QARANNIMADII
LAGU HUNGOOBAY:26 JU UN/1 JUULAY 1960 'QEYBTII
KOOWAAD'

Maanta
oo Bisha Juun tahay 26, ayaa ku beegan sannad guuradii sagaal iyo
afartanaad ee ka soo wareegtay dhalashadii dowlad Soomaaliyeed oo
madaxbanaan tii u horeysey. Waa maalin inaga mudan xussid gaar ah,
tii oo laga shidaal qaadanayo himiladii iyo rajadii laga qabay in ay
rumoo wdow in meel la isugu keeno qowmiyadda Soomaaliyeed ee Geeska
Afrika ku dhaqan. Shan maalmood ka dibna Bishii Juulay 1, 1960 waxa
xoroobay gobolkii labaad ee Soomaliyeed oo waxa so korodhay dowlad
labaad. Waxa kale oo dhacday in laga hawl galo midayntii labada
mataanood.
Hadaba aniga oo raadraacayn seddexdii maqanaana meesha ay ku
dambeeyeen, ayaa halkan waxan akhiristeyaasha mareegaha ummadda afka
Soomaaliga ku hadasha ugu soo gudbinayaa qormo laba qeybood ah oo si
kooban hoosta uga xariiqaya dhacdooyin la xidhiidha qaabkii loo
maamulay midayntii labada dal iyo halka ay sartu ka qudhuntay ee wax
iska waafiqiwaayeen.
Kowda bisha Juulay, 1960 waxay ku astaysantahay bilowgii dhammaadka
rajadii wixii lagu magacaabi jirey Soomaaliweyn sabatuna waxay tahay
meeshaba waxa ka baxay wax ay intii maqnayd ku soo hirato. Dowladii
Somaliland ee Muqdisho u baqooshay waxay la kulantay waaqicii dhabta
ahaa ee koonfur ka jirey, runtiina waxay isugu biyo shubatay in laba
qabiil ku hirdayameen awood qeybsiga siyaasadeed oo qarka u saarnaa
in dagaal dhexmaro. Haddaan Somaliland madasha tegin tan manta
koonfur ka aloosan mid ka xun ayaa ka dhici lahayd.
Waxaynu xusuusannahay suugaantii hal abuuradu ka tiriyeen raadcadii
shanta gobol ee Soomaalidu degto, waxa ka mid ahaa “Shantoo is
wehe saday wanaagsanadaa; calan in ay wadaagaanee wacnaydaa;”
“Hawdoow haybso calankaaga;” “Jabuutaai ka soo hoyo horrorkiyo
war aabaha.” Iyo in kaloo badan oon halkan lagu soo koobi Karin.
Weedhaasi waxay ka mid ahaayen qiiradii raadgoobkii midaynta
qowmiyadda Soomaaliyeed eek u dhaqan Geeska Afrika. Sagaal iyo
afartan sannadood ka dib waxa xusid muddan in aynu is weydiino halka
ay wax ka qaloocdeen iyo arrimaha miyaa la la ilduufay? Ma badheedh
iyo ula kac ayey ahaayeen? Ma aqoondaro iyo waayo aragnimo la’aan
ayaa jirtey? Ma xamaasaddii iyo qiiradii ayaa barkuma taal noqday?
DAGAALKII LABAAD IYO DEEGAANADII SOOMAALIDA:
Sannadkii 1936 ciidamadii faashiishtada talyaaniga ayaa duulimaad ku
qa bsaday boqortooyadii Itoobiya. Bishii August 1940 ciidamadii
talyaaniga ayaa weerar seddex geesood ah [Seylac, Hargeysa, iyo
Oodweyne] ku qabsaday Somaliland. Bishii April, 1941 ayaa ciidamadii
Boqortooyada Ingriisku rogaalcelis dib ugu qabsadeen dhammaan
deegaamadii Soom aalidu ku dhaqnayd. 1944 dowladdii Talyaaniga
ayaa Xulufadii kaga adkaatay dagaalkii labaad ee Dunida.
