SNM  MAXAY KU SUGAN TAHEY

 

 


Sua’ashan intaanan ka jaawaabin . waxay ila tahey inaan dulmaro tagtadii ama taariikh gaaban oo ku saabsan SNM .

HADABA bal aan dulmaro tagtadii hore ee SNM .



In badan ayaa ku dooda inay iyagu Sameeyeen ama ay Aasaaseen ururka SNM. Mar koox dibada joogta ayaa sheegata ama koox godaha joogta ayaa sheegata Aasaaskii SNM.marna Magaalooyin ayaa isu qabsada .

Waxaasoo dhami waa waxba kama jiraan .

SNM waa xarako uu aasaasey Shacabka oo ka dhalatey dareen bulsho ka gilgilatey cadaa diskii iyo xasuuqii talisgii Siyaad Barre.

Bulshadaas oo ku kala noolayd dalka gudihiisa iyo dibadiisaba . SNM waxay ku barbaartey dareenkii u kala gudbayay : Hargeisa , Burco , Muqdisho , Khaliijka iyo London.

Ma jirto cid ama magaalo gaar u sheegan kartaa aasaaskii SNM.

Ciidankii unuga ahaa ee ugu horeeyay SNM, waa Guutadii 4aad ee Gaaskii Axmed Gurey , Saldhigii ugu horeeyey SNM,na waa Duryo-dheer .

SNM iyo aasaaskeediba way ka waynyihiin wax qof , magaalo , ama kooxi sheegato .

SNM waxaa ahaa qof kasta oo aaminsanaa mabaadi’da iyo ujeedooyinkii SNM . oo si dad ban iyo si toos ahba gacan uga geystay halgankii dib u xareynta Qaranka Somaliland ee ay SNM horseedka u aheyd.

SNM ma aheyn oo kaliya intii talowdwy ee ku howlaneyd dagaalkii hubaysnaa. Balse  wax aa iyaguna SNM ahaa intii halista daaqysay ee dalka gudihiisa uga adeegaysay  halgank ana tabantaabinaysay. Waxa kale oo SNM ahaa intii ku sugnayd Dibada ee af iyo adinba halgankaa kaga qayb qaadanaysay.

Waa gef ama qalad aragtida ah qof kasta oo isaaq ahi SNM buu ahaa. SNM cid kasta oo  k a zoo horjeeday taliskii Siyad Bare ayaa aheyd.xataaa Talisk Siyaad Bare ayaa  aaminsan aa fikradan oo isu dayay inuu dabar gooyaba umadan .

SNM ,waxaa laga dhawaaqay magaalada LONDON , 6/April/1981

Shirweynihii ugu horeeyey ee SNM-na wuxuu ku qabsoomay London ,October ,1981.

 


SHIR WEYNAYAASHII SNM

 

Lam


Tirsiga SH/W

Meesha

Tariikhda

Gudoomiyaha

1

1, aad

London

Oct,1981

Axmed Maxamed Guuleed

2

2, aad

Nazereth

April, 82

Sheekh Yuusuf Sheekh Cali

3

3, aad

Harar

July 83

Sheekh Yuusuf Sheekh Cali

4

4, aad

Jigjiga

Nov 83

C/Qaadir Koosaar

5

5, aad

Jigjiga

Augst 84

Axmed Maxamed Siilaanyo

6

6, aad

Almis

Feb 87

Axmed Maxamed Siilaaanyo

7

7, aad

Almis

April 90

C/Raxmaan Axmed Cali


Bishii November 1983 ayaa Jigjiga lagu qabtey kalfadhigii 3,aad ee caadiga ahaa ee Golihii dhexe ee SNM. Kaas oo lagu bedelay Gudoomiyihii ururka , Gudoomiye cusubna laagu  door tey , kaasoo ahaa , Damal C/Qaadir Koosaar Cabdi. Sidaas ayuu C/qaadir Koosaar ku  noq day Gudoomiyihii 3,aad ee ururkii SNM.

Waana markii kaliya ee taariikhdii ururkii SNM. Gudoomiye lagu bedelo kal-fadhi Gole Dhe xe.

Kalfadhigaa 3,aad ee caadiga ahaa ee golihiidhexe ee SNM wuxuu ahaa kal-fadhi taariikhiya.

Waayo . markii ugu horeysay ayaa lagu oggolaadey laguna go’aamiyay barnaamijkii siyaasiga iyo Dastuurikii uruka.

