QURUXDAYDA
EERSADAY
Xasan C. Madar

Iyagii bay is moodday⦠iyagee?...dee iyagii¦
Magacu saamayn ma ku leeyahay nolosha qofka? Muuqaalku
saamayn ma ku leeyahay, quruxduse ma ku leedahay?
Barxadda guriga quruxda badan ayey kursi soofe ah isku
kala bixisay.Timaheedii dheeraa oo qaawa n oo
masar goor ugu dambaysay aan la garanayn xagga dambe
ayey kursiga uga dhaceen oo dhulk ay haranayaan. Maro
yar oo sidii garays ah ayaa laabta ilaa bawdada ugu
duuban. Bawdyuhu way muuqdaan.Yurubeey lagu eed!
Meel aan ka durugsanayn dadku wuu qulqulayaa, dhan walba
waa loo socdaa. Midabkeedu waa cas aan, inay Afrikaan
tahay waa la wada ogyahay iyaduse maanta ka hor may
ogaan inay dadka dalka n u dhashay ka duwan tahay. Waxa
isku qaban waayi jiray midabkeeda casaanka ah iyo sida
marka la tilmaamayo loogu sheego inay gabadh madow oo
Afrika ka timid tahay.
Sheedda waxay ka arkaysaa dad waaweyn oo lammaanayaal ah
iyo qaar carruur yar yar gawaadhi ku riixaya. Carruur
kale oo ciyaaraysa ayey sheedda ka arkaysaa. Waa caddaan
dhammaantood. Waxa soo maray qoys soomaali ah, nin iyo
gabadh xijaaban oo saddex carruur ah wata oo qosolka iyo
farxadda ka dhacaya la yaabo.. Way sii eegaysaa ilaa ay
ka libdhayaan. Waayaheeda iyo waaya hooda ayey is barbar
dhigaysaa.Dhacdooyinka horteeda maraya ee indhaheedu
arkayaan waxa ka badan inta maskaxdeeda iyo maankeeda
maraya ee sida hillaaca u dhaafaya. Waa dhacdooyin naxd
in badan, gocasho iyo xusuus huwan oo dhammaantood u
daran. Dhacdooyin qiimo leh bay ahaan lahaayeen haddii
maalintoodii la joogo maantase wax laga qaban karo ayaa
iska yar oo murugo ay u sii kordhiyaan mooyaane waxba
uguma yaallaan.
Qaarado ayey u kala gooshaysaa iyadoo kursigaa ku jiifta.
Ilbidhiqsiyo ayey Afrika ku tegaysaa had dana kaga soo
noqonaysaa, haddana ku sii noqonaysaa, gaadiidka
xusuusta ee xawaaraha badan ayaa u fududeeyey safarkaa
degdegga ah.
Fikirkeedii markay timid Yurub sidan buu noqday: Meeshu
waa Yurub, wixii hore waa ka kac, Afrikaa lagaga yimid,
xishoodkii Afrikaa lagaga yimid. Noloshayda wixii intan
ka horreeyey waa waxba kama jiraan. Oo waa soddon sanee,
ma soddonnkaa gu’ ee ay jirtay ayaanay waxba ka jirin?.
Oo sodd onkaa guâ waa khasaare. Haa Yurub baa beenisay.
Wax walba waa loo xor, sidii la doonaa loo dhaq maa,
dookhu waa furan yahay, cidna loo joojin maayo. Waa
hadba quruxdaadu intay kuu goyso!!
Xusuustu waxay dib ugu celisay toban gu ka hor iyo
markii ay dalkii joogtay.
Waa tan dhex taagan magaaladii Hargeysa iyadoo
qoyskoodii joogta oo inkastoo ay aroortii oo dh an
iska jiifto oo timaheeda iyo jidhkeeda ka shaqayntooda
tahay hawsha ugu badan ee ay qabataa haddana galabtii
dugsi gaar ah bay tagtaa oo af Ingiriisida ka soo
barataa. Dheg iyo dhaban inta g abadh lagu
tilmaamo way lahayd. Way ogayd inay qurux badan tahay,
quruxduse waxay tahay may qeexi karayn. Dadka ayaa u sii
rumaynayey oo qof kastaa gaar ahaan wiilasha
dhallinyarada ahi wa xay ku odhan jireen quruxley.
