SONYO: URUR HABAAR KAGA DHACAY HOGAAMINTA

 


 

SONYO waxaa loo aasaasay inuu metelo isla markaana wax ka qabta baahiyaha faraha  bad an ee deriska la ah dhalinyaradda wadanka. Waa run way badan yihiin baahiyuhu balse  wax aa la rabaa in mudnaan loo kala sameeyo sidaasna loo waajaho. Su’aasha meesha taal waxa weeyi “ Intee in le’eeg ayuu ururkani u taagan yahay wax ka qabashadda baahiyaha  mudna anta leh ee dhalinyarta” balse waydiintu maaha “ imisa dhalinyar ah ayaa ku jirta ururka”. Bogga internetka SONYO wuxuu su’aashan kaga jawaabay sida tan :



“Our main focus is HIV/AIDS, eradication of FGM, promotion and protection of human rights, sports, non-formal education, culture, and environmental issues” oo af soomaaliga ku  noqo naysa “ Hawlaha aanu mudnaanta siina waa HIV/AIDS, cidhibtirka FGM-ka, dhowrista  xuquu qal iinsaanka, ciyaaraha, waxbarashadda dadban, dhaqanka, iyo arrimaha degaanka”



Tirikoobyaddii u dambeeyay waxay sheegayaan in heerka HIV/AIDS ee wadanku guud ahaan ka yar yahay 3% halka saamiga dhalinyarta arintaa kaga soo hagaagayaa ka sii yar yahay. Dhinaca kale, Arrinta Gudniinka Fircooniga ah (FGM) maaha arrin wax ka qabashadeedu ku xidhan tahay dhalinyarta balse waa mid u baahan in waalidku ka waantoobo. Siddoo kale, waxbarashadda dadban ayaa ah wax lagu qoslo xili caruur badan aanay fursad badan u  hay san in dugsiyo aadaan. Ta deegaanka, wax si gaar ah uga khuseeya dhalinyarta maan  fah min. Dooda awgeed, waan kuu u ogolahay xuquuqal iinsaanka iyo dhaqanka. Ciyaaraha aad baan ugu taageersan nahay.



Dhinaca kale, shaqo la’aanta, dhalinyarta dhexdeeda ka jira ayaa cirka isku shareeray balsa mudnaan kama leh dhinaca SONYO (kuma jirto meelaha ay diiradda saarayaan sida ka  muuq ata qoraalkooda kor ku xusan). Cadaalada dhinaca fursadaha shaqo-bixinta ka jirta ayaa iyana ay tahay in mudnaan la siiyo.


Arrimaha mudnaanta leh Sonyo ma garan la’ laakiin si badheedh ah ayaa ahmiyadda SONYO iyo ta hay’addaha loo mideeyay mala si xoogaa dhaqaale ah looga xod-xoto. Markaad  arim aha SONYO xooga saarayo ee kor ku xusan akhrido, waxaa kaaga dhandhamaya UNDP, UNICEF, UNAIDS, UNHABITAT, UNESCO & kuwo kale.


Haddii himiladda Sonyo iyo tan hay’addahaasi caalamiga ahi isku mid yihiin , isla markaana sonyo sheeganayso hay’adda dhalinyaradda Somaliland, markaa sow UNDP ama UNICEF ma odhan karno waa ururo dhalinyaro.


Waa laga yaabaa in SONYO xiiqsan tahay, ordayso maalin iyo layl, shirar qabanayso, laakiin waydiintu waxay weeyi “hawl aad qabatid’e ma haysaa tii saxda ahayd ee dhalinyartu u baahnayd?” Hogaamintuna, wax kale maaha, ee waa adigoo qabta wixii saxda ahaa. Sonyo hayso hawlo dhalinyarta mudnaan u leh sidaas awgeed hogaamintooda dhalinyaraddu way habaaran tahay. Sidoo kale Sonyo uma muuqato halka fog ee loo socdaa balse waxaa u daran mashaariicda gaagaaban ee gacmo kale ku jira. Hadraawi ayaa heestiisii “Hooyooy la’aantaa” si fiican ugu sheegay indheer-garadnimada laga rabo hogaamiyaha ducaysan. Waa kii lahaa :


Marka aad nin himiladda

Hilin toosan mariyoo, hir markii la gaadhaba,

Ku labaad hilaadshoo, haga maatidiisoo,

La hiigsado dhashaabaa hooyo lagu xasuustaa


Hilaadin daaye, hilin qaloocnaanta SONYO waxaa la arkaa inay hog dheer (ku milanka  xisbiya dda siyaasadda) inagu ridi doonto. Tusaale ahaan, dooda waqtiga badani kaga lumay ee ah ka qaybgalinta talladda ee dhalinyarta mid sugan maaha. Sonyo talladda ay ka hadlaysaa  w aa xubin noqoshadda baarlamaanka taasina imikaba waxaa ku jirra dhalinayr badan  (haddaa nay dhalinyarta u aqoon shaqsiyaad gaar ah). Tirradda dhalinyarta ku jirta baarlamaankani waxay libin laab ku tahay kii ka horeeyay. Siddoo kale, 68.3% xubnaha baarlamaankani  wa xay u dhexeeyaan da’aha 30-50 jir. Halka celcelis ahaan da’da xubinta baarlaanka maantu tahay 29.3 sanno jir.


Ugu dambayntii, waxaan soo jeedin lahaa in dib u habayn lagu sameeyo himilooyinka  Uru rka.Siddoo kale in loo raadiyo ilo dhaqaale oo madax-banaan ayaa lama huraan ah si dejinta siyaasadaha dhalinyarta lagu dhaqayaa u noqdaan kuwo aan habrasho lahayn.







FG: Dhalinyarro: 15-35 jir



ABDULLAHI JAMA' ALI

HARGEISA SOMALILAND