War degdeg ah: Golaha
Guurtida oo Xilka u Kordhiyey

Madaxweyne Rayaale iyo
ku-xigeenkiisa Muddo Lix Bilood ah
Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta cod dirqi ah
muddada xilka ugu kordhiyey Madaxweyne Rayaale iyo ku-xigeenkiisa
muddo lix bilood ah.
Fadhigii maanta ee Golaha Guurtida uu hagayey Guddoomiye Saleebaan
Maxamuud Aadan, isla markaana ahaa mid aad u xasaasiyad badnaa oo ay
ka qaybgaleen 79 ka mid ah 82 mudane ee Goluhu ka kooban yahay, waxa
cod gacan-taag ah ay 42 mudane ku taageereen mooshin qaar ka mid ah
xildhibaanada muxaafadku soo jeediyeen oo dhigayey in muddo lix
bilood ah loogu kordhiyo Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa sii haynta
xilka, waxaana mooshinkaas diiday 35 mudane, halka 1 mudane uu ka
aamusay, Guddoomiyuhuna aannu codayn.
Waxaana muddo-kordhintaas loo sameeyey Madaxweyne Rayaale iyo
ku-xigeenkiisa Axmed Yuusuf Yaasiin dhigaysaa in doorashada
Madaxtooyada la qabto 29 bisha September, xilka Madaxtooyadana
lagula kala wareego 29 October. Waxaannu go’aankaasi si cad uga
horimanayaa waqtigii Guddiga Doorashooyinku u cayimeen qabashada
doorashada oo ahayd 31 May.
Xarunta Baarlamanka Somaliland ayaa maanta lagu arkayey askar aad u
tiro badan iyo weliba wasiiro fara badan oo xukuumadda ka tirsan,
waxaana dhammaanba la xidhay jidka hormara Baarlamanka iyo
Madaxtooyada oo aan xitaa dadweynaha loo ogolayn inay maraan.
Jamhuuriya Online
|