Inay qurux badan tahay in badan bay dhegaheeda ku soo
noqnoqde en. In calafkeedu gacanteeda ku jiro oo
quruxdeedu u hayso ayey rumaysnayd. Waxa la yidhi
cado wga ugu weyn ee gabadhu waa inay quruxdeeda aaminto.
Waxay xasuusatay asxaabtii sharka ee ay raaci jirtay.
Asxaabtii laga reebi kari waayey ee waalid iyo walaalba
ka quusteen.
Aroos iyo xaflad aadku waa halkii sheekadu ka soo
bilaabatay. Dugsigii waa la iskaga tegay. Maalin oo dhan
afar hablood baa la wada joogaa. Waxa loo xinnaysanayaa
xafladda hebel iyo heblaayo ee caawa. Waxa xanta la
iskula jiibinayaa tii heblaayo iyo kii hebel ee qurbaha
ka yimid halka sheekado odu marayso. Waxa la daawanayaa
sawirro hebello lala galay. Xagaaga iyo waxa lagaga talo
gelayo ayaa laga sheekaysanayaa. Xagaagu waa xagaagii
Yurub, Hargeysa xagaa iyo jiilaal lamaba kala ya qaan.
Oo xagaagu ma marka roobku da’aa mise waa kulaylaha?
Lagama jawaabi karo waxase lagu gartaa inuu yahay
xilliga qurbajooggu yimaad.
Sheekadu waa dhoof iyo isdhiib, guri iyo lacag bilaash
ah oo la helayo. Hadal hayntu waa heblaayo iyo heblaayo
dhoofay sawirradii quruxda badnaa ee ay soo direen. Sida
xidhiidh loo abuuraa maanta way fududahay, aaladda
internetka ayaa fududaysay isbarashada, wada sheekaysiga
iyo is caasha qa dad aan is arag. Waa in si kasta oo
lagu dhoofi karo lagu dhoofaa, waa in wax kasta loo
huraa.
Xafladihii waxay dhaleen qaab kulan kale. Gurigii
heblaayadii dibedda lagaga maqnaa baa wiilashu ku
qayilaan. Halkaas baa la isugu yimaad oo habluhuna
tagaan baa hadal hayntu noqotay.
Maalintii ugu horraysay ee ay halkaa tagto fajac baa
indhuhu soo baxeen. Waxay ahayd inan yar oo damirkeedu
noolyahay. Fudayd iyo aqoondarro ayaa wax walba
weydaarinayey. Waa markii ugu ho rraysay ee ay
indhaha ku dhufato dumar iyo rag isdhex fadhiya. Dumar
bilaa garbasaar ah, bilaa m asar ah. Ragga cid
kama garanayso habluhuse waa heblaayo iyo heblaayo ay
garanayso.
Naa soo fadhiiso, iska dhig shalmaddoo maxaad isla
ururinaysaaâ baa la yidhi. Waaba laga dhuftay
shalmaddii iyo masarkii. Waa la soo gundhiyey. Way
isxejisay. Ugu dambayn meel cidhif ah fadhiisat ay.
Waxay rumaysan wayday indhaheeda. Waa hablo geed
cagaaran afka gelinaya.
Halkaasba jabkeedu kama horrayn. Uunsi, cadar iyo udug
jaad walba leh ayaa meesha lagu kankami yey. Marka
habeenkii laga sii rawaxayana urta sigaarka iyo daacada
qaadka ayaa isku darsama oo meesha qaab darraanteeda dib
ha ugu soo noqon baa ku qabanaysa, lagamase maqnaado ee
berri ba waa la joogaa.