Febuary ,1982. oo ku beegnayd xiligaasoo dhagaxtuurkii ardeydu ka dhacey  magaalooyin kii ugu waaweynaa ee waqooyi Galdeed . Togdheer iyo Sanaag . lana xukumay kooxdii  UFO, ayaa saraakiishii ugu horeysay iyo Guutadii 4,aad u talaabeen Ethiopia.

In yar kadibna hogaankii siyaasadeed ayaa isna Adiss Ababa yimid . halkaas oo si rasmiya ay u bilaabantay howshii ururku.

Adis Ababa oo aheyd saldhiga Guulalle ee SNM ayaa laga bilaabey howsha inyar kadibna waxa howshaa baaxadeedii loosoo wareejiyay Saldhigii Jigjiga oo ahaa Aroori, jiidaha  hor ee dagaalkana aad ugu dhawaa iyadoo howlaha taakulayntuna aad uga socdeen saldhigii Raamaale ee Diridhaba.

Dagaal balaadhan oo dhinacyo badan lagaga qaadey Talisgii Siyaad Bare ayaa bilaabmey.

Dagaal yar ma aheyn ee dagaal balaadhan oo wajiyo badan leh ayuu ahaa. Dagaal  Shac ab hubaysan oo ay duruufi ku kaliftey ayuu ahaa.

Wax jabhad hubaysan sheegta SNM waxa saxada dagaalka uga horeeyay SSDF oo kaliya oo aan muddo dheer ku jirin dagaalka una burburtey 1984, kii dabcigii macangagnimo ee hogaankii Dictator ka ahaa ee Col, C/Laahi Yusuf Axmed .

SSDF . waxay u dhisnayd qaab Milateri .oo ka dab qaadan jirey taakulayna ka heliya Col. Qadaafiga Libiya.

Bal fiiri waqtigaa waxaa jirtey in dar xumadii SSDF halkaa ku haysatey , iyo noloshii C/lahi Yusuf iyo bahdiisu ay ku noolaayeen guryaha raaxada ee Adis Ababa iyo Hutelada  waa weyn.

Ugu danbeyn 1984,kii ayay SSDF howlgab noqotay ciidamadedii iyo xubnaheedina u qaybsameen :



1 – wax noqdey ‘ fakad degaan ‘oo sugayay in rajo halgan mar kale soo noqoto.

2 – wax iyaga oo hubkoodii wata Siyaad Bare u tagey ama isu dhiibay.

3 – wax iyaga oo hubaysan ku biira saldhigyada SNM oo halgankoodii hubaysnaa halkii

kasii wada gaar ahaan Saldhigii SNM bari ugu xigay ee Gowlalaalle. Halkaas oo ay

marti halgameed ugu ahaayeen halgamaagii weynaa ee

Shahiid Col.Maxamed Axmed Maxamud “ Isla weyn” oo 12/ Feb/ 87,kii ku shahiiday

Balli-Dhiig isaga taliye ka ahaa cutub SNM ah oo ciidamadii Taliskii SB, weerar ku

Qadey.

4 – iyo in deris ku nool aheyd oo ku raaxeysan jirtey hudheelada waaweyn ee Ethiopia.

Ganacsina kaga jirtey ‘East Africa” gaar ahaan Nairopi. Oo iyagu ku noolaa dhiiga

Jabhaii jiidaha hore ee dagaalka ku silcaysay.

Kuwaas oo markii jabhadii soo oodantay Dunida u kala yaacey oo qaxootinimo

raadsadey


SSDF inkastoo ay aheyd jabhadii ugu horeysay ee Soomaliyeed ee Halgan hubaysan kaga hor timaada talisgii Siyaad Barre. Hadana sidaas ayay 1984,kii ku noqotey howlgab Ciidan iyo siyaasadeedba.


Iyada saldhigii ugu horeeyey SNM uu ahaa Durya. Kaas oo la furay Feb,1982. hadana  ur urku isaga oo sii balaadhinayay saldhigyadiisii ayuu bishii Augost. 1982, bilowgeedii waxa la furay Saldhigyadii kala ahaa : Dibiile ( Xarshin ),Laanqyrta , Awaare , iyo Gaashaamo.

Saldhigyadaas ayaa ahaa raaacii labaad ee fadhiisimadii SNM.

Inkasta oo maalinba maalintii ka danbeysay ay sii kordhayeen ilaa ay bad iyo buurba ka furmeen.

