Badhasaabka Gobolka Gabiley wuxuu ka abuuray Magaalada isku dhac iyo khal-khal gelin
 

 


Tan iyo intii ay Xisbiga Kulmiye talada dalka ku guulaysteen wuxuu maamulka Dowladda Hoose ee Magaala dda Gabiley ee imika shaqeeyaa ka bilaabeen dhaq-dhaqaaq shaqo oo wax-qabad ku dheehan yahay, iyad oo Xog-hayaha D/Hoose ee Gabiley Axmed Maxamuud Maxamed uu sammeeyay karti badan oo wax-qabad , isla markaasina joojiyay dhammaan musuq-maasuqii ragaadiyay Dowladda Hoose ee Gabiley isla  markaa na uu sammeeyay Miisaaniyad iyo dakhli aan hore loo arag muddadii isaga ka horaysay ee ay talada dalka hayeen Xisbiga UDUB.

Haddaba, iyadoo ay Magaaladda Gabiley heshay rajo mustaqbal oo ay ku dheehan tahay wax-qabad ay ku tallaabsadeen Guddoomiyaha iyo Xog-hayaha D/Hoose ee Gabiley, ayaa waxa la yaab noqotay in  Badhasa abka Gobolka Gabiley, uu sammeeyay tallaabooyin fool xun oo uu ku hor-istaagayo wax-qabadka Maamulka D/Hoose ee Gabiley, ee ka dhasahy Maamulka cusub ee Madaxweyne Siilaanyo, waxaanu ugu horayn ku ta laabsaday Badhasaabku , markii xilka Badhasaabnimada loo magacaabay inuu Maamulka D/Hoose ku cadaa diyo in ay siiyaan maalintii 7,000,000/= (Toddoba Milyan oo shilling) taasi oo aan la garany waxa uu uga j eedo ama ku kalifay inuu kaligii shaqsiyan uu lacagtaasi ku amro in ay isaga siiyaan, nasiib wanaag waxa  a rrintaasi hor-istaagay Maayarka iyo Xog-hayaha D/Hoose ee Gabilay, kuna tilmaamay arrin aan sharci  ah ayn oo jidaynaysa musuq-maasuq.

Sidoo kale, waxa jirta Dhulka Bacadlaha ee Gabiley ee ay leedahay D/Hoose oo uu ku dacwoodo nin la yidh aahdo Mustafe oo ay Badhasaabka isku jilib hoose yihiin , ayna Maxkammada Gabiley si khalad ah ugu xuku ntay dhulkaasi danta guud ah, kaasi oo markii ay Maamulka D/Hoose ogaadeen xukunkaasi ay ambiil uga qaateen Maxkammada Racfaanka ee Hargeysa, Maxkammada Hargeysina ay waxba kama jiraan ka dhigtay xukunkaasi, ayaa waxa la yaab noqotay in Badhasaabka Gobolku uu qoraal uu ku socodsiiyay Wasaaradda Daakhilga iyo Xisaabkaa Guud ee Dowladda, qoraalkiisaasi oo uu ku yidhi Dowladda Dhexe lacagta kabka ah ee ay siiso D/Hoose ee Gabiley ha looga jaro 120,000 US Dollar hana la siiyo ninka ku dacwoonaya  Bacadla haasi ay dadka dan yarta ahi ku ganacsadaan, lacagtaasi oo ninkaasi uu qaadanyo dhulkaasi danta guud ah.

Faro-gelinta Badhasaabka ee arrimaha Maamulka D/Hoose gaar ahaan Dhulka Danta guud ah ee  Bacadla ha ayaa salka ku haysa dano shakhsi ah iyo balan-qaadyo loo sammeeyay Badhasaabka inuu heli lacag xad dhaaf markii arrintan musuq-maasuqa ah fuliyo.

Waxa iyana jirta isku dhaca uu wado Badhasaabku inuu fooda isku galiyay Haweenka Gobolka ee Garabka Xisbiga Kulmiye, sidoo kale iyana waxa jirta inuu Waaran xadhig ah la damacsan yahay inuu ku xidho  Maay arka iyo Xog-hayaha D/Hoose ee Gabiley, Waarankaasi oo uu la wareegayay magaalada dhexdeeda, isag oo ciidan wata, taasina ay abbuurtay in ay sammaysmaan Ciidan Beeleedyo,  la isku urursado oo uu nin wa lba naftiisa ku difaacayo, taasoo u muuqata inuu badhasaabku wado Siyaasad ka soo hor-jeeda Istiraatijiy adii Maamulka Siilaanyo, kuna rabo inuu ku fashiliyo wax-qabadka D/Hoose

Waxa wax lala yaabo ah Badhasaabka Gobolka Gabiley oo ah ninkii markuu ahaa Xog-hayaha D/Hoose ee Gabiley 1993kii iibiyay Hoolkii Finland-ka iyo Hoolka Kabo-tolayaashu galiyeen, ka dibna shaqada lagaga ery ay, sidoo kalana waxa wakhtigaa laga dhiga xog-hayaha Degmada Berbera 27 maamlmood markii uu joog ay ayaa waxa uu foojari-gareeyay Guddoomiyihii D/Hoose ee wakhigaasi 1993kii saxiixiisii waxaanu kula ba xay lacag dhan 7,500,000/= (Toddoba Milyan iyo shan boqol oo kun) , ka dib waxa la geeyay Bali-gubadle, markii dakhligii yaraa ee Bali-gubadle , uu isagaba dhaafi waayay shaqadii lagaga fadhiisiyay dibna looga m amnuucay inuu wax shaqao ah ka qabto Maamulkii xiligaa jiray.

Haddaba waxa af-kala-qaad iyo amakaag ah , ninka taariikhdaasi lahaa,  ee la yaqaanay caankana ku ahaa musuq-maasuq iyo wax is daba marin , in Dowladda cusub ee Madaxweyne Siilaanyo hoggaaminayo  Gobol ka Gabileyna u han-waynaa,  kana filayeen in dad wanaagsan oo wax-qabad iyo taariikh fiican leh,  inuu ba dhasaab uga soo dhigo ninka noocaasi oo kale ah kana dhigo Badhasaab.

Waxa kale oo mucjiso nagu noqotay in Gobolka Gabiley oo ahaa halkii markii hore ka dhiidhiday musuq-maa suqii iyo Maamul xumadii wakhtigii Dowladii hore ahaydna Gobolkii ugu codka badnaa Doorashooyinkii ina so o maray, waxa nasiib daro ah in ay Xukuumadda cusubee Madaxweyne Siilaanyo , ay maanta ugu abaal gu daan in ay ninka caynkaasi ah Badhasaab uga dhigaan Gobolka.

Sidaasi dareed anaga oo ah aqoonyahanka Gobolka , waxaanu soo jeedinaynaa in sid deg-deg ah,  wax  lo oga qabto,  loona joojiyo af-caasha foosha xun ee uu Badhasaabku ka wado Gobolka, haddii kale ay keeni doonto wax aan la filayn,  xalkeeduna raagi doono,  haddaan imika maaro loo helin.



 

 

 

 

C/xakiim Cumar Maxamed
Sacad Xuseen Xasan