Hebelkii xariifka ahaa ee qurbaha ka yimidna halkaas baa
la iskaga lug daray. Heblaayo iyo heblaaya dii kale ee
ay saaxiibada ahaayeenba waa tii xagaagii hore la
dhoofiyey. Waa tii daawatay sawirra dii quruxda badnaa
ee ay soo direen. Waa tay u sheegeen inay lacag bilaash
ah qaataan. Waan ku dhoofinayaa baa war ay maqasho ay
ugu jeclayd. Dhawaaqaas wax walba way u huraysay.
Isaguna sidaa wuu u ogaa. Immisuu inan yar sidaa marinka
ku seejiyey.
Gabadh qaad cunta aa?.. qayisha, ceeb... Way innaga
sasabanayaan, waagii hore ayey odhan jireen habluhu
shaaha ma cabbaan. Tii uun bay la mid tahay….waxaaas
iyo wax la mid ah baa lagu qanciy ey. Waa la walfay oo
rag iyo dumar waa la isku milmay, lamana kala xishoodo.
Si ay ku soo dhooftay ba soo gaadhay galbeedka Yurub.
Waa maalintay ugu farxad badnayd dunida.
Maanta meeshu waa Yurub. Xawaaraha ay ku socoto waxay
garan kari wayday inta gu’ ee ay Yurub joogtay. Oo ma
qaadkii baa Yurubna igaga daba yimid… saaxiibbadii
xunxumaa… illayn saaxiibka xumi meelna kaagama hadho
haddaad iska reebi waydo…waxay xasuusataa guryihii la
fadhiisan jiray…dumar iyo rag isdhex fadhiya oo
balwadi isku keentay xaggee lagu arkay adduun
ka?...la arag..sowtaa la arkay…waxay xasuusataa
booskii ay fadhiisan jirtay…
Way qarsataa balwadda. Taaggeeda waxay isleedahay cidi
kuma oga, cid walibase way ogtahay. Cidna kama qarsoona,
maalin walba waa lagu sheekaystaa, qurux khasaartay baa
la yidhaa, immis aa inan rageed oo u hanweynaa dhexda
farta ka qaniinay oo quruxdeeda quudhi waayey. Way kala
beddeshaa saaxiibbada lab… meel kastoo ay marayso
salaantu way ku badan tahay…dadkoo dhan baa wada
garanaya… telefoonkeedu ma nasto… guul bay u
haysataa mase oga inay guul darro tii ugu weynayd
ku jirto. Haddaad maskaxda isticmaali waydo!!!. Oo
miyaanay waalid iyo wala alo lahayn iyo sokeeye
kale oo ka naxa. Walaalaheed way ka naxaan. Araggeeda
way ka naxaa n….ceeb bay dhulka mari
laayihiin..In badan bay kor iyo hoos ula hadleen, dhegse
way u dhigi way day, meeshu waa Yurub oo dheg iyo
dhafoor kuma dhufan karaane farahay ka qaadeen.
Badowyahow dib haw celin
Dadka soo baraarugay.
Baraaruggee dee¦.
Waxa buuxa wiilal iyo gabdho badan oo dhaqankooda iyo
diintooda ilaashada. Sidoo kale way jiraan hablo iyo
wiilal badan oo qaldamaa laakiin ka toobbad keen iyo
isdaba qabasho ayaa lagu badbaad aa.. ragga inta
baadiyowday tiro ma leh oo cidiba kama naxdo, dumarkase
jacayl loo qabo dartii ay aa loogu damqanayaa…Waaba
tiiyoo dimuqraadiyad heshay… xor baad tahay,
dareenkaaga jin siga sidaad doonto u gudo, saaxiib
yeelo, iska istareex, maxaa kaa galay,..Maya..Maya…
iska guur so, carruur dhal,…yaah!!... Nin maxaad
uga baahan tahay, carruur maxaad uga baahan tahay, mid
iyo laba waad dhali haddaad u baahato…. Waa ceeb,…
maxaa ceeb ah? Ma ilbaxnimadaa ceeb ah…meeshii dumarka
lagu gumaysanayey. Sheeko…
Xaq baad u leedahay doonistaada, ha ka xishoon, sheego
xataa haddaad nin rabto waad ku odhan kartaa waan ku
rabaa. Maxaa ku jaban sowka isba kugu yidhaa, miyaan
baahidu idinka dhexayn, ma keligii bay gaar u tahay?
