Golaha Wakiilada oo maanta Cod Aqlabiyad ah ku Ansixiyay Hormadii labaad ee Golaha Wasiirada Somaliland.

 


 

Fadhigan maanta ee golaha wakiilada oo uu shirgudoominayay guddoomiyaha golaha wakiilada somaliland...

Hargaysa(TNN):- muddaneyaasha golaha wakiilada somaliland maanta mar kale cod aqlabiyad ah ku ansixiyay shan wasiir iyo afar wasiir ku xigeen kuwaasi oo ka mid ahaa liiskii golaha  was iirada cusub ee uu dhawaan madaxwayne siilaanyo u soo gudbiyay golaha wakiilada si ay u ansixiyaan,iyada oo shalay ay muddaneyaasha goluhu ansixiyeen 14 xubnood oo isugu jiray wasiiro iyo wasiir ku xigeeno.

fadhigan maanta ee golaha wakiilada oo uu shirgudoominayay guddoomiyaha golaha wakiilada somaliand c/raxmaan Maxamed C/laahi ayaa waxa fadhiga maanta ka soo xaadiray 55-muddane ka oo ka mid ah 82-ka muddane ee uu golahaasi ka koobanyahay.


ka hor intii aan codka loo qaadin ansixinta wasiiradan waxa golaha laga hor akhriyay  taariikh da wax barasho iyo khibradaha kale ee ay leeyihiin wasiiradani,ansixinta wasiiradani ayaa  ma anta cod isku mid ah lagu ansixiyay.
cod u qaadista wasiiradani waxa ay u dhacday sidan:-



1:- Wasiirka Xannaanada Xoolaha, Deegaanka iyo Horumarinta reer Miyiga Dr. Axmed Xaashi Oday, markii codka ansixinta loo qaaday waxaa ogolaaday 54, wax ka aamusay iyo wax diiday toona may jirin, Gudoomiyuhuna muu codayn, sidaas ayuu ku ansaxay.

2-:- Wasiirka Hawlaha Guud iyo gaadiidka Xuseen Axmed Caydiid, markii codka ansixinta loo qaaday waxaa ogolaaday 54, wax ka aamusay iyo wax diiday toona may jirin, Gudoomiyuhuna muu codayn, sidaas ayuu ku ansaxay.

3:- -wasiirka caafimaadka Xuseen Maxamed Muxumed (Xuseen Xoog), markii codka ansixinta loo qaaday waxaa ogolaaday 54, wax ka aamusay iyo wax diiday toona may jirin, Gudoomiyuhuna muu codayn, sidaas ayuu ku ansaxay.

4-:- Wasiirka Kalluumaysiga, Khayraadka dabiiciga ah iyo maamulka Dekedaha Maxamed Yaasiin Xasan, markii codka ansixinta loo qaaday waxaa ogolaaday 54, wax ka aamusay iyo wax diiday toona may jirin, Gudoomiyuhuna muu codayn, sidaas ayuu ku ansaxay.

5-:- Wasiirka Beeraha Faarax Cilmi Maxamuud, markii codka ansixinta loo qaaday waxaa ogolaaday 54, wax ka aamusay iyo wax diiday toona may jirin, Gudoomiyuhuna muu codayn, sidaas ayuu ku ansaxay.

6:- -Wasiirka Ciyaaraha, Dhalinyarta iyo Dhaqanka Maxamed Xaashi Madar, markii codka ansixinta loo qaaday waxaa ogolaaday 54, wax ka aamusay iyo wax diiday toona may jirin, Gudoomiyuhuna muu codayn, sidaas ayuu ku ansaxay.

7-:- Wasiir-ku-xigeenka W/waxbarashada Cali Xaamud Jibriil, markii codka ansixinta loo qaaday waxaa ogolaaday 54, wax ka aamusay iyo wax diiday toona may jirin, Gudoomiyuhuna muu codayn, sidaas ayuu ku ansaxay.

8-:- Wasiir ku xigeenka Caafimaadka Nimco Xuseen Qawdhan, markii codka ansixinta loo qaaday waxaa ogolaaday 54, wax ka aamusay iyo wax diiday toona may jirin, Gudoomiyuhuna muu codayn, sidaas ayuu ku ansaxay.

9-:- Wasiir ku xigeenka Hawlaha Guud Cali Cabdi Saa´iq, markii codka ansixinta loo qaaday waxaa ogolaaday 54, wax ka aamusay iyo wax diiday toona may jirin, Gudoomiyuhuna muu codayn, sidaas ayuu ku ansaxay.


 


Timacade News Desk
Hargeysa Somaliland