“Reer Sheekh Isaxaaq waxay haystaan 38 Hay’addood oo Madax-banaan, Dhul-bahante iyo Samaroona hal ma hay staan, Afarta Kursi ee dalka ugu Sareeyana waxa ku fadhiya afar Nin oo isku beel ah”Cismaan Kalash


 

 

Hargeysa (TNN)-Cismaan Xuseen Bulxan (Cismaan Kalash) oo ka mid ah Siyaasiyiinta waaw eyn ee Gobo lada Sool iyo Sanaag ka soo jeeda ee Somaliland , xilalka kala duwana ka soo qabtay dawlada Somaliland ayaa si weyn u dhaliilay miisaanka Kursiga madaxweyne Siilaa nyo u magacaabay siyaasiga Saleban Ciise Axmed Kaar, kuna tilmaamay mid aan wadada ka duwayn tabashadii Beesha Dhul-bahante ee dhinaca saami qaybsiga Hay’adaha daw lada.

Cismaan Kalash oo Wargeyska Waaheen shalay u waramay isagoo ku sugan Magaalada Ha rgeysa, waxa uu ku dooday inaanay talaabada madaxwenuhu qaaday ahayn mid soo dha weyn ka helaysa bulshada Dhul-bahante, hase yeeshee ay iska horkeen iyo cuqdad ka dh ex abuurayso Beelaha darafka Galbeedka ee Xilka Xaglo Toosiye loo magacaabay laga qaaday.

Waraysigan oo uu kaga hadlay arimo badan oo khuseeya Siyaasadda Xukuumada ee Bariga iyo guud ahaanba dareenka ka dhashay Magacaabista Xaglo-toosiye iyo wixii ay filayeen ka hor intii aan la magacaabin, waxa kale oo uu ku sheegay in saddexda Kursi ee dalka ugu sareeya ay ku fadhiyaan saddex Nin oo Isku beel ka soo jeedaa, taasina ay Xiqdi siyaasade ed iyo Sad-bursi ku tahay qayb ka mid ah Bulshada Somaliland.

Cismaan Kalash oo ugu horayn ka hadlaya sida uu u arko Magacaabista wasiirka Dib u de jinta iyo Miisaanka wasaaradda loo dhiibay waxa uu yidhi “Waxaanu madaxweynaha leen ahay madaxweyne way wanaagsanayd inaad Dhulbahante Kuraas siisaa, laakiinse may ahayn inaad Samaroon uga qaadid, waxay inaad kuurasida waaweyn ee Isaaq ee Maaliya dda, Duulista Hawada, macdanta iyo biyaha, Waxbarashada, Caafimaadka iyo Xanaanada Xoolaha inaad siiso ayay ahayd, may ahayn inaad ma siisid kuraasida yar-yar ee Dharbas hta ah, kuguna hambalyayn mayno. Waxa weeye arintaana aadbaanu uga xunahay hadaa nu Dhulbahantihii dalka ka midka ahaa, arintaana waxaanu leenahay kii aad siisayna Meel ka dhac ayay ku tahay, kaad ka qaaday iyo qabiilkiisana waa ku meel ka dhac.

Labada beelood ee Darafyada may ahayn inuu wax u kala qaado oo uu colaad dhex geliyo ee madaxweynuhu ha ka fiirsado,kamana xumin in dhulbahante wax la siiyay, laakiinse reer kale inaad kuraasidooda na siiso raali kama nihin ,waxaanan leenahay madaxweyne Kuraas ida waaweyn ee Reer Sh. Isaxaaq ku fadhiyaan dadka u qaybi” – “38 Hay’adood oo madax banaan ayaa Isaaq ku fadhiyaa Hay’ad kaliya annaga iyo samaroontoona kuma fadhino ama ma haysano,waxaanu leenahay dalka saami qaybsigii fiicnaa ee xiligii Rayale ilaa Cigaal lagu jiray ku soo celi, waayo Saddexda waaxood ee dalku ka koobanyahay ee Waaxda Sharci dejinta, Waaxda Xukuumadda iyo Waaxda Garsoorka saddexda waxa haysta Beesha Madaxweynuhu ka soo jeedo.

S: hadii uu madaxweynuhu Kuraas idin siiyay maxaad ugu hambalyayn waydeen ee aad ugu eedeynaysaan?

J: madaxweynaha waxaanu ugu hambalyayn waynay oo aanu ugu eedaynaynaa may aha yn Wasaaradda dib u dejinta oo Reer ku fadhiyo na siiyo, mana ahayn inuu Ganacsiga Rifo oo yidhaahdo Ganacsiga iyo Warshadaha ayaan kala saarayaa ee waxay ahayd wasiirka inuu siiyo Maaliyada ama arrimaha gudaha ama wasaaraddaha waaweyn ee qolada reer Sh. Isxaaq ku fadhiyaan.