Berigii hore waxay iska ilaalin jirtay kuwa ay isku dal
ka yimaaddeen, maan tase cidna kama haybadaysato, waa
dimuqraadiyad, xor baa la yahay, maxaa dadka iskugu yaal.
Nafta waa in la raalli geliyo, waxay rabto in loo diido
maaha…
Maxay ka faaiiday baabuurtii quruxda badnayd ee kolba
mid lagu qaadayey, habeen dhaxii iyo dhaf arkii,… may
ogayn in shilinka lagu sabayo oo wiil rag waxa ay ka
helayso, waxa ay ku waayaysaa ka badan yahay.
Macaan-jeceshii sunta leeftay bay noqotay. Mar walba ta
khasaaraysaa iyaday ahayd.
Saacaddu way isgaraacaysaa, waa saq dhexe, 24kii (zero
hour), guyaashu way is tareen, afartan gu’ bay baarka
jartay. Waa afartan jir aan is ogayn.
Qorraxdii xagaaga ee kululayd bay indhaha ku kala
qaadday. Xusuustii dib uga soo noqotay. Indhaha illintu
way ku qallashay oo waxba ka soo daadanwaa. Xagaayadii
hore way sii qorshayn jirtay halka ay dalxiis u tegayso,
hebellada ay israacayaanna waa la sii ogaa. Xagaagan
meelna uma socoto, malaha iyada ayaaba loo soo xagaa
tegayaa. Yaa u soo xagaa tegaya? ma bahal dugaag? yaa
dan ka leh.
Cod bay maqlaysaa, waa cod dheer oo dhegaha kaga
qaylinaya:
Dhimashadu xabaashiyo
Iil dhexdiisa maaha
Sharafkoo dhantaalmiyo
Dheg xumaanta weeyaan
Waaba gabay, oo waa Hadraawiye¦isna
xagguu uga yimid? yaa u soo diray? Maxaa ka galay dhima
shadeeda, siduu ku ogaaday?
Haddana waa dhawaaq kale. Maanta dhawaaqyadu badanaa:
Ubucdayda wadhaneey,
Adhaxdayda liicdaay,
Arrinkayga laalmow,
Taladaan ilduufaay...
Afarqaadki socodkiyo
Ma eersaday wareeggii
Kanna waa Gaarriye, maxaa
daba dhigay nimankan abwaannada ah ee waano iyo talo aan
loo diran la daba taagan ismaba yaqaannaane.? Goormaa u
dambaysay rikoodh iyo cajalad ay ka dhegaysato
gabaygooda iyo codkooda!
Intay soo kacday oo sarejoogga ku diidi gaadhay bay koob
biyo ah qudhqudho isku dhaafisay. Waxay is hortaagtay
muraayad jooggeeda leeg oo gidaarka ku teedsan. Intay
kor iyo hoos u eeg tay isbeddelka ku yimid jidhkeedii
cuddoonaa baa dareenkii maskaxdeedu yidhi:
Waa aduunyooo
Illayn aayo malehee
Ubaxii baxaayaay
Sowdigan abaarsaday!!
Hadraawi iyo
Gaarriye ayey khaati ka
joogtee sowkan Cabdi Qays-na
ugu biirey. Nimanka ma iyadaa loo soo diray, ma gaadh
bay ka hayaan, maxay ka dhex qabanayaan maskaxdeeda!
