“Madaxweynuhu 8 Sannadood Wuxuu Qaban Kari Waayay Ma anta Qaban Maayo, Socdaalkiisuna Wuxu Noqon Doona Kii U Dambeyay Ee Uu U Baxo” –

 


Hargeysa(TNN)-Guddoomiyaha xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe, ayaa socdaalka uu  Madax weyne Rayaale dalka dibadiisa ku joogo, ku macneeyay mid ku salaysan dano gaar ah oo ka fog danaha guud ee qaranka.

Md. Faysal, waxa uu socdaalka Madaxweyne Rayaale ku tilmaamay inuu noqon doono kii ugu  d ambeeyay ee uu u baxo isagoo Madaxweyne ah. Md. Faysal, oo isagoo jooga magaalada  Nayro bi ee dalka Kenya xalay u waramay Wargeyska Geeska Afrika, waxa uu sheegay in socdaalkan oo uu ku weheliyo murashaxa madaxweyne ku xigeen ee UCID Dr. Maxamed-Rashid Sheekh  Xa san yahay mid ay dawladaha gobalka iyo bulshada caalamka ugaga xog waramayaan  barnaam ijka siyaasadeed ee ay dalka ku hagi doonaan haddi ay ku guulaystaan doorashada  Madaxtooy ada ee la filayo inay qabsoonto bisha Juun ee sannadkan.

“Waxaanu soo marnay dawladaha jaarka oo aanu uga xog waranay barnaamijka siyasadeed ee aanu dalka ku hoggaamin doono haddii aanu doorashada ku soo baxno.” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe, waxaanu intaas raaciyay, “Kenya iyana waxaanu jecelnahay maanta [shalay] ayaa nu nimide inaanu u sharaxno barnaamijkayaga siyaasadeed.”

Faysal Cali Waraabe, waxa uu sheegay inuu la dhacsanyahay sida ay komishanka  doorashoyin ku hawlahooda u wadaan, “Komishanku ilaa hadda si fiican ayay hawlahooda u wadaan, waan an ku amaanayaa, saxaafadda iyo shacabkuna waa inay gacan siiyaan.” ayuu yidhi Faysal.

Waxa uu xisbiga UDUB ee xukuumiga ah ugu baaqay inuu ka waantoobo dad ururin uu sheegay inuu abaabulo si uu isku dhac u yimaado. “Xisbiyada waxaan ka codsanayaa inay joojiyaan iska horimaadka. Gaar ahaan UDUB waa inuu ka waantoobaa dadka uu ururinayo ee asxaabta kale qasaya.”

Faysal Cali Waraabe, oo la weydiiyay sida uu u arko socdaalka Madaxweyne Rayaale, waxa uu yidhi, “Waxaan u arkaa mid danihisa u gaar ah, Madaxweynaha caaddo ayay u ahayd inuu wax soo gacan mariyo laakiin dan umadeed ma wado, wixii uu 8 sannadood qaban kari waayay maanta ma qaban karo, wax dan umadeed ahna ma wado ee waa dan khaas ah waxan uu la socdaa, waxaanan rajaynayaa in socdaalkani noqdo kii u dambeeyay ee uu u baxo isagoo Madaxweyne ah.”

Ugu dambayn waxa uu Faysal Cali Waraabe, fool xumo ku tilmaamay xiisadi dhawaan ka kacday Ceerigaabo oo la xidhiidhay qorista shaqaalaha komishanka doorashooyinka. “Ceerigaabo laba arrimodoba aad ayay foolxumo ugu yihiin. 200 oo dhallinyaro ah oo la qorayo in la isku qabsado waa fool xumo, cidda shaqaysaaba waa dadkeena, markaas maaha in 200 oo carruur ah laga dhigo xiisad, labada xisbi tan ay isku dhaceena waa fool xumo kale, hala noqdo xil kas.” ayuu yidhi Mr. Faysal.

 


Source: Www.Geeska.Net