QURBO JOOGA SAAXIL HAMBALYO HAGARDAMAYSAN
UMA BAAHNA

 


 


Qurba Jooga Saaxil Hambalyo Hagardameysan Uma Baahna.
Laga Wanaagan Xulafaysiga Hoose Ee DumintaAh.
U Adeeg Saaxil, Ta Xisbigaga Horteed.

1.Waa lagama maarmaan in ruux kasta oo ku taagan tub qaldan, aragtidiisuna siinayso in uu isagu keldii sax yahay, la baraaragiyo, toosiyo, lana dareensiiyo in aqoon iyo ogaalba jiro, waxaana haboon in uu maankiisa la kaashado talooyinka la siiyo ee wax tarka ah dabadeedna isa saxo, hadii kale waxa la dersa khasaare  cul us oo badan murugana ku reeba wuxuuna ku dambeeya - hadii aan sidaa iyo sidda yeelilaha – taasuna wa ma dhacdo – mana soo noqoto.

2. Xildhibaan- (Siciid Elmi Rooble) Waxa uu ka mid yahay Xildhibaanada ugo cimriga dheer xildhibaanada  Som aliland, kii hore ee reernimada – oo uu metalaayay Subeer Awal – ( Ciise Muse), degaan ahaana Gobalka  Sa axil, iyo kan iminka oo laga soo doortay Gobolkaas isaga ah. Waxaan filayaa in degaankaas oo dhan uu dhex u yahay, ha kaba soo baxo xisbiga Kulmiye e. Hadaba waxaan odhan lahaa u adeeg Saaxil Ta Xisbigaga  Hort eed. ( Ninka Reer U Dhaanshee Dhexda Awrkii Kaga Lumay) Kaas Ha Noqon.


3.Xildhibaan- ( Siciid Elmi Rooble ) Waxa uu shir jaraa’id ku qabtay magalada Hargeisa 30-03-2010 shirkaas oo uu hambaliyo hagardaameysan uga soo gudbiyey koox Kumliyenimadoodu curdin tahay oo ka mid ah  Qur ba Jooga Gobolka Saaxil. isaga oo og cida xilkaas weyn qaaday ayaa Mudanuhu baal maray milgihii oo koox gaara la baxay,qaarna ka tegey,waa nasiib daro kuwaas loxoska ah ku dhacday oonay fileyn iyaganay u  ta al.

4.Waxaan cadaynayaa in aanan anigu Kulmiye ahayn una jeedin,hadiiba se cid la xusi lahaa waxa la  bogaa din lahaa dhamaan dadkaas goobta isugu yimid ee reer Berbera, may haboonayn siyasigu in kaadhkiisi u  da mbeeyey qadimo oo ah kooxaysi degdeg ah oon u adeegeyn dhinacnaba(Kulmiye Saaxil),waxaan arkaayey kuwii fikirka lahaa,kuwii abaabulka lahaa,,kuwii gogosha lahaa,kuwii qoralka quruxda badan lahaa iyo  farsha xanka,iyo kuwii fulintaba lahaa oo la gees maray lana xusin. Ma garan karo taasu in ay xusbigaas dhaqan u tahay,waxana ka muuqda xisbigaas kooxaysi,goosan goosan iyo garabsi cad oo xitaa mustaqbal ahaan  dal kan Somaliland halis helin karta ,anigu waxaan aminsanay midnimada Somaliland Xisbi kasta oo la kala  yah ay,waxaan ahay Reer Saaxil,cidda keliya een qadarin karaana waa yaa dan u ah dalka yaa saaxil sidan u  dh aami kara mana arko waan se ku dadaalaya in la helo >>>INSHA ALAAHU.


5.Waxaanu xildhibaanada u soo dooranay,way garanayaan,waxaanay nagu noqdeen hungow runtii toda oo keliya eryada,waan hubaa qaarkood in aanay sooba jeesan tan iyo markii la yidhi waad guuleysatey,waxaan se leeyahay waad guul daraysatay. Oo dadkii ku soo doortay wacadkii aad u gashay ee khayriyada isla taagi jirtey,waad ka baxday waanu ku hayaaye ogow dunidana ayaamo aad u yar ayaa la noolyahay. Waxa  dhab ta ah ee aanu idiin dooranay waa ka warhanta maatida iyo dadka jilicsan ee maaha sida iminka u  shaqaysa an. Saaxil waa gobolka u liita Somaliland waxuu leeyahay madaxda dalka ugu saraysa mansabkaana ku heley magaca iyo muhimada Gobolkan Saaxil,waana nasiib daro weyn, iyaga oo ay Saaxil dushooda maalimba  maa inta kasi dambeesa dushoda ku sii dumays magic xumo iyo masuuliyad darona iyaga ayay la deris tahay.

 

 

 

Waa Qalinkii
Shacayb Mohamed Gurux UK