Nidaam qarniyo ka hor la dejiyey oo dadkii lahaa
dejisteen bay ku dhex milantay kadibna sida makiin ad
hadhuudha u shiiday. Iyagii bay ismoodday, kuwii
nidaamka lahaa bay ismoodday oo sidoodii u d haqantay.
Goor aan goor ahayn bayse ogaatay inaanay iyaga ahayn.
Meel waliba waa waxa aad la tagto. Iyadoon waxba ahayn
bay meesha timid. Hadday dalkeedii wax ku tahay, la
arkee inay halka nna wax ka ahaato.
Maanta sow maaha? Haa… waxay u baahan tahay ubad, waa
sida keliya ee ay ku badbaadi karto, waa sida keliya ee
ay farxad ku heli karto. Oo ubadku miyaanay aabbo u
baahnayn, sow inay guurs ataa kama horrayso? Immisay
diidday wiil dhallinyaro ah oo u soo guur fadhiistay,
immisay gaashaa nka ku dhufatay oo mid kastaa iin aanu
lahayn dusha ka saartay. Immisay balwaddeeda sii macaans
atay oo raalligelinta nafteeda iyo nafaha saaxibaddeed u
hurtay burburinta aayaheeda. Laakiin cal afku waa
halkiisa, maantaba way heli kartaa wixii Alle u qoray,
kumase qanacsana qaddarka. Oo ma nin baa wax weydiinaya
iyadoo sidan u saan-qombobtay, shalay oo ay ifaysay bay
is garan wayde e! Talo waa mar aad garan weydo iyo mar
aad gaadhi weydo. Sow lama oga siday ahayd. Kuwii ay
ismoodday mee¦.ma kuwaasi? Iyaguba isma
guursadaanâ¦dhaldhalaalkan adduunyo ee ay dhabta moodday
iyagu dawakhaad baabay ka sii qaadaan, noloshaba quus
bay ka joogaan. Way isdilaan markay doonaan.
Sabab ay u nooshahay bay garan wayday.
Keli kuma aha dhibka. Rag badan iyo hablo badan baa
sideedan haadaanta ka duulay. Maxaase uga shan iyo toban
ah. Wanaag lagula wadaago ayaa wax kuu ah oo wanaaggaaga
wax ku biiriya, jab lagula wadaagaase waxba kuuma ah oo
jabkaaga waxba kama dhimo. Waa la ila qabaa wax ma
tar to haddii waxa laga hadlayaa jab iyo hoog yahay.
Waxay aragtaa kuwo yaryar oo halkeedii maraya, dawgii
luggooyada ku sii socda, aan dheg iyo dhugmo u lahayn
waano iyo wax u sheeg kasta oo la gala hortago ilaa ay
iyagu ka war keenaan sideeda oo kale.
Bilicdaadan ugub[1]
Dhayladaadan bilan
Bahal qaba hammuun
Ha u soo bandhigin.
Bi’i waa warlaay
Taariikhda bogo
Aniguba basraay
Berigaan yaraa
Waan boodi jiray
Waan badhi caddaa
Dacaw baa i helay
Ma badbaadiyee
Ha u beer nuglaan.
Haddii berigaa hore dacawgu soo doonan jiray hablaha,
maanta iyagaa doonanaya. Allow yaa cad duur uga warrama
caawa waxa jooga.
