HA MOOGAAN INTAAD NOOSHAHAY BUURTA
SHEEKH INAAD AADO

 


Gabaygan waxaa la yiraa buurta, waxaa uu ka waramayaa buurta sheekh iyo quruxdeeda iyo sida dad ka aan aqoon fiican u lahayni uga cabsoodaan iyagoon wax fekrada ka haysan, iyo xayawaanada kala jaad-jaadka ah ee ku nool. iyo weliba xoolaha la dhaqdo siday ugu nool yihiin keliyana maaha quruxdee da ee waa meel ku fiican in dal xiis loo tago kuna fiican dadka loo sameeyo goobo ay ku dalxiisaan waan tan maansadii.
 

 


Gebigeedba buurta, hadaan beero kala jeedsho
Geli doogle geedo isku baxay durdurka geeskooda
Garbada iyo gowtiyada daayeer gacanka soo raacay
Calakuda xaraaraha aan siibanayn sahalna boodaysa
Riyo gorod cas, iyo wanan baaxad weyn goray hadaafaaya
Goodir xaradh leh doofaarradoo garab ka daaqaaya
Qarandida humbaalaynaysa ee garab u rooraysa
Gantaalaha warmaha,kashiidada gaar u fidhanaysa
Dacawada kadlada aan joojinayn ee meerisyada joogta

*******
Gurdanka shalawga dhagaxoo, buurtu wada gariirayso
Ratiga dhex miranaaya iyo dibiga aad u socon waayey
Waraabaha calyada daadiyiyo, dhidarka dhagaxa hoos jiifa

*******

Halaq madax gordan, goodaado iyo bahalo guureeya
Dabacadaha is xoodaaya ee habeen daaqsinta u foofa
Galowga ,fiintiyo coomaade iyo ciyow gabaldhicii heesa

*******

Aqoon fiican ninkii aan u lahayni buurta ka cabsooye
Waa meel dalxiis loo tagoo, nafta caajis gelinayne
Haraad loogama baqo iyo wixii nafta halaakeeya

*******

Kor u fuul oo daadeg waa buurta jimicsigeediiye
Ragga buurtu waa wada qayuur goostay muruqiiye
Cag balaadhan oo banaan baratay iyo malaha calool buuran

*******

Geedaheedu waa doog ubaxyo badan guŽ iyo jiilaale
Awlalada shinidu ay dhashee, ladhuro goor iyo alaylba
Ceeryaamada gabal dhicii,cidhifka sare hamashka soo saartay

*******

Quruxdeeda Gabaldhicii marakay libdhadu hoga ku sii jeedo

*******
Gantaalaha ay soo gantee, dhulkuba aad u midabaysto
Galabtaa nin joogaa buurta sheekh ka qosol dhoosha micidiiye

*******
Ha moogaan intaad nooshahay buurta inaad aado !
!!!!!!!!!!!!!

!!!!!*******


Ha moogaan intaad nooshahay buurta inaad aado
!!!!!!!!!!!!!!!!
!!!!

*******

 


Eng: Abdirazak Yassin Mohamed
jmladam413@gmail.com