Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye Ee Degmada Tog-wajaale Ayaa Dibad-baxoodii Lixaad Ku Qaabiley Xog-hayaha Arrimaha Dibada Kulmiye

"Laydhan caafimaadka qabta ee sida wayn idiinka muuqata ee aad ku doonaysaan Is-badalku mid aad kali ku tihiin maaha ee waxa idinla qaba Dhamaan qurbe-jooga Dalka Dibadiisa ku..." Dr Maxamed C/laahi Cumar.

Tog-Wajaale(TNN)-Taageerayaashan ayaa dibad baxoodu ahaa Maalintoodii Lixaad ee ay ku  muujin ayeen Awooda taageero ee ay ku leeyihiin Degmadani, iyada oo Taageerayaasha  Ax saabta  Qaran ku ay maalinba mid soo ban dhigto Quwadooda taageero oo Guddida  Komishan ka Qaranku fursad u siiyay in Sadexda Xisbi Qaran ay Ololayaashooda Taageero raadiska ah ku gudo-jiri doonaan muddo dhan Min Todobaad Xisbigiiba oo maalinba mid ka mid ahi  leeya hay.

Waftigan ay hor-kacayeen Xog-hayaha Arrimaha Dibada ee Xisbiga Kulmiye Dr. Maxamed  C/laahi Cumar iyo Guddoomiye-ku-xigeenka Golaha Wakiilada C/casiis Maxamed Samaale  ay aa waxa ku  we helinayey Eng.Maxamed Xaashi Cilmi, Kornayl Maxamed Xasan (jidhif), Abiib Diiriye Nuur, Abiib Aw  A xmed, Gudomiye-ku-xigeenka Golaha Deegaanka ee Gabiley Marwo Khadra Xaaji Ismaaciil Yoonis, Xu bno door ah oo Qurbe-joog ah, Madax, iyo Marti-sharaf  ka le oo badan oo dhamaantood u socday in ay Taageerayaashooda kala qayb qaataan  Kaltan kooda lixaad ee Dhoola Tuska Awooda taageero.

Waxa ugu horrayn halkaa ka hadlay Guddoomiye ku xigeenka Golaha Wakiilada Somaliland  C/casiis Maxamed Samaale oo ku dheeraaday sida Xukeemadu ugu fashilantay Hogaamintii Dalka iyo sida Xukuumadu Hantidii umada U boobtay ee waliba ay cod idinkaga doonayaan. waxaanu ku bilaabay hadalkiisa:- "Walaalayaal Madaxwaynuhu wuu idin soo maray waxaanu idinka codsaday in aad Codkiina siisaan, horena wuxuu idiinku ballan qaaday in Wadada u  dh axaysa Kalabaydh iyo Wajaale uu dhisayo, Ceel Biyo ah idiin qodayo, ma idinku soo hadal  qa aday waxii uu idiinku ballan qaaday ...Dadwaynaha:- "maya"... , markaa muxuu idiinka  codsa nayaa in aad codkiina siisaan?". Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi:- "Waxa kale oo uu idinku yidhi Weel in-yari ka dhiman tahay ayaan wataa, Xisbiyada Mucaaradkuna Weel madhan ee aan Buuxsado horta anigaa dhadhaw eh i siiya codkiina. Madaxwaynaheenu waa ninkaa ku faanaya in uu Xoolahiinii dhacay oo leh aan idinka buuxsado inta yar ee iga  dhim an. Bini aadmigu miyuu dhargaa oo Bas waan dhargay miyuu Yidhaa? ... Dadwaynaha:- "maya"... Miyaad Ogashahiin in shan sano oo danbe hadana la idinka gurto oo aad Bilaa Biyo, bilaa Cusbitaal, iyo bilaa Waxbarasho noqotaan? ... Dadwaynaha:- "maya"... " ayaa ka mid ahaa Khudbadii Guddoomiye-ku-xigeenka.

Waxa kale oo isaguna halkaa ka hadlay Xog-hayaha Arrimaha Dibada ee Xisbiga Kulmiye Dr. Maxamed C/laahi Cumar oo ku war galiyey Taageerayaashooda in dareenkan ay qabaan inta badan Dadwaynaha Somaliland ay la qabeen Qurbe-jooga Somaliland ee ku kala firidhsan  du nidu. Waxana uu yidhi:- "Laydhan caafimaadka qabta ee sida wayn idiinka muuqata ee aad ku doonaysaan Is-badalku mid aad kali ku tihiin maaha ee waxa idinla qaba Dhamaan qurbe-jooga Dalka Dibadiisa ku maqan. waxaanan idiinku sheegayaa in hadii in Dawladihii Caalamku wax badan oo ay inala qaban lahayeen ay dib ugu dhigeen markay ka yaabeen  Xukuumade enan waxay doonto iska samaysa ee Xuquuqdii Muwaadiniinta ku tumatay markay  tacadiya daa Bini-Aadmanimo arkeen ayay Muraayadaha inaga dalaceen oo ay sugayaan bal in  Isba dal yimaad iyo in kale, Markaa ballanteenu waa Codkiina oo aad ku hubsataan Xisbiga  Kulmi ye" ayuu ku soo gunaanaday Xog-hayuhu.