In badan ayaa la maqley goobilhii ay isu haleeleen Ciidamadii SNM iyo kuwii Talisgii Siyad Barre.

Waxaase waqtigaa dagaalkii hubaysnaa barbar socdey , mid dacaayadeed iyo mid  saxaa faded iyo banaanbaxyo joogto ah oo Safaaradihii talisga lagu weerarayay.

Howlgaladii “Badbaado”ee jabintii Xabsigii weynaa ee Mandheerra iyo Bad-jeex oo miiska saraakiisha ee Hargeisa lagu kala qaadey waxay ahaayeen howlgalo dhaban-hays ku noqotay talisgii Siyaad Barre. Howlgaladii kale waxaa ka mid ahaa kii lagu dilay , December 1986 Taliyihii Nabad sugida ee Harheisa.

Howgaladii SNM lama soo koobi karro . waxaase ka mid aha kuwa taariikhda galey sida Guda-galkii 1984.kii iyo kuwii xeebaha Bari iyo Galbeed.



DHINACII SAXAAFADDA

1982,kii waxa London kazoo bixi jirey Jariirad Biloodle ah,oo Ingiriisi lagu qori jirey lana odhan jirey ( Somalia uncensored )

Waxa kale oo isla xiliyadaa London kazoo bixi jirey Jaraa’id Af-Carabi ah oo kal-soo bax ahaa lana odhan jirey .

( Al-Soomaal Al-Jadiid )

Saldhigii Guulallee waxa isna ka soo bixi jirey ( Al- Mujaahid )oo tdobaaale Af-carabi ah.

Laantii SNM, ee waqooyiga America iyo Canada waxa kazoo bixi jirey

( Somali Horizon) oo sadex biloodle ingiriisi ku qoran.

Xaruntii SNM, ee Almis waxaa kazoo bixi jirey ( Dhambaal ) oo biloodle af-Somali ahaa.


Dhuuntii kale ee ugu waynayd ee warfaafin ahaan la adeegsan jireyna waxay aheyd .Idaacadii Bishii October,1982. SNM iyo SSDF heshiis ay wada galeen ka abuurantey ee codkii Jabhada Mucaaradka ah ee la odhan jirey , ( Radio Halgan )

Bishii April 1988,kii kadib markii ay Ethiopia iyo Somalia ay heshiis kala sexeexdeen ayaa la xidhay Radio Halgan.

6 / Aprill/1988 waxay ku beegnayd todoba guuradii aasaaskii SNM,

5/May/1989,kii ayaa markale la furay Cod ku hadla magaca SNM,

Kaasoo ahaa Radio SNM.oo ka hadli jirety Xaruntii SNM. Ee Almis taas oo hadlli jirtey ilaa Feb. 1991,kii habeen kaliya hawada kamay maqnayn.


Waxa kale oo howl galadaa barbar socday banaanbaxyadii jaaliyada Somaliland ee  dibad aha ku dhaqan Iyo howlgaladii deeq bixinta ee Gudaha iyo Dibadaba .

Howl galadii Hubaysnaa ee lagu qaadey waqtigaa fadhiisimadii Ciidamadii Siyaad Barre

Kuwaas oo si laxaadle u naafeeyay Taliskii SB.

Sadex aag ayay SNM kaga jirtey dgaalkaa hubaysan, Aagii Waqooyi, oo ahaa kii ugu  xoo ga waynaa.Aagii dhexe Mustaxiil iyo Aagii konfureed o ku sinnaa Gambadh, Garba-Guraaje iyo Bengool oo aheyd duleedka luuq-ganaane.


SNM iyadoo waqtigaa ilaa bilowgii 1981,kii kula jirtey dagaal hubaysan nidaamkii Siyaad Barre, ayay Bishii May ,1988,kii dabayaaqadeedii weerar kusoo qaadey magaalooyinka waaweyn: Burco iyo Hargeisa.

Weerarkaasi muu noqon mid saacado ama maalmo socdey. Balse wuxuu taxnaa ilaa  bilow gii Feb,1991,kii

Waqtigaas oo nidaamkii Siyaad Barre laga xoreyay Dhamaan Gobaladii waqooyi oo imika ah Jamhuuriyadda Somaliland.

1984 – 1989 ,kii SNM ayaa aheyd Jabhada kaliya ee Soomaaliyeed ee Dagaal Hubaysan kula jirtey Nidaamkii Siyaar Barre.

