War degdeg ah: Reer Gabiley oo Saaka mudaharaad kala Hor tagay Madaxwayne Siilaanyo oo Socdaal ku Maray Gabiley iyo Tiro badan oo ka mid ah ardayda Jaamacadda Timacadde oo la Xidh-xidhay.

 

 

Dhacadadii tan ka horreysay , ayaa iyana ahayd mudahaaraad balaadhan oo reer Gabiley Madaxweynaha Somaliland ku soo dhaweeyeen  iyagoo ruxaya  KABAHA NIJAASTA AH......


Gabiley -(TNN) Ardayda Jaamacadda Timacadde iyo qaar ka mid ah dadwaynaha ku dhaqan Maga a lada gabiley ayaa saaka markii labaad Mudaharaad Balaadhan kala hor tagay Mada xwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo Safar ku maray jidka wa yn ee Magaalada Gabiley dhex mara, isa ga oo u sii jeeda dhinaca Magaalada Boorama ee Gobolka Awdal.

Dhacadadii tan ka horreysay , ayaa iyana ahayd mudahaaraad balaadhan oo reer Gabiley Madaxweynaha Somaliland ku soo dhaweeyeen  iyagoo ruxaya  KABAHA NIJAASTA AH, isa goo faras magaalaha wefti uu hoggaaminayey dhex marayeen , una sii jeeday magaalada  Boorama .

Safarka Madaxwayne siilaanyo ku tagayay Magaalada Boorama, ayaa ku soo beegmay mu dara adyo ka socday magaalada oo lagu diidanaa Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo Ardayda Jaamacadda Gabiley ka reebay Jaamacadaha kale ee Dalka ,ee ka shaqaynaya Do orashooyinka Dawladaha hoose.

Ciidamo tiro badan oo lagu daadiyay gudaha Magaalada ayaa si arxan Darro ah u garaacay qaar ka mid ah ardaydayda, rasaasna ooda kaga qaaday isla markaana ku xidh-xidhay Sald higa Dhexe ee Mag aalada Gabiley oo ciir ciiraya Arday laga soo xidhay Mudaharaadka.

Jawiga Magaalada ayaa illaa hadda Aad u Kacsan iyada oo laga Cabsi qabo in Rabshaduhu intaasi ka kordhaan

 




Timacade News Desk
Gabiley ,Somaliland