Ta nabadda diyaarbaanu u nahay, wixii nabada ka soo horjeedana annagu heshiis lama nihin wixii na soo gala ee madaxweynuhu wax siinayo in la hagaajiyo raalibaanu ka nahay , wixii colaad wadana waanu ka soo horjeednaa.

S: Maadaama oo siyaasiyiinta aad ka mid tahay ee Gobolada ka soo jeedaa waxba hore u qaban waydeen, ma u muuqataa inaad ka hinaasteen Beesha qaybtii maqnayd siyaasiyiin ka soo jeeda oo Miisaan leh inay ku soo biiraan siyaasada wadanka?

J: horta annagu waxba maanu qaban waayin oo Ninka ugu yari labaatan sanadood ayuu joogay, waxaanu nahay Ragii Dhulbahante markuu mar Puntland aadayay, marna Khaatu mo aadayey ku lahaa waar tanaynu nahaye aynu nimaadno, markaa annagu maanta Khas aare ma joogno ee halkii aanu joognay ayaa dadkii dantu ku soo wada Kaliftay, sidaa awge ed waxaanu raali ka nahay kuwa Kuraasta u waal-waalanaya ee marba meel ka degaya in kuraasta beesha la siiyo, kumana haysano, laakiinse ta aanu diidanahay waxa weeye beel nala siman in waxeedii naloo googooyo oo beelaha Miisaanka dalka haysta wax ka jari waayo madaxweynuhu.

S: maadaama oo siyaasiyiintii la magacaabay Raali ka yihiin, maxaa idin shidaya idinka hada a, madaxweynahase ma kala hadasheen oo ma u bandhigteen Saamiga waaweyn ee aad sh eegayso?

J: waanu u bandhignay, waanu ogyahay oo madaxweynuhu inkasta oo la leeyahay dastuur baa loo gudbay hadana dalku wuu beelaysanyahay oo Somaliyi beelahaasay wax ku qayb sataa , Beesha hartina waxay lahaan jirtay Guddoomiyaha Maxkamadda sare iyo laba Gudd oomiye Baarlamaan midkooda waa laga qaaday oo laba Nin oo Isaaqabaa ku fadhiya, laba Nin oo Habarjeclo ah iyo Nin Habar yoonis ah ayaa saddexda Kursi ee dalka ugu sareeya haysta, markaa waxaanu leenahay afarta Kursi waa inaanu labadayda helnaa hadaanu Hartiga nahay, Wasaaraddaha waaweyna waa inuu dadka imanaya wax ka siiyaa.

S: siyaasiyiinta Gobolka Sool ee xukuumadda ku jirta Dhaliilbaa inta badan loo soo jeediyaa, ka sakow tan iminka aad ka hadlayso, arintaasi sidaad u aragtaa?

J: horta maamulkani anigu waxaan u arkaa inuu wax badan dhaqaajiyay oo la qabtay,wax badan oo ay ku dhaliilanyihiina ay jiraan, xaga horumarka Goboladda Barigu Horumar badan ma leh hadii loo gaadho Burco, sool iyo Sanaag horumar fiicani kama jiro, wax badan Xukuu maddan iyo tii Rayaale isuma dhaamaan, waxa kale ee ay isu dhaamaan waxa weeye askari laba boqol iyo konton qaadan jiray oo laba boqol iyo Konton loogu daray, waxa kale oo iska bedelay oo horumar ah anigu kolay ma ogi.

Dad badan oo ka cabanayay biyo la’aan iyo Caafimaad darona waan arkayay, Biyuhuna ko lay ma dhaafaan Burco oo Mashaariicdaa Biyaha ma helaan goboladaasi , kuwa waxbaras hadana ma helaan, markaa xagaa horumarka wax badan isma dhaamaan.

S: markaa inta aad iminka madaxweynaha ku dhaliilaysaan Mansabyadan uu bixiyay, maxaa ugala hadli waydeen cabashooyinka Gobolada ka jira iyo sababta wax looga qaban waay ay?

J: in badan baanu u sheegnay oo Qoraalo u geynay annagoo ah masuuliyiin badan oo Ree rka ah, markii aanu nabada Ceerigaabo ka soo dhamaynay ayaanu ku nidhi waa in ceeriga abo horumarkeeda wax badan laga qabtaa oo wadooyinka iyo isku dheeli tirkeeda wax laga qabtaa,wax madaxweynuhu arintaa ka qabtayna ma leh.
 

Source:Wargeyska Waaheen