SAAXIIBO HORE

 



 

Noloshu waa sida beer la beeraayo oo kale, waa mid u baahan in lagu wajaho  casharo,w aayo aragnimo,diin,akhlaaq iyo dadnimo intaaba isugu jira,beer kastaba waxa laga  goos taa midho la mid ah,xagga dhadhanka iyo muuqaba kuwii lagu riday,mana dhacdo inta badan in midho dhadhan qadhaadh lihi ay soo saaraan kuwo macaan ah,dadkuna waa sidaasi,qofkastaaba wixii uu noloshiisa gashado ayuu ka helayaa,abaal iyo natiijana u no qoneysa.nolosha maantu,waa ta beri,ta berina waa tii shalay aad sameysay.

Immisaa maanta khaldaaya noloshooda,immisaa maanta beeranaya midho aaney  maha din doonin oo keeni doona mustaqbal argagax ku beeri doona,immisa maanta isu heysta ugu roonayaal,laakin mar aan fogeyn farta hoosta ka qaniini doona.immisa maanta loo taag,la yahay oo dantooda lagu baryayaa,immisa maanta bulshada waxyeelo ugu  maq an,oo isu heysta in aaney bulshada ka mid aheyn.badhaca,boobka, iyo tuugnimadu maxay dad maanta u macaan tahay.

Saaxiibo hore,waa qoraal ku siinaya weji ka mid ah waayaha nolosha saaxiibtinimo iyo sida nolosho loo soo dhaweysto ama ay ku soo dhaweyneyso,ama sida nolosha la isaga eryaba.waana qoraal laga hal-abuuray qeyb ka mid ah xaaladaha qalafsan ee ka soo ifbaxay meel kasta oo bulshadu joogto.

Saaxiibka bal u fiirso,ma sida uu yahay baad tahay,mise sidaad tahay buu yahay,u fiirso ilaa hadda ma saaxiibkii kugu horeyey ayaad la socotaa,mise qaar kale,mise maba lihid.u fiirso dhalinyartii iyo shabaabka aad qeybta ka tahay,u fiirso sida ay nolosha ugu  halga mayaan.u fiirso kuwa halganka ku dhacay ee mawjaduhu sida kale u qaadeen.u fiirso kuwa ka badiyey ama la halgamaya nolosha ee ay qurxineyso mustaqbalkooda.u fiirso saaxibadaada waxbarashada aan ku fiicneyn ama loogu taagwaayey.u fiirso saaxibada isu raacay xafiisyada iyo goobaha aqoonta iyo shaqaduba ay taalo,u fiirso kuwa isu raacay kuna saaxiibay in ay madowyada istaagaan si ay dadka u dhacaan.dib u xasuuso cidda balwada ku bartay,dib u xasuuso haddii ay jiraan saaxiibo ka mashquuliya tacliinta iyo masaajidka.

Immisa hebel ayaad garaneysaa oo maanta nolosha wanaagsan ee ay heystaan ay  tah ay midhihii shalay ay beerteen,u fiirso inta qof ee aad garaneyso ee ku jira darxumada iyo murugada uga soo baxday nolosha ay qudhunka ku soo waraabiyeen.

Ilaa dugsiga wakhtigii lagu jiray wuxu ahaa,rabshoole qas badan,akhlaaqdiisuna  maalin kasta way sii shiiqaysay,waxana bedelaayey af xumo,gar daro,isku dir,gacan ka  hadal,i yo iwm.wuxu ka dhex,noqday ardaydii,fasalkooda iyo dugsigaba mid la ogaado,magaciisa oo akhlaaqad daro ku soo caan baxayna laga maqlo.waanada iyo talooyinka la siiyaana may bedelin.intaa in la mid ahna waxa u sidoo kale ku hayaa jaarka ,iyo  qoyskoodab a.marka la arko waa laga naxaa,berri kasta oo timaadaana waxba kama badasho waayo isaga ayaa jecel in uu ku raaxeysto waayaha noloshan ka dhalatay habdhaqankiisii hore.

Waxa laga eryey dugsigii,waxaanu ka noqday xaafadihii qof looga hadal-heyn badan  ya hay sidii hore,wakhtigii dugsigana wuxu ku buuxiyey la xidhiidhka iyo raadinta saaxiibo kale oo garab u noqda,waxaanu ka mid noqday kooxda dhalinyarta magacyada loogu yeedho ee ku caan baxda abaabulka rabshadaha.waxa shaqo u aheyd isaga iyo  kooxdo odaba tuugnimo,dhac,boob iyo iwm oo ay ku raadsadaan kolba wixii ay doonaan.

