Ra'isal Wasaaraha Kenya Oo Soo Dhaweeyey Qadiyada Somaliland, Sheegayna Inuu Hargeysa Iman Doono

 

 


Ra'isal Wasaaraha Kenya oo soo dhaweeyey qadiyada Somaliland, sheegayna inuu Hargeysa iman doono haddii Xukuumadu Somaliland soo casuunto ........


Hargeysa (TNN) Ra'isa Wasaaraha Dawladda Kenya Rail Odinga ayaa Kalmad Diblomaasiyadeed oo mihiim ah u yidhi Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland ay 20-ka sano dagaalka ugu jirtay, kaas oo noqonaya Masuulkii ugu sareeyey ee si cad u sheega in la gaadhay wakhtigii Somalila nd ay noqon lahayd Qaran ka tiran dunida, isla markaana la kala saari lahaa arrimaha Somalilan d iyo Somalia.

Raila Odinga ayaa sheegay inuu diyaar u yahay imaanshaha Caasimadda Somaliland ee Hargey sa hadii ay Xukuumada Madaxwayne Siilaanyo ku casuunto imaanshihiisa, isla markaana tilmaa may inuu Hargeysa hore u yimid, qirayna waxa ay qabsadeen shacbiga Somaliland mudadii 20-ka Sano ee ay xoriyadooda kala soo noqdeen wixii la isku odhan jiray Soomaaliya.

Ra'isa Wasaaraha Dawladda Kenya Rail Odinga Kenya ayaa waxa uu tafaasiil ka bixiyey asbaab aha Ciidamada Kenya ay u galeen gudaha Somalia, kaas oo uu tibaaxay inay ka fursan wayday galitaanka Somalia, sheegayna inaanay cidi farta ugu fiiqin ee ay ilaashanayaan danaha shacbi gooda. Waxaanu sidaa ku sheegay mar uu doraad u waramayey Universal TV, ka dib markii uu ka soo noqday safar uu taageero ugu doontay dalka Israel. Ugu horayna isaga oo ka hadlaya arimaha Somaliland, waxa uu yidhi "Sida laga warqabo Hargeysa hore ayaan u tagay, run ahaa ntiina waa dad wax qabsaday reer Somaliland oo ku dayasho mudan, imikana hadii xukuumadda Somaliland igu soo casuunto waan tagayaa Magaalada Hargeysa".

Odinga isaga oo hadalkiisa sii wata, kana hadlaya arimaha Somaliland iyo Somalia waxa uu yidhi "Waxa la gaadhay wakhtigii la kala saari lahaa arimaha Somalida waa daw in la kala saaro arim aha Somaliland iyo Somalia, inkasta oo aanaan jeclayn inaanu ku xad gudubno arimaha gaarka ah ee Somalida, hadana waxa ay kala yihiin kuwo wax qabsaday oo ku dayasha mudan iyo kuw o aan waxba qabsanin, run ahaantiina arin waliba wakhtigiisa ayuu munaasib ku noqon doona a".

Ra'isa Wasaaraha Dawladda Kenya Rail Odinga mar uu ka hadlayay waxa xukuumadiisa ku kali fay galitaanka Somalia, waxa uu yidhi "Kenya cid farta ugu fiiqday inay gasho Somalia ma jirto, markii aanu aragnay inaanay ka fursanaynin inaanu galno Somalia gudaheeda, isla markaanu aanu aragnay inaanay ka fursanaynin anaga oo eegayna danahayaga Istiraatiijiga ah ayaanu galnay Somaliland, waana run inaanu in badan ka warwareegnay inaanu faro galino Somalia oo wadamo badan oo jaar la ahi ay hore u galeen sida Ethiopia, Uganda iyo Burindi".


Source: Haatuf