Ra’iisal-wasaaraha Kenya oo Markii ugu Horreysay Socdaal ku Imanaya Somaliland


 

 

“Markaannu joogno Kenya waxa nalagu yidhaa Soomaalidu waa dad xun oo dagaal badan, laak iin meelaha aannu farta ku fiiqno ee aan ku faano waa Somaliland, waana wax run ah oo in la xaasidana ma fiicna”

“Doorashadii Madaxtooyada ee ka dhacday Somaliland iyo habkii loola kala wareegay xukunku waxay ahayd mucjiso aan ka dhicin dalalka Afrika intooda badan”

Wakiilka Ra’iisal-wasaaraha Kenya u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya oo Hargeysa ku jooga socdaal uu ugu gogol-xaadhayo Raila Odinga

 


Hargeysa (TNN)- Ra’iisal-wasaaraha dalka Kenya Mr. Raila Odinga iyo wefti ballaadhan oo uu ho ggaaminayo, ayaa markii ugu horreysay la caddeeyey inay dhowaan socdaal rasmi ah ku iman doonaan Jamhuuriyadda Somaliland.

Ergayga gaarka ah ee Ra’iisal-wasaaraha Kenya u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Mr. Ilya as Barre Shiil oo socdaal ku jooga caasimadda Hargaysa, ayaa daboolka ka qaaday inuu u sii go gol-xaadhayo wefti uu ku hoggaaminayo Raysal-wasaare Mr Railla Odinga oo dhowaan booqa sho rasmi ah ku iman doona Somaliland.

Ambassador Ilyaas Barre Shiil oo ah siyaasi muddo dheer ka tirsanaa Baarlamaanka Kenya oo u warramay laanta Af-Soomaliga ee Idaacadda BBC-da shalay isagoo ku sugan caasimadda Harg eysa, ayaa sheegay inuu Somaliland u yimi sidii uu xogogaal ugu noqdon lahaa xaaladda dhabta ah ee dhinacyada nabadgalyada, dimuqraadiyadda iyo horumarinka aasaasiga ah ee ka jira ka hor inta aanay Ra’iisal-wasaaraha dalkiisa Mr. Raila Odinga iyo wefti uu horkacayaa socdaal ku iman Somaliland, waxaannu tibaaxay inuu kulan la yeeshay Madaxwayne Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo uu xusay inuu ku qaabilay weji furan iyo soo dhoweyn heerkeedu sarreeyo.

Ergayga Ra’iisal-wasaaraha Kenya u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya oo ugu horreyn la we ydiiyey ujeeddada socdaalka uu ku joogo Hargeysa waxa uu yidhi; “Socdaalkaygu wuxuu la xidh iidhaa sidii aan gogol-xaadh ugu samayn lahaa wefti uu hoggaaminayo Ra’iisal-wasaaraha Ken ya oo socdaal ku iman doona dhawaan Somaliland si ay u arkaan waxay qabsatay iyo horumarka ay gaadhay.”

“Sida runta ah markaannu joogno Kenya annaga (Soomaalida) waxa nalagu yidhaa Soomaalidu waa dad xun oo dagaal badan, laakiin meelaha aannu farta ku fiiqno ee aan ku faano waa Som aliland, waana wax run ah oo in la xaasidana ma fiicna. Waa meel aannu nidhaa dimuqraadiyad ayaa ka jirta oo dagaal kama jiro ayey Somaliland iyo Djabuuti ka mid yihiin, arrintaasna inaanu qarino ma aha. Markaa haddii aannu nahay Soomaalida Kenya waxaannu jecel nahay inaanu hagaajino xidhiidhka Somaliland iyo annaga naga dhexeeya kana faa’iidaysano,” ayuu yidhi erg aygu.

Waxa kaloo Mr. Ilyaas uu sheegay inuu Hargeysa ku arkay dad badan oo reer Kenya ah oo ka shaqaynaysana, “Waxaan arkay niman fara badan oo reer Kenya ah oo gobollada kalee Kenya ka yimi oo ka shaqaynaya Somaliland. Waxaan jeclaan lahaa dad ka yimaad Wajeer, Mandheera iyo Gaarisa oo mutacalimiin ah inay yimaaddaan dalkan oo ay walaalahood wax la qabtaan, iyag una ka faa’iidaystaan.

Doorashadii aqalka Madaxtooyada ee ka dhacday Somaliland iyo habkii loola kala wareegay xuk unku waxay ahayd mucjiso aan ka dhicin dalalka Afrika intooda badan.”

Ergaygu waxa uu xusay in muddadii uu Hargeysa joogay uu kulamo kala duwan la yeeshay xuku umadda, Baarlamaanka Somaliland, Gudida Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda, Komiishanka Do orashooyinka iyo qaybaha bulshada, kuwaas oo uu dhammaantoodba ku tilmaamay qaar dhinac a horumarka u socda, kana faa’iidaystay nabadgalyada ay ku naaloonayaan.

Waa markii ugu horreysay ee Ra’iisal-wasaare Raila Odinga oo xidhiidh taariikhi ah la lahaa Som aliland uu si rasmi ah ugu dhawaaqo inuu socdaal ku imanayo Hargeysa tan iyo markii xilka Ra’iisal-wasaarenimada Kenya qabtay afar sannadood ka hor.

 

Source:Jamhuuriya