Qurba-Joogga Gobolka Gabiley iyo Kaalinta uga bannaan
Horumarinta Gobolka -(Qayb. 2-aad)
W/QORTAY: Xildhibaan Nimco Axmed Cabdi (Golaha Degaanka
Gabiley)
Dhammaan Akhristayaasha Sharafta iyo Qadarinta iga mudan
waxaan dhammaantiinba idinku salaamayaa Salaanta
Islaamka.
Guud ahaanba Qurba-Joogga reer Somaliland kaalin lama-illaawaan
ah ayey ku lahaayeen welina ku leeyihiin dib u dhiska
iyo horumarinta dalkeena, doorkooduna waa mid aan la
iska indho-tiri karin. Laga bilaabo heer Qoys, heer
Tuulo, heer Degmo, heer Gobol illaa heer Qaran;
Qurba-Jooggu waa kuwa waqtigan xaadirka ah la isku
dhaafay. Shaki kuma jiro arrintaas. Maantana horumarka
ka socda Degmooyinka iyo Gobollada dalkeena Jam.
Somaliland waxaad si cad uga dareemaysaa arrintaa iyada
ah oo si weyn u muuqata. Gobolkii ay Qurba-Jooggiisu si
dhab ah ugu hawlgalaan ee ay si wadajir ah ugu guntadaan
horumarkiisa, wuu ka horreeyaa dhinac walba Gobolkii ay
Qurba-Jooggiisu hagradeen.
(Afeef: Marka aan ka hadlayo waxtarka, saamaynta iyo
kaalinta ay Qurba-Jooggu ku leeyihiin horumarka dalka
iyo dadka JSL; yaan marnaba loo qaadanin ama aan loo
fikirin inaan Qurba-Joogga buun-buuninayo oo aan
huwinayo magac iyo humaag aanay lahayn Qurba-Jooggu,
isla markaana aan abuurayo dareen ama fikir
dhiirri-gelin kara Tahriibta. Waxaan aaminsanahay in
Tahriibtu tahay aafo Qaran oo xanuun iyo dhibaato badan
ummaddeena ku haysa. Anigu qof ahaan si aan xadlahayn
baan uga soo horjeedaa cid kasta oo ku dhaqaaqda, ama
dhiirri-gelisa amaba taageertaTahriibta).
Qaybtii 1-aad ee maqaalkaygan waxaan ku soo sheegay
inaan qof ahaan is leeyahay, malaha Qurba-Joogga u
dhashay Gobolka Gabiley sidii la rabay ugamay
qayb-qaadan ama ugumay hawlgalin inay wax ka qabtaan
baahiyaha baaxadda leh ee ka jira Gobolka Gabiley.
Waxaan si gaar ah farta ugu fiiqay Ragga Qurba-Joogga ah
ee u dhashay Gobolka Gabiley. Dabcan, marnaba may ahayn
ujeedadaydu inaan Ragga Qurba-Joogga ah ee Gobolka
Gabiley si gaar ah u bar-tilmaansado ama dhalliil aanay
lahayn dusha ka saaro. Nuxurka iyo ujeedada aan arrintan
ka lahaa waxay ahayd baraarujin aan Ragga Qurba-Joogga
ah ee reer Gabiley ku dhiirri-gelinayey oo aan ku lahaa:
“Waxaad tihiin gadh-wadeenkii iyo hoggaankii Bulshada
Gobolka Gabiley, gudaha iyo dibeddaba, ee waxaa la
idiinka baahan yahay inaad garataan kaalinta idiinka
bannaan inaad si dhab ah ugu guntataan Horumarinta
Bulshada ku nool Gobolka Gabiley.”
Qaybta 2-aad ee maqaalkaygan waxaan jeclaan lahaa inaan
ku sii ambaqaado aragtidayda aan ku falanqaynayo
kaalinta uga bannaan Qurba-Joogga Gobolka Gabiley iyo
sidii ay uga hawl-gali lahaayeen Horumarinta Gobolka
Gabiley.
