Ra’isal Wasaare Ku xigeenka Dawladda Kuwayt ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda Sheekh Dr. Maxamed Sabax Al Salam Al Sabah ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Madaxweynaha JSL(Daawo Sawiro)

 



Kuwait ,April 28,2011 (TNN)-Ra’isal Wasaare Ku xigeenka Dawladda Kuwayt ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda Shee kh Dr. Maxamed Sabax Al Salam Al Sabah ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Madaxweynaha JSL Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo iyo weftigiisa. Wasiirka Arrimaha Dibedda Kuwayt waxa uu sheegay in ay dawladdiisu aad u soo dhawaynayso wax wada qabsigay iyo xidhiidhka sokeeye ee u dhexeeya labada waddan


Wasiirka waxa uu sheegay in ay xukuumadiisu diyaar u tahay in ay Somaliland ku dhiirigeliso dedaalka ay ugu jirto horumarka ay ka samaysay dhinac nabadgelyada iyo maamulka ka hanaqaaday. Wasiirku waxa uu sheegay  warwa rka ay beesha caalamku ka qabto nabadgelyada madaqadda oo budhcad badeedu ku jirto.

Madaxweynaha JSL Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa ka waramay xaaladda guud ee siyaasadeed ee  mand aqadda oo dhan iyo waliba kaalinta ay Somaliland ku leedahay nabadgelyada. Madaxweynuhu waxa uu si door ah uga waramay isbedeladii siyaasadeed ee geeska iyo heerarkii ay soo martay dhismaha dawladnimada Somaliland iyo waliba sida ay nabadgelyada Somaliland u tahay mid gunta ka soo dhisantay oo haatan adkaatay.

Madaxweynuhu waxa uu ka waramay baahida ay Somaliland ka qabto gacan qabashada beesha caalamka  gaar ah aana dawladda Kuwayt. Waxaana uu uga mahadnaqay mashaariicda ay dawladda Kuwayt haatanba ka wado Soma liland sida garoomada dayuuradaha iyo cisbitaalada. Wuxuu se sheegay in ay baahida Somaliland intaa ka badan ta hay sidaasi si la mid ahna uga mahad naqi doono mashaariicda horumarineed ee ay dawladda Kuwayt ku deeqdo , waxaanu u gudbiyey mashaariic isugu jirta dhinaca biyaha iyo wadooyinka.


Isla maanta waxa Madaxweynaha iyo weftigiisa qaabilay sarkaalka ugu sareeya Hay’adda Kuwayt Fund iyo masuu lin kale oo ka tirsan Hay’addas. Sidoo kale, Madaxweynaha iyo weftigiisu waxa ay hay’adda kala hadleen in ay kord hiso mashaariicda horumarineed ee ay haatanba ka wado Somaliland. Waxaanay Madaxda Hay’adu sheegeen in ay dhinacooda diyaar u yihiin.


Shalayna weftiga Madaxweynaha waxa lagu casuumay beerta Amiirka oo lagu sameeyey qado sharaf iyada oo day uurad nooca loo yaqaano Helikobtarta ah lagaga qaaday Hooteelka uu daganyahay Madaxweynuhu.






ALLAA MAHAD LEH

Xafiiska Af-hayeenka Madaxtooyada JSL