Mudaharaadkan oo aanay Badi Dadwaynaha reer Gabiley u kala hadhin
ayaa u ekaa mid kadis ah oo aan la sii abaabulin... Daawo Sawiradda Mudaharaadkan oo aanay Badi Dadwaynaha reer Gabiley u kala hadhin ayaa u ekaa mid kadis ah oo aan la sii abaa bulin. Balse, ay ku soo boodo ku noqotay Xubnaha Waftiga. Taasi oo Aroornimadii hore ee subaxnimo Makarafoon lagu dhex wareejiyey Magaalada, iyada oo lagu war-galinayo in ay iskugu soo baxaan Dadwaynuhu si ay u soo dhaw eeyaan Madaxwaynaha iyo Waftigiisa. Kuwaas oo iyaguna(Dadwaynaha) u soo dareeray Dhinaca Laamida, oo Abaa ro Sagaalkii oo Rubuc la’ ay soo gaadheen Madaxa Waftigu, halkaas oo bilowgii hore lagu qaabilay soo dhawayn dag an iyo Caleemo la lulayey. Balse waxa ay talo Faraha ka haaday markii ay Cidhifka Dadka hareera Tuban soo gaadhe en Gaadhiga uu watay Agaasimaha guud ee Arrimaha Gudaha iyo Gaadhigii uu watay Wasiirka Madaxtooyadu. Kuwaas oo ka mid ahaa Gaadiidkii ugu
horreeyey oo Madaxwaynaha iyo Ilaaladiisa iyo Xubno kale oo ka mid
ah Golih iisa Wasiiradu ay ka danbeeyeen. Halkaas oo mar kaliya
Jawigii soo dhawayntu isku badalay Goob Fawdo ah oo
Dad ku
halmar la
wada baxeen Kabaha oo ay ku badaleen
Caleemihii Qoyanaa ee ay
lulayeen in ay lulaan Kabahooda.
Iya ga oo ku dhawaaqaya
Dooni Mayno,
Dooni Mayno, … iyo
Erayo kale oo lid ku ah
Sharafta Qofka,
iska daa
Madaxway ne Qaran eh. Baacsashada Dhalinyaradaasi ayaa laga cabsi qabaa in ay sii laba
jibaarto Kacdoono kale oo lagala hor-tago Madaxw aynaha iyo
Waftigiisa oo u soo galin-danbe caraabi doona dhinaca Magaalada
Gabiley oo qorshuhu ahaa in Madaxwa ynuhu uu Shirar doceedyo la
qaadan doono Odayaasha iyo Dadka Deegaanka. “Hadii ay dhacdo in ay
sii socoto Baad i-doonka Xubnahan la bar-tilmaameedsanayo waxa hakad
gali doona in Madaxwaynuhu iska daa in uu Gabiley yimaa do oo uu ku
nastee ay adkaan doonto in uu Xataa dhex maro Magaalada gudaheeda”.
Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah Dhalin-yarada la raadinayo oo ka
cudur daartay in Magaciisa la xuso .
|