riyaale waa in maxkamad la soo taago

Waxa beryahan isa soo tarayey qaylo ,sawaxan , dig dig iyo dam dam
ka soo yeeraysa taageeray aashii maamulkii musuq maasuqa ahaa ee
Riyaale Kaahin , oo
godadkii ka soo baxay , nimankaas oo lawada
ogyahay in ay ahaayeen nimankii ku mabay hantidii umada waqtigii Riyaale, oo marna shaa r qabiil soo qaadanaya, marna afmiin shaaro
ah, marna isku sheegayaa in ay yihiin xildhibaa no barl amaanka ka
tirsan waxa dhibaya ee ay ka qaaylinayaan waa wixii ay ku barteen
maamul kii Riyaale oo ay ka waayeen Dawlada Cusub ee xalaasha ah.
Waxa
dhibaya ee ay ka qaylinayaan waa horumarka la taaban karo ee ay ku
dhqaaqday dawlada c usub , horumarkaas oo ah kii ugu weynaa ee ay
latimaado xukuumada somaliland ah mudadii 20 sa no ahayd ee s/land
jirtay , haday tahay mid maamul toosin iyo dawlad wanaag, haday
tahay musu q maasuq ladagaalan, haday tahay dhaqaale kobcin, haday
tahay soo jiidasho maal gashe shiishee ye , haday tahay xidhiidh
cusub oo somaliland lasamaysatay dawldo badan oo caalmaka ah oo aan
hore udanaynin jirin, waxaas oo hor umar ah oo ay la timi dawlada
cusub ayaa falaar ku noqotay kooxdii
dhiig miiratada ahayd
ee
maamulkii Riyaale la qadhaaban jirtay.
Dabcan kooxdaa oo aynu wada
ognahay in ay yihiin cadawga gudaha ee s/land marna dani ugu ma jirto
in somaliland hore u socoto. Kooxdaas waxaan leeyahay saaxiibayaal
waxba hays wareerinin a xaaraan bay idinka tahay in aad dib u
heeshaan wixii Riyaale idin baray waayo maanta s/land w axa taladeeda
hayaa Axmed Silaanyo , oo ah aabeheedii oo aan nina uga lexejelo
badna yn, nina u gaga haboonayn maamulkeeda , waa libaaxii
aad wada
taqaaneen , ee mudada yar ku baabiyey Da wladii Siyaad barre, waa
libaaxii dibada u wada hurgufay kooxdii Hangashta iyo
faqashta iyo basaa siinta ee
Riyaale , ee isku xulufaystay in
ay jaqaan dhiiga umada
masaakiinta ah ee reer somalinad isaga oo aan xabad rasaas ah ku
ridin .
Axmed Silanyo,
maaha nin maanta ka didaya fish fishta afarta
koofiyad bacle ,maaha nin u joojina ya hanjabaad digaaga yar ee
cayntaynka ah ee afmiinshaaradii Riyaale, ee waxaa ka go'an inuu
horumar gaadhsiiyo Somalinad iyo shacabkeeda .
Waxa igaga yaabiyey
kuwa ku andacoonayaa Riy aale ayaa la soo dhoweyn waayey, saaxiibayaal
Riyaale maaha kii la soo dhoweyn lahaa , ee waxa weeye
kii Maxkamad
la soo taagi lahaa , isaga oo sabab u ahaa boobkii iyo burburkii iyo
dib udhac ee dalka ku habsaday 8 sanadood
ee uu xukunka hayey.
Waxa
weeye kii lagala xisaab tami lahaa dadkii shacabka ahaa ee iyaga oo
si nabad gelyo ah u mu daharaadaya uu
Rasaasta marin jirey , waa
ninkii lagala xisaabtami lahaa boqolaalkii qof ee uu sida sharci
darada ah jeelaalka ugu guri hirey , waa ninkii la gala xisaabtmi
lahaa malaayiinkii doll ar ee uu ka xaday umada reer somaliland , ee
faqrigu dilay ee uu fillooyinka iyo gasarada kaga dhistay ,
Dubai,Jabuti,London,
Paris , waa ninkii lala tiigsan lahaa
Maxkamad la mida
Maxkamadaha hadsa ku socota
Madaxdii Carabta ee Xukunka laga
tuuray .

khadar.A.Hussain
E-mail:fayruuq@hotmail.com |
|