Reer Saaxil-Oow Beesha Sacad Muuse Xarago doonista Kursiga Bara, H/Jecla-Na Dulqaadka Kursiga Bara

 



Sheekaba Sheekey keentaaye, Cali Jaamac Haabiil , wuxuu ka mid ahaa qamaamiirtii tala qaneenada aha yd ee reer Saaxil , qarnigii 19aad u talin jirtay,wuxuu ahaa nin uu Eebbe ku manaystay aftahamo iyo ara gti dheeraan,waxa intaas u raacayay,isaga oo xiliyadii ay qoladii reer Nuux Ismaaciil maamulka magaala da dekeda ah ee Berbera hayeen iyo xilligii dambe ee ay beeshiisa ku wareegtayba,qasnadiii wax lagu urursan jiray muftaaxeeda gacanta ku hayn jiray.

Waxaad sadarada taraiikhda ka akhisan karaysaa,qormooyin door ah,oo uu arrimihii goortaas taagnaa tuducyo gabay ah uu ku suntay,wa agob iyo caadadeed ah,wuxuu ahaa nin ku faana dulqaadka iyo dee qsinimada ,kana faana bakhaylnimada iyo kibirka ama gardarrada loola badheedho dadka sokeeyaha ah,

Waxa la yidhi maalin ayay Cali Jmaaca Haabiil waxa u yimid rag ama niman odayadii beeshooda ka mid ah aa,oo kujiray nin Qaasaali la odhan jiray,ninkaas ayaa ku yidhi,Caliyoow adiga oo odaygii beesha Ciise Mu se ah,in maalinkasta hortayada lagagu aflagaadeeyo,aqbali mayno,waxaanan doonaynaa kuwii maalintii dhoweyd ku maagayay inaanu dagaal ku qaadno oo aanu gacanta saaro?

Markaasuu Cali Jaamac ku yidhi,nimanyohow, inaad madax ahaatid iyo nin walba maag la iskuma helo, ma r haddii aan anigu maanta madax ahay,waxkasta oo naftayda iyo danihiina gaarka ah loo geystaba wey nu ka samraynaaye ogaada,arrintaas xumaanta ah ee aad ka cadhaysan tihiina iska dhaafa oo iska aam usa,nimankii ayaa ku yidhi,maaxaanu aamusnaa caynkaas iyo caynkaas ayay hortayada ka lahaayeene?,

Markaasuu Cali Jaamac isaga oo tolkiis u caqli celinayo kuna hal qabsanaya odaygii xilligaas ugu coomirsa naa ayuu Cali Jaamacl yidhi,

• Qaasaaliyoow tala adduun waa wax qara weyn,

•inaadeer qalooc kuguma ogi ,waadse qaraxdaa,

•qudh haddaan lagaa goyn ,amaan qooni kugu oolin,

•qaandhaawa geel iyo haddaan qori lagaa haynin,

•qal qalooc tolbaa lehe,wixii kale ha qiimeynin



Aragtidaas siyaasadeed Cali jideeyay ujeedadeedu waxa weeye,kol haddaad madax isu dhigtid,in aanad noqon nin xaajakasta ka ficil qaata,isaga oo xaajakasta inuu xoog iyo xafiiltan ama kaa xoog rooni inuu ku xalliyo isku dayaya,balse dowgu uu yahay inaad arrimaha yimaada ee aadka u yaryar ee aan dhibaat ada weyn kuu geysaynin, tolkaa aad ugu dul qaadatid,si aanay ficiladaas yar yar fara fiiqfiiqoodu kaaga dhiciseynin guushii weynayd ee aad filaysay

Maanta Qalinka qoraagu wuxuu tuducyadan xaal ahaan iyo wanaago uga dhigaya,dhammaan dadkii ka q ayb galay shirkii Maansoor ee Khamiistii rabashka yari ka dhacay,mulkiilaha Maansoor Hotel,besha Habar Awal,beelaha Somaliland Kahliil Cagayare oo cusbitaalka qardoofo yar u jiifa iyo mujtamaca reer  Somalil and guud ahaan,waxaan leeyahay walaalayaal (Qalqalooc tol baa lehe,wixii dhacay ha qiimaynina)

