Riyada iyo Habaabinta Rayaale saw lagama hadho

 

Siyaasadah maldahan ee had iyo jeer Madaxweyne Riyaale dadkiisa ku habayo m aalinba maalinta ka danbaysa ayay soo afjarmaysaa. Inbadan ayuu shacabkan na bada jecel ee uu dhan walba dabaysha kaga keenay ayuu guyaal badan  dhegaha ugu shubaayay  era yo siyaasadaysan oo dhalaan habaabis ah. Kuwaas oo ay ka m id yihiin " Ninka madaxda ka ah UNDP ee qaabilsan Somaliland iyo Somaliya."

Sheeko iyo shaahid ma waxaynu aragnay madax laba dal qaabilsan! Waxa kale oo ka mid ah erayadaa siyaasadaysan "Safiirka qaabilsan Somaliya iyo Somaliland."

Anigoo weligayba la yaabanaa erayadaa shacabka lagu majaro habaabinayo  ayaa  wa xa u cadeeyay erayadaasi inaanay jirin oo ay yihiin hambag laysku maaweelinaayo  safii rka Masar ee u fadhiya Somaliya mar uu shir jaraaid oo ku qabtay caasimada dalkeena Somaliland,isagoo ka jawaabayay waydiimo ay suxufiyiin Somaliland u dhashay ku  harqi yeen ayuu si cadho leh ugu jawaabay "Anigu safiir ka socda dawlada Masar ee  qaabils an Somaliya , umana kala  qaadayo koonfur iyo waqooyi."

Isagoo safiirka Masar jooga dalka Somaliland hor fadhiyana Madaxweyne Riyaale ayaa h adana afhayeenka madaxtooyadu warsaxaafadeed intuu qabtay weli dabada sii hayaa erayadii siyaasada Somaliland lagu ragaadinayay ee ah "Somaliland iyo Somaliya safiirka Masar u qaabilsan." Weliba sida uu safiirka Masar u fadhiya dalka Somaliya uu si cad ugu sheegay Riyaale inuu u sido daqiiq iyo saliid ka mid ah mucaawino ay dawlada Masar u fi disay Somaliya.

Dhamaan hay'adaha UN-ta ka socda ee ka hawl gala Somaliland waxa ay dalka ku jooga an iyagoo sita magaca Somaliya inay wax ku caawinayaan, rumaysana inay Somaliland gobol ahaan u joogaan,waxay qabanayaana gobol ahaan ku qabtaan.


Hadana dawlada dalka ka talisaa ee uu Riyaale hogaanka ka yahay waxay mar kasta oo ay waxqabad hay'adahaasi fuliyaan ka hadlayaan ku magacaabaan hay'adaa heblaayo ee qaabilsan Somaliland iyo Somaliya...!

Waxa aan hadaba talo ugu soo jeedinayaa hawl-wadeenada saxaafada Somaliland inay ka waantoobaan erayada iyo weedhaha shacabka lagu marin habaabinayo.

Shacabkana waxa aan leeyahay riyada iyo habaabinta Rayaale saw lagama hadho.
 


Xaqa u hiiliya,xaq darradana diida

 

 

Roda Gahayr
Hargeysa Somaliland