“SNM Iyo Jabhaddii
Koonfurta Sudan Isku Xero Ayey Ahaayeen, Him iladii Aynu Lahayna Wey
Soo Ifeysaa, Cumar Al-bashiir-na Wuxu Afrika U Sameeyey Taariikh
Cusub……” Muuse Biixi Cabdi

Hargeisa, July 10, 2011 (TNN) – Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye
Muuse Biixi Cabdi ayaa ku aamanay
Madaxwey naha Sudan Cumar Al Bashiir
sida sharafta leh ee uu uga qayb galay dalka uu saxeexay inuu ka go,
dalkiisa, waxaanu sheegay inuu yahay madaxweynihii ugu horeyey ee
Carbeed ee ku dhiirada inuu saxeexo ka go’ita anka qayb ka mid ah
dalkiisa.
Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi
oo xalay ka hadlayey munaasibad casho sharaf ah oo uu Hut eel
Mansoor ugu sameeyey koox dhalinyaro qurba jooga,ayaa waxa uu si
qoto dheer uga waramay taariikh dheer oo dhinaca halganka ahayd ee
ay soo wada galeen Somaliland iyo Koonfurta Sudan.
Mujaahid Muuse Biixi waxa uu sheegay inay ku wada jireen laba xafiis
oo isku xiga Ururkii Dib u Xoraynta SNM
iyo Jabhadii Koonfurta Sudan ee SPLA.
Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa tilmaamay in
haddii maanta Koonfurta Sudan heshay G
obonimadeedii uu kii Somalilanda soo
ifayso, isaga oo arimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi “Maanta
(Sha lay) waxa gobonimo qaatay Koonfurta dalka Suudan, Taariikh
ayaanu wadaagna Koonfurta Suudan,Jabhadii xore ysay Koonfurta Suudan
ee SBLA iyo Xisbigii SNM waxaanu wada hagaan jinay isku xero, meel
ayaanu w ada dagnayn, labadayada xafiisnaya waxa la kala odhan jirey
Number Saban iyo Number Todoba.labadeenuba Isti cmaarkii Guumaysigii
Ingiriiska ayey ka soo jeednaa, iyagu markii ay Suudan 1958-kii ay
xoriyada qaadat ay wey is khilaafeen, dagaalbayna bilaabeen,
1981-kiina waxa heshiisiisay Dawladda Itoobiya, heshiiskaasina muu
waarin, 1983-kii ayuu John Grand dagaal dib u bilaabay, in badana
dagaalka ayeynu kuwada jirnay, maa ntana iyagu waxa ay gaadheen
wixii ugu weyna oo ah Gobonimada, waliba inagu waxa aynu dheernahay,
wa xa aynu ahayn dal caana oo xududihiisa la yaqaano, balse iyagu
waxa ay ahayeen dal, dalka ka mid ah, halk aas waxaan ka arkaa in
himiladii aynu lahayn soo nuurayso, mar haddii ay iyaga u suurta
gashay, waxaan bogaadinaya inkasta oo warbaahinta caalamku aanay u
qaadin, sida qolada tidhaahda “waanu xog weyn ahay” haddana codkeenu
u gaadhi doonaye,
Madaxweynaha dalka Suudan Cumar Al Bashiir oo sameeyey Taariikh ku
cusub Afrika, oo sameeyey geesini mo Carabta badankoodu ku
dhici karin,waana Ninkii ugu horeyey ee Afrikana ah ee ogalaada inuu
si salimaya u sexeexo, isla markaana ka soo qayb galo Gobonimada
dalkii ka go’ey, Itoobiya oo ka horeesay oo sidaas m ay ahayn, waxa
ay ahayeen laba jabhadood oo soo dagaalamay oo waxa kala goostay
ayey ahayeen, waana sababta Caalamka oo dhami isugu tagay Koonfurta
Suudan, waxa aan idin sheegaya markii aynu gobonimada qaadnay
waxaanu isku itaal ahayeen wadamo badan oo maanta qaniya, mar haddii
dalkii laga dhisay Dawla dnimo dhaqaalaha iyo horumrkuna
dhalinyarada ayey sugayaan ee la socda”.
Source: Wargayska
Saxansaxo
|