Gobolka Gabiley wuxuu ka mid yahay gobollada ugu
hodansan JSL marka dhinacyo badan laga eego. Ha noqoto
tiro dad iyo aqoon, dalagga beeraha, duunyada xoolaha,
iyo khayraadka dabiiciga ahba. Dhinaca kale, Gobolka
Gabiley wuxuu ka mid yahay gobollada ugu dakhliga badan
ee Qaranka JSL u soo xereeya cashuuro badan oo hawlaha
qaranka lagu maamulo. Gobolka Gabiley waxa ku yaalla
Irridda Ganacsiga Geeska Afrika ugu muhiimsan (Tog
Wajaale), taasoo ah halbawlaha ganacsiga u kala gudba
JSL iyo dalweynaha Itoobiya. Waxaa intaa dheer, Gobolka
Gabiley waxa ku yaalla Xarunta Kastanka Kalabaydhka oo
ah marrinka ugu weyn uguna muhiimsan ee uu maro Qaadka
ku socda Somaliland iyo Soomaaliya.
Haddaba, iyadoo arrimahan kor ku xusan oo dhammi ay
yihiin kuwo xaqiiqo ah, Gobolka Gabileyna lagu tiriyo
Gobollada ugu dakhliga badan leh dalka, haddana waxaan
dareensanahay inay jiraan baylaho iyo baahiyo ballaadhan
oo xagga horumarka bulshada ah oo ka jira dhammaanba
degmooyinka iyo tuulooyinka uu ka kooban yahay Gobolka
Gabiley. Su’aasha in si dhab ah la isku weydiiyo mudani
waxa weeyi:
Gobol hodan ah oo leh kaabayaashii ilaha dhaqaalaha oo
dhan, isla markaana uu u soo hoydo dakhli badani, maxaa
u sabab ah inuu haddana ka qatanaado oo uu sidii la
rabay u dabooli kari waayo baahiyihii aasaasiga ahaa ee
bulshada Gobolka ku nool (sida: waxbarshada,
caafimaadka, maal-gashiga, wax-soo-saarka beeraha,
dhallinyarada, fursadaha shaqada, iwm)? Jawaabta
su’aashani waxay u baahantahay in si deggen oo aad u
cilmiyeysan looga jawaabo, si muuqaal dhab ah looga helo
arrimaha saldhigga u ah in Gobolka Gabiley uu ku liito
xagga horumarka bulshada. Sidaa darteed, aniga
aragtidayda jiyo awaabta aan ka bixin lahaa su’aashan
waxaan jeclaan lahaa inaan u dhigto (Insha ALLAH)
qaybaha dambe ee maqaalkaygan taxanaha ah.
Qofka ka shaqeeya horumarka bulshadiisa wuxuu gutay/ ama
ay gudatay qayb ka mid ah xilkii bulshada ka saarnaa.
Gudashada xilka bulshadu waa waajib saaran qof kasta oo
bulshada ka mid ah, laakiin qofkii ay garashadu hagto
ayuun baa garta oo ku baraaruga. Horumarka bulshadu
wuxuu ka bilaabmaa marka qof (shaqsi) uu garto waajibka
iyo xilka ka saaran naftiisa iyo intii kale ee uu ALLAH
masuul uga dhigay. Danta bulshaduna waxay camirantaa
marka uu iskaashi dhab ahi dhex maro shaqsiyaad iyagu ka
soo baxay masuuliyaddoodii qof iyo qoys, dabadeedna u
jeesta xilkii ka saarnaa bulshadooda.
Gobol walba wuxuu ku tamariyaa hadba siday bulshadiisu
(Qurba-Joog iyo Qaran-Joogba) uga shaqeeyaan
horumarkiisa. Haddii aad tihiin Qurba-Joogga u dhashay
Gobolka Gabiley waxa laga yaabaa inay jiraan waxyaabo
badan oo idinka agtiina aan qiimo badan ku fadhiyin
balse bulshadiina waxtar weyn u leh. Waxaan aaminsanahay
inay jiraan waxyaabo badan oo aad ummaddiina ka caawin
kartaan dhan kasta oo ay tahayba. Tusaale ahaan, waxaad
ku nooshihiin waddamo hore u maray oo aad ka hesheen
waayo-aragnimo iyo khibrado dheeraad ah; waxaad soo
kordhin kartaan xirfado, aragti iyo fikir cusub oo lagu
dabbaqi karo horumarinta Bulshada ku nool Gobolka
Gabiley.
La soco Qaybta 3-aad ee Maqaalkan,
Wa Billaahi Tawfiiq,
Xildhibaan Nimco Axmed Cabdi (Golaha Degaanka Gabiley)
|