1989,kii Dabayaaqadiisii ayay USC, iyo SPM unug samay ah ahaayeen, halganka  hubays ana badhtamihii 1990,kii ayay soo galeen.

SNM gacan weyn ayay ku laheyd sidii ay labada urur u tis qaadi lahaayeen

Gen,Maxamed Faarax Caydiid iyo Col,Axmed Cumar Jees
.

Labaduba waxay kazoo sharaabeen xaruntii SNM ee Almis .

Dhamaan ururadii kale jabhadaha sheegan jirey waxay ahaayeen Gadaal dhalad ka danbeeyay talisgii Siyaad Barre.

SSDF. Shirweynaheedii 3,aad waxay ku qabsatey Harar March,1983,kii 4,aadna isla Herer 1987,kii. Shirweynihii 5,aad waa kii ku fashilmay Qardho 1994,kii

Ururdan kale may jirin mid Shirweyne qabsadey ,mid barnaamij siyaasiya ama Dastuur leh.mid calan iyo Xarun leh. Waa astaan iyo Gudoomiye haday u badantahey waxay leeyihiin.

Kaasoo hadiyo jeer ka dhur suga shir la qabto oo UN ama Africa soo abaabusho.si uu wax ugasoo helo.

Meherada kaliya ee ay ka simanyihiina tahey Suudh la xidho , Hudheelo ay ku degaan , hadba shir jaraa-id oo kolba meel ay ku qabtaan.

Xalka qalalaasaha Somalia kaliya waxay u arkaan kazoo ah in mushkilada Somalia  dhamaa neyso haddi ay Madaxweyneyaal, Madaxweye-kuxigeeno iyo Wasiiro wada noqdaan,

Sida hadaba ka dhacada Somalia oo marba Dowlad loo Sameeyo aanay ka soconayn.

Bal u fiirso sobobaha ay u fashilmaan waxyaabahan lagu magacaabo shirarka dib u  heshii sinta ee Somalia. Imisaa Jabuuti , Adis Ababa, Nayrobi, Qahira ,Jidah,iyo meelo kaleba lagu qabtey oo aan la garanayn sobobaha ay u fashilmaan.

Haye sobobaha ay u fashilmaan waa kuwan :

1- iyada oo ay talada shirkaasi ka timaado. New York, Qahira ,Rome iyo meelo kale oo  lam ida oo aan ehel u aheyn dhibaatada Somaaliyeed .

2- Ururo ku sheegyada shirkaa yimaada oo aan metelin codna ka haysan Shacbiga  Somal iyeed oo ay xataa Qaar kamida ay yidhaahdaan Somaliland ayaan ka soconaa hunguri owgii, Oo intooda badani tahey hadhaagii Taliskii Siyaad Barr.

3 - Ajandaha oo had iyo jeer ka fog Xaqiiqada iyo waayaha Somaliyeed markasta iyo

Shirkasttana ah Dhisme Dowladeed oo muran ka taaganyahey. Yaa noqonaya

Madax weyne iyo wasiiro

Mushkilada Somaaliyeedna taa maha .


.Shirweynihii Beelaha Waqooyiga iyo kaladhigii 2,aad ee Caadiga ahaa ee G

Olahii Dhexe ee SNM ayaa ku qabsoomay Burco, May 1991,kii . halkaasoo lagu Gudoonsadey lasoo Noqoshada Madax-banaanidii 1960,kii. Isla markaana lagu sameeyay Jamhuuridda Somaliland


Araarta iyo googol xaadhka ayaa ila dheeraadaye. Waxaynu u soconay inaynu si cad oo aan mugdi jirin u qeexno . Waxay manta ku sugan tahey SNM.

Iyadoo dib u dhaca iyo baaba lasoo darsay SNM manta ee aanay Xafiisyo lahayn. Maalmo la xusoo oo taarikhii ay soo martey aanay jirin. Oon xataa aan laga war hayn Naafadii soo halgantay oo ay qaarkood geeriyoodeen xaqoodiina aan la siin Agoomihii ay ka tageen . xataa waxaad arkaysaa qaar waalan oo aan haysan cid daryeesha,oOo lagu odhanayo ninkani waa mujaahid Hebel.

I’ am Sorry about what happen ours.

Hadaba SNM waxa ku dhacay maaha Cir-kasoo dhac ee iyada ayaaa isugu wacnayd.