Intaas waxa aan raacinayaa,aniga maanta halkan inyar oo kooban kaga sheekeynayaa,qardoofooyin ya r yar oo siyaasadeed oo maalmahan ka dhacay gudaha magaalada Hargaysa,kuwaasoo ay naftaydu diid ay maqalkooda, qalinkayguna uu daweyntooda doonayo,,labadaas arrimood waxay kala ahaayeen

Rabashkii ka dhacay Hoteel Maansoor habeenkii Khamiistii iyo dhacdadii gacan ka hadalka ahayd, ee  Muj aahid khaliil Cusmaan Cagayare lagu dhaawacay,isaga oo joogay baar Hargaysa agtiisa,labadaas arrimo od oo midna ay ka dhacday qoladii kursiga haysatay ,midina ay ka dhacday qoladii kursiga dhaxalkiisa u geed fadhiday,

Waa midda hore’e, inamadaas rabshadda ka sameeyay hotel Maansoor,marka hore kuma aanay  quman ayn inay hoteelkii ugu horeeyay ee magaalada Hargaysa oo weliba tolkood dhistay ay rabash la dhex  ta gaan,waxaba kasii darayd, waxa meeshii ay ku buuqeen joogay,dhammaan geesiyaashii iyo geed joogay aashii beeshayadii Habar Awal,kuwaas oo ahaa dadkii aanu kursiga weyn, inay nala baadi goobaan,oo ay noo soo gelbiyaan ,oo ay naguu fadhiisiyaan,aanu ka sugeynay,

Markaas labadan qolaba waxaan ku leeyahay,arji u qorta beesha Ciise Muuse,aad kaga  codsanaysa an,i nay idiin furaan seminaar ku saabsan,koow sida kursiga lagu gaadho,laba sida habboon ee loo daadehee yo bulshada aad xukunka u haysid, wixii wakhtigaas ka dambeeya,khaladkayaga looma dulqaadan doono ,ee halkaas nooga bilaaba,.imika laakiin walaalayaal xaal walaalnimo oo sahlan ka qaata hana noo qorina, ee sidaas Cali Jaamac noo dhaafa khaladkaas aad ka  u yar oo ,wey naga qaraxdaye,noo qalleeya,

Aniga oo hordhac ugasii dhigaya,beeshayada Sacad Muuse waxaan ku leeyahay,horta Somalidu  xisbini mo waxba iskuma siiso laakiin wey isku khiyaamaysaaye soow sidaas ma ogidin?.inay Somaliland-tu Beel nimada isku wax siiso oo ay isugu abaal dhigato,inaan benimada la isku khiyaamaynin soow ma ogidin?.bal taariikhdii shalay wax la isku siiyay oo qudha dib u eega,haddii aynu taas islagaranay,soow maaha, inaynu magaca iyo beelnimada Sacad Muuse ugu horeynta kursiga ku doonno?.kadibna xisbiga  siyaasad eed ama magacii aynu tartanka ku gali lahayn iyo ninkii la innaga qaadan lahaa ee aynu dadweynaha So maliland codkiisa ku heli lahayn,inaynu iska dhex saaro soow maaha? ,

Haddii aynaan sidaas ku kalsoonayn,dariiqa kale e u bannaan ninka isagu isleh waad is kafeysaa, xeelad, xoolo iyo xoogba,waxa aan xusuusinayaa,oo aan ku caawinayaa,ereyadan koobanwaar miyaadan  gara naynin,inuu ina cigaalkii siyaasadda inna baray,ka hor May 1993dii,markii u magaalada Boorame joogay uu odhan jiray,anigu walaaladay SNM haddii ay ku samrayaan,in iyaga maanta madaxnimadii loogu celiyo waxba kama qabo,miyaydaan xasuusan,inuu odhan jiray,C/raxmaan Tuur 10 sano,ayaanu maqsin wada seexanaynay, oo aad ayaan u aqaanaa,,nimankaas Berbera C/tuur kula dagaalamayna,iyaga ayaa ka gardarraa,haddii loo gar qaadana wuu ka gar helayaa,miyaydaan xusuusnayn, maahmaahdii jiif caaqil Aadan Qalinle uu ka tagay ee ahayd,nimanyohow runta waa loosoo dhukusaa,isaga oo yidhi,runtu waa sida Biciid meel bannaan taagan, oo haddii aad kusoo orodidna wuu kaa ordayaa,haddii aad u soo  dhuk ustidna waad qabanaysaa,miyaydaan xusuusnayn murtidii ahayd,hooyaday iyo Aabahay sidaas ayay sameeyeen,afkana laguma waaxi karo,sidii ay sameyeen?,laakiin marka aad arrintaas ka hadlaysid,si ka le ama wax kale ayaa la sheegaa,

