Hadii uu
Madaxwayne Rayaale ka Maqanyahay Somaliland Ma xaa looga
Qaadi waayay Isbaarada Taala jidka hormara Madaxtooyada
ee Habeenkii Xaniban?.
Qaraxyadii
Foosha xumaa ee lagu kacay Somaliland ee khasaaraha
dhimasho iyo dhaawacba soo gaadhsiiyay Muwaadiniin reer
Somaliland ah oo ku kala sugnaa Safaarada Itoobiya, Xaf
iiska UNDP, iyo Xarunta Madaxtooyada Somaliland, kuwaasi
oo Qofkasta oo reer Somaliland ahi ka murugooday
Falkaasi Arxan Darada ah.
Falkaasi Foosha xumaa ka Bacdi Xukuumada Somaliland
Waxay Xidhay jidka wayn ee Badhta maha Magaalada
hargeisa Kaasi oo hor mara Aqalka Madaxwayne rayaale ama
Madaxtooyada Somalial ndba. Markii uu xidhnaa in
muddo ahaa waxay ogolaatay in maalintii ay baabuu
rtu maraan balse lixda fiidnimo wixii ka danbeeya ay
Xanibantahay oo aan la mari Karin wax kastaa hadii ay
dhacaan.
Ma xuma in nabad galyada Somaliland la Adkeeyo, Cadawga
laga hortago, Cidkasta oo Somal iland waxyeelaso
Gacan bira lagu qabto balse wax lala yaabo ah,
fulaynimada intaa leeg ilaa haatan u Xanibanyahay jidka
madaxtooyada hormara.
Nafta Bani aadamku dil ayay ku wada xukumantahay, Qof
waliba maalinta illaahay u qoro ay uu dhi
manayaa, wax wal oo aad samayso, Hub walba oo aad haysto,
ciidan badan oo aad ha ysato, kaa ma celinayaan
wadka, Qof kastaana wuu dhadhaminayaa Geerida mar ay
noqo toba.
Hadaba waxaa iswaydiin leh hadii ay Madaxwaynaha u
Xanibnayd Wadada madaxtooyadu i saguna hadda ka
maqanyahay Dalka oo uu dhawaan u kicitimay Dalka
faransiiska, Maxaa loo gu Furi waay ay
Dadwaynaha ku dhibaataysan maritaanka Jidkaasi wadnaha
magaalada Har geisa, Bal hadii isa ga laga
baqayay inay waxyeelo ka soo gaadho.
Madaxwaynaha Somaliland dadkiisu waxay ka mudanyihiin in
uu rabitaankooda qadariyo, wixii dhib u keenaya ka
illaaliyo, Masuuliyadiisu maaha in uu Xanibo oo uu
diktaatooriyad kula koco marba isb aaroyar meel
dhigto sidii Qabqablayaashii Koonfurta Somaliya, Waa
Calaamado ka fogaynaya Dadk iisa, waa Calaamadihii
kali talisnimada, hadii aanu Arintaasi ka noqon.
Dadwaynaha waxa ku Waajiba ah inay Madaxwaynohooga
ixtiraamaan, inay Codkooda siya an Cida wax
uqabanaysa, ee aan dhibaato u keenayn shacabkooda xorta
ah.
Qofkasta oo Habeenkii soo raaca Bas ama kumara jidkaasi
baabuur wuu garan karaa Dhibka ka qab sada iyo
Gooladaha Xaafadaha dhexdeeda ee lagu kalifay inay
maraan iyada oo Xuku umada Raya ale Isbaaro
iska Dhigatay jidka Hormara Gurigiisa, Madaxwaynuhu
Hadii Cabsi ka hayso Shicibkiisa Waxay ahayd inta uu
Bulshadda intaa leeg Xanibayo inuu u Guuro meel ka
Baxdan Wadnaha maga alada oo aanu cidna wax ku
yeelayn, taasi ha u samaysto jid uu sida uu doono ka
yeelo, xiliga uu doono xidho, markuu doonana furo.
Balse Dadku waxa ay illaa hadda la amakaagsanyihiin oo
ay iswaydiinayaa Jidka madaxtooy adu Ma marinkii
Qasa ayay noqotay? Iyo su,aalo kale oo aan wali
jawaabtooda la helin, Xuku umadduna ma rna kamay
haddal Sababta ay u xidhantahay wadadaasi tan iyo
Qaraxyadii Har geisa ka dhacay.
Cadawga Somaliland wuu fara badanyahay, Waana waajib
saran Xukuumada Somaliland inay Difaa cdo
Qaranimadeeda, Shicibkeeda balse maaha Xukuumaddu in
Awoodeeda isugu gayso Muquuninta Xisbiyada mucaaridka
balse waxay ahayd inay kala saarto Jiritaanka Somaliland
iyo Cadawgeeda sidii loo tirtiri lahaa. Iyaga oo
kaashanaya Xisbiyada mucaaridka ah iyo Dad waynaha
reer Somalil and-ba. Balse may ahayn in Dadka
iyada oo Argagax loo gaystay oo X ukuumadu
Dayacday Masu uliyadii ka saarnayd illaalinta
nabad galyada iyo la dagaalanka Ca dawgeeda inay
haddana Shaca bka ugu Daraan in Jidadka laga xidho,
iyada oo aanay jirin sa bab cad oo loo xidho
Wakhti Xaadirk an.
Guntii iyo Gunaanadkii Madaxwayne Rayaale waxaan kula
Talin lahaa in Shacabkiisa soo dha waysto, oo aanu
ka dhigan cadaw iyo dad isaga weerar ku ah, balse iyaga
Garab ka dhigto rabitaankoodana Qadariyo.
Nimco Muxumed Ibraahin
Timacade News Network (TNN)
Qaali540@hotmail.com
Hargeisa/somaliland |
|