Kuwaas oo mudo soo taxnaa oo markii danbena la maareyn kari waayey oo isbiirsadey ayaa hada la odhan waa kuwa kenay dibu dhacii ku yimid SNM, kuwaas oo ahaa kalfadhigii 2,aad ee caadiga ahaa ee golihii dhexe ee SNM oo Burco ahaa.

Waa dhab inaanu go’aan la qaato oo warqad lagu qoraa dhibaato keenin balse  dhibaata da iyo dib u dhacu waxay ka dhalan karaan fulintiisa ama fulin la’aantiisa.

Kalfadhigii 2,aad ee golihii iyo go’aamadii kazoo baxey bal aynu eegno sidii ay u  saameey een.

Go’aamadaasi way badnaayeen balse aynu eegno kuwa saameynta ku yeeshay Ururkii SNM.

Ma ahayn loogumana talo galin in ay go’aamadaasi dib u dhac ku keenaan SNM. Waxayse dhibaatadu ka timid ku dhaqan la’aantoodii

Go’aamadaa waxa ka mid ahaa

inuu Gudoomiyaha Ururkii SNM, noqdo madaxweynaha Somaliland. Gudoomiye ku  xigeen kuna noqdo Madaxweyne-ku xigeenka Somaliland  in goluhii dhexe ee SNM, oo xubno  bee lihii aan SNM ahaan jirin lagu kordhiyayna noqdaan Barlamaanka Somaliland

Go’aamadaa kalfadhigaa 2,aad waxba kama sheegin golihii fulinta ee SNM, oo intoodii badneyd noqdeen wakhtigaa xubno ka tirsanaa golihii wasiirada ee waqtigaa Cusbaa.

Bal hadaba aynu ku noqono qodobadaa kor ku xusani sida loogu sababeeyey Gaabiskii ku yimid SNM.

Dood dheer ayuu galihii dhexe ka yeeshay waqtigaa qodobadaa.

Markii in badan la rogrogayna waxaa loo batay in hogaanka Ururii SNM. Iyo kii Dawladuba mideysnaadaan. Iyada oo kala qaybsanaantooda loo arkayay in ay wiiqi karto midnimada Qaranimada Somaliland

C/Raxmaan Axmed Cali ( Allah Hau naxariisto) oo markaa ahaa Gudoomiyihii SNM. Intii aan doodaa la galin wuxuu qabey in madaxnimada golaha wasiirada loo sameeyo ama loo  mag acaabo Ra’iisal wasaare.

Markii danbe se fikrado loola yimid ayaa bedelay ra’yigiisii

Intii aanay fikradan mideysan ee hogaanka ururnimo iyo kan dawladnimo dhex iman golihii dhexe. Waxa ka dooday go’aana ka qatey gudigii Fulintee SNM. Oo kal fadhigii usoo jeediyay in hogaan mideysan la doorto.


Sidaa ayaa loo go’aaansadey oo Marxum’C/Raxmaan Axmed Cali ku noqday Madaxweynihii Jamhuuriyada Somaliland.

Taa macnaheedu ma aheyn inC/raxmaan loo doortey Madaxweyne, Lakiin maa daama uu ahaa Gudoomiyahii SNM, qofkii xilkaa haya ayaa go’aanku ahaa inuu noqdo madaxweyne.

Hargeisa ay noqotay Xaruntii ama Caasimadii Somaliland ayaa la yimid. Iyadoo aanay jirin Gidigii Fulinta ee SNM.

Markii Hargeisa la yimid Urur iyo SNM ba lama danayn ee dawlad ayaa laisu dhigay. Xarun Urur lama samayn lamana howl galin Gudigii Fulinta ee waqtigaa. Golihii dhexe ee Ururku wuu isu iman kari waayay. Gudoomiyihii iyo ku xigeenkii ururku waxay isu dhigeen oo ku filaatey Madaxweyne iyo madaxweyne-ku xigeen.

Sidii ayadoo lakala taaganyahey ayuu qabsoomey Shirweynihii Borama 1993,

Intii ka danbeysayna wax howl Urur ah oo la qabtey ma jirin

Hogaamintii Ururkii SNM iyo Sharciyadiisiiba waxay ku ekeyd bishii mey 1993.

La soco….. .... ...




Asalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakatu.

 

 

 

 


Maxamed Maxamud Axmed Shabeel ( Maxmed Arts )
maxamedarts@hotmail.com
Gabiley Somaliland