|
SIDEE WAX U DHECEEN 27 MAY 1988 ???
Maalmo ka hor
27 May 1988 waxay ahayd wakhti aad iyo aad ugu adag
jabhadii S.N.M iyo taageera yaasheediiba, waayo waxaa heshiiyay
labadii hogaamiye ee Somalia iyo Ethiopia, Siyad barre iyo
Me ngistu,waxaa dallow ka dhacday rejadii shacabka,waxkastana waxay
ka fisheen dhinaca guuldara da,werwerka,malo awaalka,anfariirka iyo
rajo xumadu waxay noqdeen kuwo wehel u ah dadkii ku n oolaa Gobolada
Waqooyi ee SOMALIA. Maalmahaas heshiisku dhacay xitaa Gudoomiyihii
S.N.Mta Ah med Siilanyo oo dareensan rajo xumada jamhada
S.N.M iyo
shacabdkeeda soo wajahay,dhinaca kale na iska diid siinaya heshiiska
labada dawladood gaadheen ayaa la hadlaaya idacada BBCda laante eda
afsomaliga bal si uu in uun rajada umada usoo nooleeyo,wuxuuna
bixinayaa waraysigii fariinta xambaarsana
ee ay ereyadiisa ka midka ahaayeen DAWLADUHU HADII AY DOONAN HA
HESHIIYEEN LAKIIN INTA DULMIGII AANU KA DAGAALAMAYNEY JIRO HALGANKA
JOOJIN MAYNO!!!.Isla maal maha s waxaa la isugu yimi jiida hore ee Dagaalka magaalada
DHUUBO-GUDUUD,hadii ay tahay gudoomiyihii ururka
iyo dhamaan garabkii ciidamada iyo kii siyaasadaba iyo waxgaradkii
kale ee uruka taageeri jiray oo dhanba.
wakhtigu aad ayuu cidhiidhi u ahaa waxkastaana si degdeg ah ayay ku
soconayeen ajandaha keliya ee meesha yaalayna wuxu
ahaa KALA DOORO LABA DARAN,qofkasta oo maalmahaas jiida hore joo gay
maskaxdiisu aad ayay u shaqaynaysey oo intaas oo kun oo fikradood
ayay daqiiqadiiba soo tuu raysey,habeenkii marka la gaadho hurdadu
cirka ayay ku laalmaysey,waxaa xad
beelay qaadka la cunaayo,si fikradaha saxan loo helo,mashquulka
kalena maskaxda looga ilaaliyo,waana la wada jiba ysnaa
waxay talo ku soo ururtay in gudaha la isugu shubo,gudidii dagaalka
ayaana la iska dhex do ortay.
Gudidii dagaal gelinta S.N.M ee kaartada dagaalka dejisay waxay kala
ahaayeen.
1.Muj. Jaamac cali cilmi
(Guddoomiye)
2.Muj. Maxamed Kaahin
Axmed
3.Muj. Xasan Yonis Habane
4.Muj. C/samad Xaaji C/laahi
5.Muj. C/laahi Maxamed
Gudidani wakhti aad u kooban gudahood ayay ku soo diyaariyeen,kaarto
dagaal tii ugu quruxda bad nayd,weliba sidii ay ugu talo galeen hadii
ama u dhigeen hadii ay u dhici lahayd oo Burco iyo Hargey sa isku
maalin lagu dhufan lahaa,guul aad u baaxad weyn iyo khasaare ka yar
kii markii markii danbe dhacay ayaa soo hooyan lahayd,lakiin si ay
ku dhacdayba afar cisho ayuu ciidankii kala danbeeyay.
Waxaa meel la isugu wada keenay ciidamadii S.N.M,iyo wixii hub iyo
gawaadhi iyo shidaal la hayayb a,labadiii eeg ee
S.N.M ee aaga
galbeed iyo aaga bari,waxaana magac ahaan loo bedelay aaga mak ka iyo
aaga madiina.
Waxaa dhamaan deegaanka S.N.M isa soo dul taagtay daruurta GEERIDA
waxaase ku lamaanayd d aruurta XORIYADA,qofwal wuxuu go,aan saday
inuu nafta iyo maalkaba huro,waxaana caloosha la gu adkaysanayay
gabayo qarniyo hore la mariyay oo ay ka mid ahaayeen, hadaad dhimato
geeridu marbay nolosha dhaantaaye,dhaqashiyo marbay kaa yihiin
dheregu xaaraane
iyo gobanimo bilaash looma helo ban iska taal taale, iyo gobanimadu
waa geed ku baxa dhiiga geesiga.tabaabushe deg d eg ah ka dib waxaa meesha la yidhaahdo Samatar
Axmed,lagu diyaariyay 1200 oo mujaahid,waana ciidankii aaga MADIINA,
ee burco weeraraayay,waxayna kasoo dhaqaaqeen Samatar Axmed
26.5.1988.
Ciidankaas aaga Madiina waxaa hogaankooda guud ahaa,Muj. Axmed Mire
Maxamed, abaanduulena waxaa u ahaa Muj.Aadan Saleeban Cali.
(Ma gubte), taliyaha hawl gelinta waxaa ahaa
Muj.Xuseen Axmed (kharash
yare).
Waxaana weliba ciidankaas loo sii qaybiyay laba qaybood oo ka
koobnaa qaybta 1aad iyo qaybta 2aad waxaana kala hogaaminayay
labadaas qaybood.
QAYBTA 1aad waxaa hogaaminayay Mujaahidiinta kala ah.