Maxaa nabar ku yaal,muxuu nabar dad ku dhuftay,oo ilaa hadda u naafoobay,mar waa kooxdiisii oo shacabkii iyo bulshadii u taagan jidadka oo halkaasi ayuu heegan kaga  jir aa,marna kooxdiisii iyo koox kale ayaa isku dhacay oo heegankale ayuu ku  jiraa.maand ooriyaha isticmaalkiisuna wuxu uga dhigay arin kasta mid fudud oo aanu ku hakan Karin geesi isaga oo kale ahi.tiro ma leh inta la xidhay ,jeelkasta iyo dhawrka jooga iyo  saaxii bada la midka ah ee kujirana wuu bartay,waana laga yaqaana.

Keli ma socdo,meelo badana maanta ma mari karo,hubka uu isku difaacayana ma  dhigo, maalintiina inta badan lama arko,marka laga reebo wakhtiyada habeenkii,maxaase  dhac ay?ma jirto isdabayaacii hore,ma jirto kooxdii oo sideedii weligeed ahaaneysaa,wuxu la yaaban yahay sida mar qudha uu isaga dhinac waayey saaxiibo badan oo uga  xariifsan aan jiray tuugnimada,wuxu u qadan la yahay sida qaarkood uga baxeen ee ay uga  too bad keeneen wixii oo dhan,waxase uu farxayaa marka uu ogaado in qaar badan oo ku dhintay rabshadihii uu isagu dhaamo oo uu ka noolyahay.

Wuxu ku eegay indho iyo caqli aanu weli hore u adeegsan qaar ka mid ah saaxiibo hore oo ka mid ahaa ardaydoodii,oo iyagu ku mashquulsanaa hanashada naftooda iyo horumarinta diintooda,dalkooda iyo dadkoodaba.kuwaasi oo maanta bulshada karaamo ku dhex le,guryo cad,cadna ku dhex jira.

Isaga oo aad moodo in maandooriye ku mudan yahay,maskaxdiisuna ay siineyso kolba qaar ka tirsan filimada ugu keydsan qololka maskaxda,isla hadlaya,marna  aamusan,d antuna ay ku qasbeyso wax,weydiis badan,kana xun horumarka dadka kale, ay  gadhee n,isna oga sida uu ugu soo ciyaaray qeyb badan oo noloshiisa ah,ayuu meelahaa  mara a,intaana waxa u dheer waa tuuuuuuuuuugi,waxaana inta badan ku soo kaca xanuun hoose oo uu ka dhaxlay nabarada aan tirada laheyn ee jidhkiisa ku yaala,oo uu aminsan yahay in uu u dhiman doono.

Ma aragtaa dad badan oo bulshada dhibi jiray oo maanta nabsigii,habaarkii ,naxdintii iyo inkaartii dadku ku wadeen ay ka soo if baxday,ma aragtay dadyow aad garaneyso oo laayaan ahaa,ama in badan dadka soo dhibay halka ay ku danbeeyeen,ma aragtaa qaar aan hadal,aan miyir qabin,waali hagaagsana aan ku jirin,ma aragtaa qaar lagu  odhanaa yo kuwaasi maanta naa,naabay waxay ahaayeen kuwo dadka dhibi jiray,ma aragtaa kuwo dadka dhibi jiray oo maanta iyaga caruurtoodii fidno ay ku noqotay oo ay ka  jara yso intii ay dadka ka jareen.ma aragtaa qaar badan oo markii hore bulshadu ka wada nixi jirtay ama ay ka wada cabsan jirtay,laakin maanta lagu wada farxo waxa u  danbee yey markii la arkay.ma aragtaa sida mustaqbalku aanu qofna u siineynin wax aanu xaq u laheyn,ma aragtaa sida abaal marintu ay u danbeyso ,shaqaduna ay u horeyso.

Ugu danbeyntii akhriste ma waxaad sugeysaa in aanad waxba qaban ,noloshuna ay ku soo dhaweyso,mise waxaad u diyaar tahay in aad noloshaada adigu ku soo dhaweyso hab-dhaqan , dadnimo wanaagsan,dedaal iyo camal suuban.ma adigaa marti u ah  nolo sha,mise iyada ayaa ku ah,mise labadiinuba martibaad isu tihiin,marti haddii la isku yahayse miyaan la kala tageynin.maxaad ku xasuusan doontaa nolosha,maxayse kugu xasuusan doontaa noloshu,ma dhagar qabe,ma tuug,mise aqoonyahan diin,dadnimo iyo sharaf leh.







 

Abdifataah Mohamed Ahmed
Ceelaabe_10@hotmail.com