Roob lagu diirsaday oo ka da’ay Degmada Tog-Wajaale.
 
Roobkan oo ahaa mid qaboojiyey deegaankaasi uu ka da’ay ayaa........
Wajaale (TNN)- Roob lagu diirsaday ayaa galabta ka da’ay Degmada
Wajaale oo ku taala Gobol ka Gabilay.
Roobkan oo ahaa mid qaboojiyey deegaankaasi uu ka da’ay dad duunyaba
ayaa ah roobkii u ho reeyey ee muddo ka da’a deegaanada Somaliland,
iyada oo roobku sidoo kale ka da’ay Degma da Wajaale dhinaceeda ku
taala Itoobiya.
Deegaano badan oo Somaliland ku yaala ayaa waxa baryahan dambe laga
soo sheegayey abaa ro baahsan, taasi oo dad badan ka cabanayeen
Roobkii oo raagay, balse roobkan maanta ka d a’ay Degmada Wajaale
ayaa waxa ay dad badan rajo ka qabaan in uu noqonayo roobkii oo curt
ay, isla markaana dad badan ku han weyn yihiin sidii ay uga bixi
lahaayeen abaarta iyo biyo la’a anta.
Sidoo kale magaalada Hargeysa ayaa maanta dad badan naawilayeen in
uu roob ka da’ayo, iy ada oo daruuro is xidheen in kasta oo aanu
roob ka di’in, balse maalmaha soo socda haddii ALLE ka dhigo waxa ay
dad badan filayaan in uu roobab ay helaan.
Timacade News Desk
Tog-wajaale, Somaliland
|