Sheekaba sheekey keentaaye,waxa la yidhi,waabaa inan xoog weyn oo aan caqli wanaagsan u  dhalan, oo ay gabadh muddo dhowr sano ah wada joogeenEebbese aanu ubadsiinin,ayaa lagu yidhi,haddii aad Aabahaa ka duceysatid caruur badan ayaad dhalaysaaye orod oo Aabahaa ka duceyso,markaasuu inta uu soo dhaqaaqay,u yimid Aabihiis oo xoolihii dareerinaya,oo howl adag gacanta ku haya,markaasuu  isa ga oo afka buuraya ku yidhi,Aabbo I ducee?,odaygii ayaa iska aamusay,oo howshisii iskasii wat ay,mark aasuu hadana mar kale ku yidhi,dee Aabbo maxaad noo dhagaysnaysaa noo ducee dee?.odaygii ayaa howshiisii iskasii watay,markaasuu inta uu Aabihii ku booday, oo uu legday oo uu beerka kaga fadhistay uu ku yidhi,Aabbo ii ducee dee,isaga oo weliba Odaygii oo rafana dhulka ku xejinaya,dabadeedna odaygii ayaa yidhi,waar illeen waxa nacas la yidhaahdo,Aabihiina sida ducada looga kasbado ma yaqaano,waar iga kac ducadaa dhacdaye,qoladayadaas Sacad Muuse waxaan leeyahay,niman yohow, sidan xisbinimo ku dagaalanka ah iyo ururo siyaasadeed diidka, waxba tolkeen isku duubni iyo inay codkooda innasiiyaan kaga heli mayno,ee ficilka diidmada furista ururada cusub ee ficiladeena laga dhadhaminayo  bedela,ku waas intaas u dhaafi maayo,nin habari dhashayna hal ma seegi waydo ayaa la yidhiye, raali naga aha ada reer Mansoor iyo siyaasiyiintiii reer Somaliland e sharafta badnaa ee madashii Maansoor khamiistii loo furayoow.

Waa midda labaade,waxaan la hadlayaa qolada kursiga imika haysa, waxa weeye qolada la yidhi  Mujaa hid Khaliil oo xukuumadii kulmiye iyo qoladii madaxweynuhu ka dhashay hadal haya,ayuu nin reer Burco ahi,,halkaas oo uu ku dhaawacmay Khaliil,waa arrin la yaab leh,Khaliiloow marka hore tixdaas Cali Jaamac Haabiil baroodiiq u qaado,(qalqalooc tolbaa lehe wixii shalay ha qiimaynin),

