Furitaankii Shirkadda SOMTEL ee saka iyo
jawigii madasha

Burco (TNN)- Munaasibad Ballaadhan oo lagu furayay Shirkadda
isgaadhsiinta ee SOMTEL.
ayaa ka dhacday Hotel City Plaza ee magaalada Burco ,munaasibad
ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay laguna soo
martiqaaday dadki ugu mudnaa uguna muhimsanaa Gobolka ayaa waxa lagu
furay aayado quraana , kadib ka hadlay Munaasibadda Maamul aha
Shirkadda SOMTEL mudane Ibraahin Barre Maxamed, isagoo aad uga
warramay marx aladihii kala duwanaa ee ay soo martay shirkadda
SOMTEL, wuxuu sheegay in shirkadda SOMTEL tahay shirkadii koowaad ee
isgaadhsiineed ee laga furo Dalka somaliland 1998 kii, wuxuu sidoo
kale ka warramay qalabka casriga ah ee shirkaddu keentay, isagoo
sheegay in shirkaddu qalabkii ugu casrisanaa wakhitgan ay dalka
keentay,wuxu sido kale maam uluh xusay in ay shirkaddu haatan
marayso heerarkii ugu caalami sanaa wakhtigan, had aba
waxyaabihii dadkii madasha fadhiyey aad ka ugu qushuuceen ee
indhahooda soo jiit ay waxa ka mid ahaa:
-Mobilo ku shaqaynaya CADCEEDA, Internet USB ah oo la qaadanayo sida
Flashta oo kale ,Cardka SOMTEL oo ku shaqaynaya caalamka kale haddii
aad tagto,Cardska SOMTEL oo lagu hadlayo muddo 6 bilood ah lacag
la’aan,Mobilo laba kaadhlayaal ah ooo Shirkaddu Dadka oo dhan u
qaybisay.
Gebi ahaanba Dadka madashaa fadhiyey ayaa ahaa dadkii ugu mudnaa ugu
macquulsanaa Gobolka isla markaasna ahaa qaar Xul ah, haday tahay
Masuuliyiin ,siyaasiin,culimo-awdi in.abwaano,salaadiin,cuqaal, iyo
Tujaar ama ganacsato intaba.
Munaasibaddan waxa hadalo waano iyo ducoba leh ka jeediyey Sh.Cali
warsame oo ka mi d culimada ugu waawayn Gobolka, wuxuu sheegay
Sheekhu in arrintan maanta halkan la isugu yimi ay tahay in lagu
Furo shirkad cusub oo isgaadhsiineed kana mid tahay Nimco
oyinka ilaahay ina siiyey in mar walba horumar iyo casri la gaadha,
loona baahanyaahay bu yidhi in lo mahadnaqo.
Maamulaha shirkadda XAWALADDA DAHABSHIIL md: Maxamed Yusuf Axmed oo
isna mu n aasibadda ka hadlay ayaa sheegay in shirkaddoodu
aanay waxba ka hagran wax kasta oo khayri ah, isagoo sheegay inu mar
marka qaar aad ula yaabo hawlaha noockasta leh ee shirkaddu wax kaga
jirto ama ay keligeed waddo mar walba.wuxuuna sidoo kale xusay in
shirkadda DAHABSHIIL ay tabaruca iyo waxyaabaha khayrka leh ee ay ka
qayb qaada nayso ay heerkaas ku soo gaadhay, maantana ay
dhashay shirkad kale oo la mataano ah oo la yidhaa SOMTEL idiina
keentay bu yidhi adeegii isgaadhsiineed ee ugu casrisanaa, wu xu
dhammaan masuuliyintii halkaasi fadhidey u sheegay in aan
shirkaddoodu duulaan ku ahayn shirkaddaha kale ayna soo saartay
Moobil laba kaadh le ah.
Afhayeenka xisbiga Kulmiye ee Gobolka Togdheer Md. Maxamed Kahin
Axmeda yaa aad ugu ammaanay shirkadda SOMTEL heerka ay ka gaadhay
isgaadhsiinta, addunkuna wuxu ku horumaraa buu yidhi isgaadhsiinta
iyo adeegyada Bulshada oo mar walba sida ugu fudud loo keeno, waana
mid aan caalamka kula taratmi karno ayu yidhi adeegyada aynu haysano,
isagoo wasaaradda Boosaha ku eedeeyey in ay noqotay mid aan shaqadi
loo magacaabay sideedii u gudan iskuna xidhi kari wayday ama isu
keeni kari wayday dhamm aanba shirkadaha isgaadhsiineed ee ka
jir DALKA, oo shaqadaas ay iyadu lahayd buu yidhi.
Badhasaabka Goblka Jaamac C/laahi Biin ayaa isaguna munaaisbadda ka
hadlay wuxuuna ku ammaanay shirkadda Dahabshil heerka ay ka gaadhay
Technology ga dhinac walba, wuxu sido kale ku ammaanay shirkada
SOMTEL in ay markiiba muujisay inaanay waxba xaasidayn isagoona
sheegay in markiiba ay shirkaddu sheegtay in Mobilo shirkada lala
isticmaali karo ay soo saartay.
masuuliyinta Shirkadaha DAHABSHIL IYO SOMTEL oo uu u hadlayay C/RAXMAN
CALI X.X ASAN o ka mid ah masuuliyintasi ayaa dadka u
faahfaahiyey qaabka ay u isticmaalayaan moobilada iminka loo
qaybiyey, iyo waxa ujeeddada shirkaddu tahay.
Hadaba waxaa khudbadaha masuuliyinta iyo martisharaftu ay
munaasibadda Furitaanka ka jeediyen Dhextaal looga dhigay Riwaayado
ama majaajilo aad u qiimo badnayd oo ay halkaas ku soo bandhigeen
Majaajilistayaasha iyo abwanada caanka ah ee JAWAAN,SOO RAN,
IYO CALANLE MUSE,dhammaan dadkii madasha fadhiyey ayaa mar qudha
qosol jaa nta wadhay,iyadoona riwaayadda gebi ahaanba lagu soo
koobay adeegga shirkadda iyo waxa munaasibadda maanta ay ku
saabsanayd.
Ugu danbayntii Munasibadda aya lagu soo gebogabeeyey qado sharaf loo
sameeyey dhammaan xubnihii lagu soo casuumay munaasibadda Furitaanka
shirkadda SOMTEL.
Hibo Jaamac Cali
Timacade News Network TNN
Burco Somaliland
Hibo008@hotmail.com
|