"Rajo Wayn Ayaanu 100% Ka Qabnaa Inay Wakhtigeedii Ku Dha cdo Doorashadu”Guddoomiyaha Gudida Doorashooyinka Ciise X. Maxamed (Xamari)

 


 

Hargeysa, May 6, 2010 (TNN) – Guddoomiyaha gudida doorashooyinka Somaliland Ciise  Xaaji Maxamed (Xamari) ayaa shaaca ka qaaday in doorashadu wakhtigii ay u qoondeeyeen ay ku dhacayso, waxa kale oo uu gudoomiyuhu ka dhawaajiyey in wax carqalad ah oo doora shada ay uga baqayaan aanay jirn.

Mar uu gudoomiyuhu shalay waraysi siiyey laanta afka somaliga ee VOA-da ayuu kaga  hadl ay suurta galnimada xiligii ay u loo cayimay ee ahaa bisha June, gudoomiyaha gudida  komis hanka qaranka Ciise Xaaji Maxamed (Xamari) isagoo arimhaa ka hadlayana waxa uu  hadal kiisa ku bilaabay “cadad ahaan kaadhadhka inta na soo gaadhay waa kaadhadh lagu  badala yo kaadhadhkii hore ee la qaatay diwaangalintii ka dhacday Somaliland, markaa khaladaad badan ayaa dhacay, shaandhayn Server-ka woxogaa baa lagu shaandheeyey kuwii Finger Printer-ka wax kala reebaan iyo magacyada wixii ku celceliyey markaa qaabab badan ayaa loo kala shaandheeyey, wixii la qaban karayey waa laga qabtay, gacantana waxyaalaa  lag aga qabtay oo ah in lagu kala saaro wixii sawiro laga qaaday markii diwaangalinta loo  sam eynayey, qaarkood caruurbay diwaangaliyeen oo aad arkayso inaanay gaadhin da’dii lagu codaynayey, markaa wixii sax noqday ayaa kaadhadhka loo soo sameeyey.”

S: Bal waxaad ka warantaa wakhtiga loo qabtay doorashooyinka waa mudo aad u dhaw, sideebay suurto gal u noqon kartaa wakhtiga loogu talo galay sidaad sheegteen bisha June?

J: Bisha June baanu ku wadnaa Insha Alla, kaadhadhkan bisha 10-keeda ayaa la bilaabayaa in la geeyo goobkasta oo markii hore diwaangalini ka dhacday, todobada cisho ayaa goobtaa lala joogayaa, ka dibna dagmada ugu dhawbaa tobon cisho lala joogayaa kaadhadhka cidii qaadata kaadhadhkaas ayaa qaadanaysa, dabadeedna waxa lagu soo celinayaa wixii la qaadan waayo xafiiskayaga markaa inta inta la qaato ayaa laga daabacayaa, taas ayaanu ku salaysnaanayaa tirada hadhaw codkooda dhiibanaya.

S: Muranka u dhexeeya gudida doorashada sida arimaha ka dhacaya Ceerigaabo oo kale, saamayn intee leeg ayey ku yeelan karaan in doorashooyinkani wakhtigooda ay ku qabsoomaan?

J: Maya, wax muran ahi ma jiraan waa in yar oo dadku way iska camal laayihiin oo shaqada la isku yar qab qabsaday bay ahayd maalintii ugu horaysay, laakiin way iska dhamaatay oo maantaba hawshu caadibay u socotay.

S: Maadaama xiliga hada inaga xigta doorashooyinka ay aad u yartahay, bal farsamo ahaan qaabka aad ku hirgalin kartaan in doorashooyinkani ay wakhtigooda qabsoomaan, taas maxaad ka odhan lahayd?

J: Farsamo ahaan jadwalbaa noo samaysan jadwalkayaguna si fiican buu u socdaa runtiina wakhiga sidii aanu ugu talo galnay bayna u socdaan, wax carqalad ah ma aragno oo naga horjoogsanaya wakhigii aanu mudaynay inay dhacdo.

S: Tusaale ahaan xiliga kulaylaha marka la gaadho oo kale waxa jira degaanada xeebaha ku yaala waa laga xagaa baxaa markaa goobahaas sideed kaadhadhka ku gaadhsiinaysaan oo aad ku hubinaysaan inay dadku codkooda dhiibteen?

J: Wali may gaadhin, kaadhadhka wakhigoodii way joogaan, oo may gaadhin wakhtigii laga xagaa baxayey oo dadku way qaadan karaan kaadhadhka, laga yaabaa marka doorashadu dhacayso in meelaha qaarkood laga xagaa baxay laakiinse taa maaha macnaheedu dalka oo dhan ha la joojiyo doorashadii hadii cidi meel ka guurtay, marna xeebahaa laga guuraa marna hawdkaa laga guuraa, marba meelbay ka guuraan dadkeenu wakhtiyada kala duwan, markaa doorashadu June bay u dhacaysaa Insha Alla.

S: Markaan dhinac kale ka eegno Burco oo kale taageerayaasha axsaabta qaarkood oo iska hor imaad ku dhexmaray oo arimahan ku saabsan, bal khilaafyadaa iyo muranadaa jira sideebaad ku xalinaysaan, saw lagama yaabo ay dhibaato keento hadii doorashadii la gudo galo iyadii oo aan la xalinin?

J: Mayee wax muran ah oo caynkaas ahi ma jiro, waanu maqalnay intii yarayd ee dhacday laakiin maaha wax aanu doorashada uga baqayno inay carqalad ku noqdaan maaha, wixii dhacayna waa wax yar oo wuu iska dhamaaday markaa wax dhibaato ah oo doorashada waxyeeli kara kama baqanayno.

S: Qiyaas ahaan Tirada ka codaynaysa gudaha Somaliland waa imisa qof?

J: Waxay ku xidhan tahay inta qaadata kaadhadhka.

S: Rajo intee leeg baad ka qabtaan Gudoomiye in doorashadan oo mudooyin faro badan dib u dhacay, inay wakhtigoodii bisha June ku beegan oo hal bil wax ka yar inaga xigto ay qabsoomaan?

J: Tii Ilaahay oo nagu timaado mooyee rajo waanu ka qabnaa 100% inay wakhtigeedii ku dhacdo
 


Source:Haatuf