Eng.Maxamed Xaashi Cilmi ayaa Isaguna ka mid ahaa Masuuliyiintii ka hadashay Fagaaraha Khayriyada oo ku dheeraaday waxa Mustaqbalka Kulmiye u qorshaysan hadii Talada Dalka ku guulaystaan maadaama oo Xuduud ay ku taalo magaaladani, waxaanu xusay in ay  Jayr aan wanaagsan u noqon doonaan Dawladan jaarkeena ah ee Itoobiya oo ay wax badan kala qayb qaadan doonaan sida Biyaha, Waxbarashada, iyo Caafimaadka. waxana ka mid ahaa  h adaladiisa:- "Halkani Xuduud ayay saaran tahay wax badan ayaynu qaybsan karnaa  Dawla dan jaarkeena ah ee Itoobiya. oo Biyaha ayaynu la qaybsan doonaa, Waxbarashadaynu la qaybsan doonaa oo Magaalooyinkeena Xuduuda ku taxan waa in Axmaariga la baraa si uu jaamacada Jig-jiga u gali karo, Caafimaadkaynu la qaybsan doonaa, waayo wax badan ayaa inaga dhaxeeyoo Ciidanka halkaa joogaa waa inaga ka halkan joogaana waa inaga", Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi:- "Dawlada Itoobiyana wax badan ayay inoo Tartay oo sidii reer Koonfureedka oo kale ee reer Kiiniya u galeen, inaga la inooma galin oo abaal  bad an ayay inagu leedahay". Waxa kale oo uu yidhi:- "Inna Yuusuf Yaasiina wuxuu yidhi Tolbaan ahaye Tollaayey Footka hala Isiiyo. Hadaba, aynu siinabee Berbera muxuu ka qabtay? Gabil ey muxuu ka qabtay? halkan se muxuu ka qabtay? Kalmad ma ka soo celin karaa? ...Dadaw aynaha:- "maya"... Kolkaa miyaynu siin karnaa? ...Dadawaynaha:- "maya"... "".

Waxa isaguna halkaa ka hadlay Abiib Aw Axmed Cabdi oo ka mid ah Masuuliyiinta Xisbiga  Ku lmiye ee Waftiga la socday oo si wayn u xasuusiyey reer Tog-wajaale in ay Biyaha la cabaan Eyda magaalada iyo Dameeraha, isla markaana ku war galiyey in ay xasuustaan  Hooyooyin ka Umul-raaca ee Cusbitaal la'aantu kaw ka tahay. waxa kale oo uu xasuusiyey Gabadh ku dhimatay Magaaladan Tog-wajaale oo la waayey meel lagu Aaso oo Daanta Itoobiya Loo  tal aabiyey Maydkeedii. Waxaanu ku tilmaamay in ay Nasiib darro tahay in Magaaladan Tog-waj aale oo ah magaalo Ganacsi isla markaana leh Dhul badan oo dan guud ah in loo waayo Meel Maydkooda lagu aaso. iyada oo ay jirto Banka Ciidamada Qaranka iyo Booliisku beertaan. Waxana uu sheegay in ay ka sii nasiib xumo badanayso in Dadwaynaha reer Wajaale oo  dhi baatooyinkaa badan ogi hadana Cod uu ka helo Daahir Rayaale.

Isku-soo baxan ayaa ah kii lixaad ee Ololaha Doorashada Madaxtooyada oo Xisbiyada  Qara ku Dadwaynaha reer Somaliland kaga dalbanayaan in mid kastaa dhinaceeda Codka uga  hes ho is ay hogaaminta Dalka ee shanta sanno ee soo socota u qabtaan. Iyada oo  Ololayaash an taageero raadiska ahi ka socdaan Guud ahaan Gobolada iyo Degmooyinka Dalka oo dhan.
 


C/risaaq Maxamud Aw Daahir
Timacade News reporter (TNN)
Tog-wajaale Somaliland