebaan
waxa ku soo dhoweeyey mikrofoonka Madaxweynaha Qaranka JSL ee
martida u ah..
Madaxweynuhu waxa uu u mahad naqay Jaaliyadda JSL ee Kuwait. waxaanu
yidhi, "Wax an ku fara xsanahay sida wanaagsan ee aad iskugu
duuban tihiin iyo sida aad uga qeyb qaadataan taakuleynta dadkiina
wadankii hooyo jooga".
Madaxweynuhu waxa uu ku goobaabiyey xubnaha Jaaliyadda in ay ka
digtoonaadaan in ay ku milm aan xisbiyadda siyaasiga ah ee ka jira
wadankii hooyo."Kolka aad wadankii timaadaan xisbiga aad do ontaan ka
mid noqda, laakiin halkan waxa haboon in aad isku duubnaataan oo
danta idinka dhaxeysa aad iska kaashataan". Sidaa waxa Jaaliyadda
kula taliyey Madaxweynaha.
Mudane Rayaale waxa uu yidhi, "Haddii aan safarkeygan Kuwait idiin
ka warramo. Wax an ku qiimeyn karaa in uu ka mid yahay kuwa ugu
midho dhalka badan ee aan wadamo ku tagao. Waxa aan la kul may
Amiirka Wadankan Sh. Sabaax Axmed Al-Jaabir, Amiirka dhaxaltooyada
xukunka wadankan leh Sh. Nawaaf Al-Jaabir, Wasiirka Arrimaha Dibadda
Dr. Sh. Maxamed Al-Sabax".
Waxa kale oo ka mid ahaa mas'uuliyiinta ay is arkeen Sh. Taariq Al-Eissa
oo ah madaxa hayadda Al-Turaath Al-Islaamiyah. Mas'uulkaasu waxa uu
ku ballan qaaday in uu wax badan oo Ummadda Som aliland wax tara uu
ka hirgallin doono Jumhuuriyadda Somal iland. Sh. Taariq waxa
uu u sheegay Ma d axweynaha in ay u qorsheysantahay safar uu ku tagi
doono Jumhuuriyadda Somaliland. Kaas oo la xidhiidha mashaariicda
hor-u-marineed ee uu doonayo in uu wadanka ka fuliyo.
"Masuuliyiintaas iyo qaar kale oo badan waxa aanu ka wada hadalnay
sidii ay nooga caawin lahaay een mashaariicda la xidhiidha adeega
bulshada sida wadooyinka, biyaha, tacliinta dhakhtarada. iwm".
Madaxweynuhu waxa uu sheegay in dalabaaadkan iyo safarkanuba uu
yahay kii ugu horeeyey oo fu lintoodu ay waqti qaadan doonto laakiin
uu ku rajo weynyahay in ay hirgasho qabsoomidoodu. Inshaa Allaah.
Safka-hore.com
|