Yey eersataa? Ma fudaydkii? Ma saaxiibbadii sharka mise
quruxdeeda ay aamintay inay wax walba u hayso,
quruxdeeda u loogtay cadow oo dhan markay garaad ay ku
xakamayso wayday? Quruxdu dambi ma leh, waa deeq Ilaah
bixiyo oo ay tahay in loogu mahadnaqo…iyadu waxay
eersanaysaa quruxdeeda ay aamintay, se quruxdu dambi ma
leh oo waa wax aan qofna ka maqnayn, qeexitaanke eda aan
la isku waafaqsanayn. Rag oo dhan bay ka xanaaqdaa, waa
kuwii u fududeeyey ee u hors eeday dawga sharka,
cadow bay u aragtaa wiil rageed oo dhan. Dhibaatadu waa
ragga maxaa yeel ay badanaa gabadh aan nin xumayni
maba xumaato!! Raggaa qaar badan oo ka mid ahi waa kuwo
masuuliyiin sheeganaya oo xoolihii ummadda u adeegsanaya
burburinta nolosha bulshada. Ku dar hablihii oo
hankoodii yaraaday, xumaantiina ay u fududaatay.Haatan
taa laga soo gudubye maxaa u yaal? Waxay foodda siin
kari laadahay waayaha adag ee hor yaal.Si kastaba ha
ahaatee fikirkeedu waa inay ilme hesho, ilme ay hooyo u
noqoto xataa haddaanay iyadu dhalin.
Ilmihii ay dhali lahayd oo hooyo kale dhashay waa inay
xeryaha agoomaha ka doonato. Oo tolow dii tu
maxay ka qabtaa sheegashada ilme aanad dhalin? Ma iyadaa
dan ka leh waxa diintu ka qabto. Waxa u daran uun ilme
ay weheshato oo dhabta ku haysato, oohintiisa ayey u
jeel qabtaa. Inay sa xarada iyo kaadida ka hagaajiso
ayey u ciil qabtaa. Awal hore waabay ka khashaafi jirtay.
Waxay ogaatay intii hore inaanay caqli lahayn. Caqligii
ay lumisay markay halkan timid baa dib ugu soo noqday.
Maantase caqligaasi wixii uu u daweyn lahaa ma daweynayo.
Markaan taag hayey talo ma hayn, maanta oon talo hayana
taag ma hayo!!!… Acuudu Bil… way illowday sidii
shaydaanka la iskaga naarayey. Goormaa ugu dambaysay
shaydaan ay iska naarto? Markay iska naari wayday buu
iyadii naaray. Acuudu Billaah…haa sidaas bay ahayd,
way dhodhowdahay.
Waxay mar kale xasuusatay qoyskii soomaaliyeed ee
carruurta watay iyo gabadhii xijaabnayd. Waxay isku
canaanatay hadday sharafteeda ilaashan lahayd sida
gabadhaas oo kale oo ay maanta reer dhaqan yeelan lahayd,
in ay caruurta ay agoomaha ka raadinayso iyadoo milgo
leh dhali laha yd.
Waxay laacday Albam sawirradeeda ay ku kaydiso oo u
dhowaa. Way baadhbaadhay. Waxay ka w eyday sawir
keliya oo aan timaheedu qaawanayn, sawir keliya oo
asturan bay ka wayday. Sawirradii ay quruxda u arkaysay
maanta foolxumo ayey u aragtaa. Way ka yalaalugoonaysaa.
Waa inay gubtaa. Kee baad ka reebtaa bay isweydiisay. Ma
wax isdhaamaa maxay kala reebi. Waxay xasuusatay sawir
yar oo meel cidhif ah ay sii jeed ugu qarisay si aanay
dadka Albamka daa wanayaa u arag. Sawirkii bay soo
dhufatay. Waa sawir waayo waayo ah. Waxay ku
labbisantahay toob adag oo ilaa cidhbaha jooga,
gacmahana ilaa curcurrada gaadha. Cagaha shiraabaaddo
ayey ku xidhan tahay. Hagoog bay jiq ku tahay shalmad
weyn. Sawirkii bay daawasho ugu dhaqaaqday, Albamkii oo
sidiisii kale iskugu dhanna shooladda ayey ku tuurtay.
Sawirkii bay mar kale indhaha ku dul illowday. Alla
qurux weynaa!! Illin kulul baa shax ka soo tidhi.
Cadowga ugu weyn ee gabadhu w aa marka ay quruxeeda
aaminto. Sidaas oo ay tahay haddana weli nolosha quus
kama joogto. Rajo way laabantahay, noqoshona way u
furantahay.
[1] Gaarriye
|