Saado
Cali Warsame: '' Saca faarsa diidaa sedex maalintuu qado, sanduluu
ku soo noqon!''
"Bal hala yara kala aragti
duwanaado dee ilayn dadku waa Xor-e!"
- Saado Cali Warsame waa gabadh, gabadh iyo Siyaasadina xiligan aan
ku jiro ee kala xayashada iyo wada xajiinta ah isma gayaan oo
inay kala warwareegaan ayaa haboon! Hadiiba ayse dhacdo in gabadhu (
Saado iyo gabadh kasta) wax tabato oo dareenku ku dirqiyo inay
xifaaltanto, in ragu u xaytaan xaasha' e ma' aha.
- Intaas ka dib aan u noqdo heesaha dhawaanahan ay qaadaysay
Fanaanada Saado Cali Warsame, ee ay qaarba si u dhacayeene, maxaa
qalooc ah een qumanayn hadii gabadhu magaaladeeda u heesto oo ay
tidhaa, waan ku ilaashanaynaa oo kuu noolanahay? ma waxad diiday
libdhi maysid Laascaanood, mise Laba maaha dalkeenu oo midnimadii
aad eeday ayaad ka urinaysaa? Mise Saca Faarso diiday................
sanduluu u soo noqon, ayaa kuula muuqatay hanajabaad iyo Kibir!
- Si kastaba ha ahaatee adigu kaad doonto diid hase yeeshee xaq bay
iyadu u leedahay inay afkeeda ku amaanto dadkeeda iyo dhulkeeda,
hadiibase laga khamri waayo in hadal la is dhaafsado waxa ay ku
qurux badan tahay in gabadhi fal-celis wanaag iyo samo huwan samayso.
Bal sheekadan hoose dhuux,-
- Guri loo dhisay dadweynaha oo lagu qabto hawlo badan oo kala wada
duwan oo todobada cisho ee todobaadkaba furan, oo kolba qolo ka
baxdo qaar kalena galaan. Oo casharo lagu bixiyo, maararaw waayeelku
ka helo, caruuraha diimaha ama dhaqmadooda lagu baro, ayaanu fursad
ka helay inaanu dhawr saacadood anaguna markayaga carooga iyo garida
ka afuufno.
- Oonu caruurta afka iyo diinta iyo waxii lagu kordhin karoba ku
wadwadno, waxa aanu isku mar wada nahay oo iyaguna dhankooda kaga
jira gurigan dad ka soo jeeda asal ahaan Afrika, oo ka tafiirmay
dadkii laga qaaday Afrika ee xooga lagu adoonsaday! diintoodu waxa
ay tahay Kiristaan.
- Waxa ay nagu tumaan xiliga aanu dhigayno casharka, Musiik iyo
heeso dhawaaq nagu hafiya oonu is maqli wayno anaga iyo caruurtu
marmar, ma dacwoon karno oo wax qalad ah ma samaynayaan ee
diintooday caabudayaan, kama guuri karno oo meel kale majiro, iyagu
nagama dudi karaan, ma bedelan karo xiliga oo meesha waa lagu kala
hagaagay!
- Waxanu ku qasbanahay inaanu isku ogolaano sidaanu nahay oo weliba
anagu gaar ahaantayo xal keeno, kaasoo noqday inaanu markay codka
dheereeyaan anaguna aan codka kicino oonu xawlalmariidyada iyo
dhuunta garacno! Waa sandule iyo khasab inaanu gurigaa kalida ah ku
wada danaysanaa, sidaasaanu isku qabnaa aan qumanaan iyo qaladtoona
u kala soocnayn!
- Dhanka kale marka aad ka eegto wanaagna waa ku jiraa arintan oo
waan is qurxinaynaa qaybahayagan kale duwani ee hada la soco!
Labiska caruuraha ee ku kala salaysan diimaha iyo kutubta kala wada
jaadjaadka ah waad amakaagtaa. Hadii hadaba kala duwanaansho la
waayo jaad kastaba leh, ma dhadhamayso noloshu, sidaas darteed,
waxan leeyahay Saado Cali Warsame iyo dad badan oo kale oo reer
Somaliland ahi, haday si ay ka noqotayba inta kale ka aragti
duwanaadaan, waa u xor tooda.
- Waxay kala duwanaanshahaasi kobcinayaan jiritaanka qaranka
Somaliland, waa loo baahan yahay oo waa lagama maarmaan aduunyada
guudkeeda inad hesho kolba wax ku dardar galiya si aanad isku dhigan!
- Sidaas darteed, yaan lagu colaysan lexejeclada ay Saado Cali
Warsaame u qabto dadkeeda iyo degaankeeda, ilayn waa u xor eh!
- Gabagabada maqaalkan yar anna Itaalkayga aan intaydii yarayd een
dalka ugu hiilin jiray soo murgugaafee, waxan leeyahay: ''Somaliland
ha Jirto Oo ha Joogto weligeed!''
Cali Cumar Xasan
|