Laakiin marka runta la sheego qoladan ayaaba kasii daran kuwii Maansoor,.nimanyohow horta,waxaan inyar idiinka waramayaa,laba dhacdo oo naftayda kusoo dhacday,taasoo midi ay tahay,xilliyadii uu  mad axweyne Cigaal talada Somaliland hayay,aniguna aan ka mid ahaan jiray raggii dhalinyarada ahaa ee ma daxweyne Cigaal maalin iyo habeen wax ka qori jiray,ha I xidho,ama aniga ha I xero saaree, ninkaas ina Cigaal wuxuu ahaa nin ka dhashay reerkii ama beeshii Somaliland ugu dul qaadka ficnayd amaba ugu gob sanayd,waa beesha Ciise Muuse ee Maxamed Ciise,mudadii aan qoraalada naqdiga siyasadihii Cigaal ah aa iyo mudaharaadada ku weerari jiray, maalinkasta waxaan fadhiisan jiray guri Ciise Muse  leeyahay,ka as oo inta shaaha lanoogasoo kariyo,aanu ku dacaayadayn jiray jiray siyaasadihii Cigaal iyo  xukuumad disii,wuxuu ahaa gurigi Mujaahid Maxamed Daahir warsame Eebbe naxariistii janada ha ka  waraabiye,ma alinta aan ka maqanahayna,waxa aan la fadhiisan jiray geedjoogayaashii ugu da,da waa weynaa  beesh aas oo uu ka mid ahaa,Kornaly Axmed Jaamac X Cali Cilmi,Ina Raage,Good Abees,Cabdi Ibraahim,.Axmed Xirsi Cigaal Qaasaali,Ibraahim dhegaweyne,Cusmaan Geel jire,Faysal madoobe,Weysa cadde,Axmed Siciid Cige Qaasaali, suldaan maxamuud Axmed Sheekh,Aar Guruxeed,Suldaan Maxamuud Xamdulle Indhacase ,Cabdirisaaq Ciyaale, Cabdilaahi Daahir Bisad,Aadan Indhooloow Libaax,,iyo dhalinyaro aad u badan,oo ay ka mid ahaayeen Mr Weli Daa,uud Cigaal,Mr Cali Dhegoole,Borofeysar Maxamed Cabdillaahi iyo  walaal kii C/xakiim Cabdilaahi oo isagu buugeygii dhammaa ii garaaci jiray ,oo ay hooyo u tahay Milgo Daa,uud Cigaal,miyaad garan kareysaan inamadaas shaqsiyaad Marxuum M.X,I,Cigaal uga dhow dhinaca  dhalash ada?,wallaahi inaan weligay ka maqal erey aan ku farxo moyaane,erey aan dhibsado,oo ay naftayda  am a qoraaladayda ay ku durayaan,taas daayoo,sannaddii 2000kii,markii la xidhayna waxa lacagtii looyarka iga bixiyay Mujaahid Ibraahim Dhegaweyne kaas oo maalintii xabsiga la igasoo daayay ee uu I arkayna aan hubo,inuu ilmeeyay,waa la yaab!! waxay iigu darrayda maalintii aanu Burco tagnay 2001-dii waa shirkii golaha salaadiinta lagu asaasayay,aniga oo uu isii qaaday Ibraahim Dhegaweyne,markii aan kas oo noqonayay Burco-na sidi nin weftiya ayuu keligay gaadhigiisii MarkIIga kagasoo qaaday Burco jana raalkii labaad ee Ciise Muuse waa Ciise Curaagte,annaga oo soo hadhgallay Ina raage gurigiisii iyo fadhigiisii Berbera.

Hadaba wakhti ka mid ahaa maalmihii aan Burco shirkaas u joogay,ayay waxay naftaydu is tidhi malaha halkan,waxa ku badan ardaagii reer Baale ee jifada hoose ee ina Cigaale,amaa inamo yaryar wax ku  gaa dhsiiyaan?,laakiin taas lidkeeda,weyba I casuumeen Maxamed Ciisihi reer Burco oo ay jifadii reer Baalana ku jireen,maalintaas ayaan hoos isu idhi,Caliyoow ninkaas Ina Cigaal haddii uu adeerkaagii ama Ina  adee rkaagii hebel midkood ahaan lahaa,oo uu wixii aad ku odhan jirtay, inan Ciise Muse ah ku odhan lahaa,m axaad ka fili lahayd?,aad ayaan u naxay,waxaanan is idhi,ma aanu noolaadeen kaasi, oo malaha goor aan habeen iyo maalin midna ahayn,ayaa laba loo kala goosan lahaa.

Nimanyohow reer bariga Burco iyo Galbeedka Hargaysa.

Haddadan la joogoo ka bilow oo, waxa aad u baahan tihiin labadiinuba, ee qolo sugayso iyo qolada ku fad hida kursigiiyoow,inaad dadka u dul qaadataan,oo aad weliba idinku kaga horeysaan dhaliilaha xukumad da,furista ururada siyaasadeed iyo cabashada reernimadaba.

 

 

 

Cali Dool Axmed  (Cali Qoryooley)