1.Muj. Xasan Cali Abokor
2.Muj. Muuse xasan Dhunkaal
(Muuse Bidaar)
3.Muj. Ibraahim jaamac Dhiif
(HA LIQIN)
4.Muj. jaamac Digale Ducaale
5.Muj. Maxamed Yusuf
QAYBTA 2aadna waxaa hogaaminayay mujaahidiinta kala ah
1.Muj. Axmed Macalin Haaruun
2.Muj. Maxamed Cali Faarah
3.Muj. Maxamud Maxamed Xandulle ( oo ahaa saraakiishii ugu da,da
weyneyd S.N.M, 77kiina gacan wax ka noday)
4.Muj. Cumar Maxamed
Ciidankaas S.N.M ee Burco galay waxay wateen.
4 Siikaawe
2 beebee
2 Jiib
2 ZUU 23
Iyo 30 gaadhi oo xamuul ah, waxayna wajahayeen ciidamadii gaaska
3aad ee qaybta 26aad ee xoo ga dalka somalia oo ka koobnaa.
4 Guuto oo Ciidanka dhulka ah.
1 Guuto oo Tankiyo ah ama KAARAYAAL sida aad u taqaanan
2 Guuto oo Madaafiicda Goobta ah
iyo hal urur oo ah hubka wax gumaada ee PMka loo yaqaan.
Ciidankaas S.N.M ee ka soo dhaqaaqay Samatar Axmed waxay xuduuda ka
soo galeen meesha la yi dhaahdo SIBIDHLEY waxayna soo mareen
DHOQOSHEY, marka ay marayaan meesha la yidhaahdo X AYDH DUCATO ayay
iska heleen xooga faqash ah lakiin baabuurta loogama degin ee
markiiba way k ala yaaceen faqashtaasi markii la rasaaseeyay, waxay
habeenkii oo dhan soo socdaanba ciidamadii S.N.M waxay dul yimaadeen
magaalada burco intaan waagu beryin,halkaas ayayna ku kala qaateen
go,aamadii ugu danbeeyay ayna isku kala qaybiyeen.
Markeliya ayay subaxnimadkii 27 may 1988, maalin jimce ah ay burco
ku waa bariisatay ALLAHU AK BAR iyo sanqadha rasaasta
daqiiqado gudahoodna hugunka hubka noocyadiisa kala duwan ayaa Bu rco
is wada gaadhay,hadii ay mujaahidiinta S.N.M ahayeen 1200
nina,daqiiqado gudahood ayay Bur co oo dhami S.N.M ku wada noqotay,
ALLAAHU AKBAR, dhalinyaradii hubka ayay wada qaateen oo boobeen,
hooyooyinkii quraacda ayay S.N.M la daba ordayaan, islaamihii
waaweyna ama ayeeyooy inki
Ciida ayay S.N.M ka daba saydhayaan iyaga oo in ilaahay beleda iyo
xabada ka xijaabo iyo inay guulaystaan ilaahay uga baryaaya.
Waxaa cagta la mariyay dhamaan ciidamadii FAQASHTA ee gaaska 3aad ee
burco ku sugnaa,waxan a la laayay dhamaan saraakiishoodii oo dhanba
oo ay ka mid ahaayeen
1. Gashaanle Sare CADCEED oo ahaa hagoomiyihii ciidanka
Gaaska 3aad
2. Captain Maxamed
Abshir (kabtan faalso) oo ahaa
Taliya Bilayska Burco
iyo boqolaal kale oo aynaan halkan ku soo koobi karin,iyo kumanaan
ciidamadoodii ahaa,waxayna noqdeen wax dhinta,wax is dhiiba iyo wax
yaaca oo oo firdhadkii meelay mareen la waayay.
Jabkii maalintaas Faqash ku dhacay kamay soo kaban,waxayna bilaabeen
inay shacabka diyaarado ku duq eeyaan, xabadii maalintaas BURCO ka
bilaaban tayna laba sano iyo badh gudahood ayay SOMALIA oo dhan ku
wada gaadhay,xukunkii siyad barrena ku soo afjar tay,
waxayna
sheekadu ku danbay sey maansadii Hadraawi
ee DAALALEY.
Dusduskay ku dheregtee
haddaan daalku dheeraan
gabbal baas u dumin nabad.
*****
Nin dalleensi lagu cunay
haddaan guuto loo dilin
dakharkiiba toban noqon.
Nin kastoo dun iga qaba
*****
haddaan daab-cad lala dhicin.
Janannada durduurta ah
Haddaan daadku soo qubin.
Aqallada derbiga dheer
*****
haddaan daaqad laga gelin.
Ninka dabin ka boodka ah
haddaan diirad lagu helin.
Haddaan duubka gogoshiyo
*****
lagu dhuuman dalowyada.
Haddaan shaashka derejada
dallacaadda laga nixin.
Dar Allay u kibirtee
*****
haddaan iilka lagu degin.
Haddaan meydku duurkiyo
derrimaha ka fara badan.
Sanqadhaa dabayshiyo
*****
haddaan fiinta laga didin.
Fadhigay ku daaqdee
haddaan soodhku dalandalin
halka diibi lala maro
*****
haddaan raacdo daba gurin.
Dacfalaanka mahaddiyo
dardarsiga barwaaqada
iyo doosha subagga leh
*****
haddaan laysu dacarayn,
inata daran intaw daran
haddaan duulal lagu falin.
Haddaan deebta gumuciyo
*****
lagu guban dabkaan shido.
Duhur laysla wada jiro
haddaan guusha lay deyn
Allay-lehe docdaydii
ha goblamo dal weynuhu.
|
Sulayman Yusuf Dhakhtar
baynani@hotmail.com
NIJMEGEN
THE NETHERLANDS |
|
|