“Haddaanu M/weyne Rayaale U Hogaansamin Taageerada Guurtida ee Saleebaan,Muxuu Samaynayaa?”

 

dd. KULMIYE Axmed-Siilaanyo…Waraysi
Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo),ayaa sheegay inay Komishanka doorashooyinka ka sugayaan inay Madaxweynaha u gudbiyaan maalinta la qabanayo doorashada Madaxtooyada, si uu rasmi ahaan wareegto ugu soosaaro.

Guddoomiyaha oo xalay khadka telefoonka ugu waramay Wargeyska Ogaal, waxa uu sheegay in ka dib markii ay arrintaas kala xidhiidheen Komishanka qaranku ku wargeliyeen inay weli ku hawlan yihiin furdaaminta caqabado farsamo. “Doorashada waqti baa u qorshaysan, waqtigaas u qorshaysana cid ilaa imika tidhi dhici mayso doorashadu xilligaa ma jirto.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha KULMIYE oo aanu waydiinay waqtiga kooban ee doorashada ka hadhay iyo sababaha ilaa hadda hortaagan in Komishanku Madaxweynaha u gudbiyo cayimida maalinta doorashada.

Wuxuuna intaa ku daray oo ka sii hadlaya su’aal laga waydiiyay isla mawduucan, “Komishankaa u qoraya Madaxweynaha waqtiga doorashada, marka ay u qoraana….Taana ilaa imika arrimo farsamo oo fara badan baa dib u dhigay oo in la dhamaystiro loo baahanyahay, waxayna na yidhaahdeen arrimahaas baanu ku hawlanahay oo dhamaystiraynaa, taas baanay Komishanku taagan yihiin oo mawqifkoodu yahay….Hawshan fulinteeda cid bay masuuliyadi ka saaran tahay oo ah dawladda.

Markaa markay wax rasmi ahi soo baxaan ee Komishanku mawqif cad istaagaan, dawladduna wixii loo baahnaa bixiso ama cadayso in aanay bixinayn, annagu inta ka horaysa mawqif cad baanu taaganahay oo doorashada ayaanu diyaar u nahay.” Waxa uu sheegay in caqabadahaa ay ka mid tahay dhaqaalaha lagu fulinayo hawsha oo aan soo wada gaadhin gacanta Komishanka doorashooyinka, wuxuuna tilmaamay in masuuliyiin ka socda Deeqbixiyeyaasha Somaliland ka caawiya geedi-socodka Dimoqraadiyadu dhawaan dalka iman doonaan.

Sidaa darteed, mar haddii uu Guddoomiye Siilaanyo soo qaaday in caqabadaha Komishanka horyaala ay ka mid tahay dhinaca dhaqaaluhu, waxaanu waydiinay in arrintaasi caqabad ku noqon karto hirgelida doorashada, maadaama aanay qaybtii dhaqaale ee Xukuumadda laga sugayay Komishanka gaadhin waxaanu ku jawaabay, “Caqabad wayn bay ku noqonaysaa oo maynaan arag inagu wax ay tidhi dawladdu waanu u qorshaynay, maamulkan maanta jiraana waa maamul ku meel-gaadh ah oo waqtigiisii mar hore dhamaaday, waqtigii lagu heshiiyay doorashadana waa la ogaayoo muddo ka hor (29 March 2009) baa lagu heshiiyay. Markaa xilkii Komishanka iyo maamulka jiraanu ka sugaynaa annagu.”

Waxa la filayay in shalay Golaha Guurtida la soo dhigo mooshin la xidhiidha xil-ka-qaadista Guddoomiyaha, kaasoo sida la sheegay Madaxtooyadu dabada ka riixaysay, balse baaqday ka dib markii Mudaneyaashu u bateen taageerada dhinaca Saleebaan Maxamuud Aadan. Isla markaana waxa jiray dhawaaqyo ka soo yeedhay xisbiga KULMIYE iyo dhinacyo kale oo si adag u cambaareeyay hawlgalkaas ka dhex aloosnaa Guurtida.

Sidaa aawadeed, waxaanu Guddoomiyaha KULMIYE waydiinay siday u arkaan jewigii uu ku dhamaaday fadhigii shalay ee aqalka Odayaasha Somaliland, waxaanu ku jawaabay “Anagu aragtida aanu aaminsanahay waxa weeye; in maamulka maanta jiraa sidii looga bartay afka waxay doonaan haka yidhaahdeene, guntooda iyo dhabtoodu ay tahay inay ka warwareegayaan in doorasho dhacdo, iyagoo ogsoon in aanay shacbiga wax kalsooni ah ku lahayn, doorashadana rajo ay ka qabaan aanay jirin, sidaa daraadeedna ay u weel samaysanayaan laba arrimood, kuwaasoo ah in doorashadu dib u dhacdo iyo in Guurtidu u kordhiso. Markaa labadaa arrimood wax maanta qaranka iyo umaddu aqbalayaan aanay ahayn. Sidaa daraadeed, waxay u arkeen sida muuqata in hogaanka (Guurtida) iyo qaybo badan oo ka mid ahi carqalad ku yihiin qorshayeyaasha ay leeyihiin, taasna ay u dhaqdhaqaajiyeen Guurtida qaybo ka mid ah si ay ugu diyaar garoobaan inay himilooyinka gaadhaan, taasoo lagu fahmay, shacbigu ku fahmay, Guurtiduna ku fahamtay gaar ahaan hogaanka Guurtidu si wacan u fahmay, isla markaana carqaladaasi maanta umaddu dareenkeedii dhabta ahaa ka muujisay. Taasi waxay noqotay guuldaro ay ka gaadheen qorshayaashii ay la lahaayeen, aragtida aan ka qabaana waa taas.”

Axmed-Siilaanyo oo la sii waydiiyay talaabada laga filan karo Madaxweyne Rayaale iyo inuu aaminsan yahay inuu u hogaansamayo taageerada siyaasaddeed ee Saleebaan Maxamuud Aadan ka helay Golaha Guurtida, waxa uu si kooban u yidhi; “Waa khasab inuu u hogaansamo. Muxuu samaynayaa haddii aanu u hogaansamayn.?”

 

 

 



Wargeyska Ogaal