Isla sannadkii 1944 waxa Shirweyne isugu yimid goobta la yidhaa Hara
Digeed dhammaan madax dhaqmeedyadii deegaanada Soomaalida si ay uga
arrinsadaan dhibaatooyinkii Soomaalida saameynayey oo laga war
helay.Madax dhaqmeedyadii shirweynaha ka qeybgalay waxa ka mid ahaa:
Suldaan Cabdiraxman Suldaan Diiriye, Suldaan Cabdillaahi Suldaan
Diiriye, Suldaan Biixi “Fooley” iyo qaar kaloo aan halkan
magacyadooda lagu soo koobi Karin.
Suldaan Cabdillaahi Suldaan Diiriye ayaa madashii Shirkii ka
jeediyey khudbad dheer waxana ka mid ahaa hadaladii Suldaan
Cabdillaahi:
“…Ninka diirka cad ee la isku xujeynayo adduunyadaa inoo garqaadi oo
ina kala furdaamin; Waxase aan berri ka maalin xal loo heli doonin
ninkaa aynu isku midabka nahay ee inagu soo siqaya..” Waxa dhacday
in Xayle Silaase adduun xooggan[ E$50,000.00] ku bixiyey si aan
shirka go’aamo la taaban karaa haba yaraate uga soo bixin.
Gebogebadii shirka waxa lagu gunnaanaday ciyaar Soomaali hal
qabsigeedu ahaa: “Asafoow askari ma I qoreysaa!! Halkay ku dambeysey
cid is weydiineysaa maanta ma jirto.
Sannadkii 1946 Wasiirkii mustacmaraadka Ingriiska oo la odhan jirey
Mr. Bevin ayaa barlamaanka Ingriiska u soo jeediyey in Qowmiyadda
Soomaaliyeed oo reer guuraa u badnayd in dal mideeya la isugu geeyo.
Qaramada Midoobay waxa xiligaa ka socotay dood ku saabsan sida loo
maamulayo dalalkii Talyaanigu gumeysan jirey. Hindisayaashii lagu
midayn lahaa Soomaalida waxba kama suurtoobin sababo la xidhiidha
Afartii quwadood ee adduunka ugu xooga badnaa oo aragtidoodu
midaynta Soomaalida ku kala duwanayd, iyo Soomaali konfuureed oon
xiligaa u dhego nugleyn midaynta Soomaalida.
Maantana waxa midnimo Soomaaliyeed ku xuurtoomay kuwii shalay kala
irdheysiiyey. Walaweyn waxa ay manta ku hadaaqayaan shalay hidin
lahaayeen.
HALGANKII GOBANIMADOONKA:
Dhammaadkii dagaalkii labaad ee dunida waxa dalalkii la gumaysan
jiray ka bilaabmay dhaqdhaqaaqyo gobanimo doon ah. Halgankaasi wuxuu
si laxaad leh u saameeyey gaar ahaan qaaradda Afrika gebi ahaanteed.
Qowmiyadda Soomaaliyeed oo shan meelood u kala qoqobnayd iyana
gobanimo doonku deegaanadeeda wuu ka curtay. 1936kii Magaalada
Jigjiga waxa laga aasaasay urur siyaasadeedkii S.Y.L. oo markii
dambe ku xoogaystay koonfurta Somaaliya. Waxa kaloo magalada
Baydhaba laga furay xisbigii la odhan jiray HDMF. Somaliland waxa ka
hana qaaday xisbiyadii SNL, NUF, iyo USP.
Sannadkii 1955 Boqortooyada Ingriiska ayaa go’aansatay in Somaliland
madax bannaani buuxda helidoonto. Shantii sannadood ee gobanimada ka
horeysey waxa Somaliland laga hirgeliyey doorashooyin dowladda hoose[
lug atoori= Local Authority] iyo mid lagu magacaabi jirey “Majlis
At-Tahriici” [Legislative Assembly] ama Gole Sharci dejineed.
Bishii 29dii February 1960 waxa Somaliland ka qabsoomay doorashadii
Golaha Sharci dejinta Somaliland, seddex iyo sodonkii mudane ee
golahana waxay seddexdii xisbi Qaran u kala heleen sedan soo socoto:
1. SNL wuxu ku guuleysatay 20 Mudane
2. USP wuxu ku guuleysatay 12 Mudane
3. NUF waxay ku guuleysatay 1 Mudane
Bishii February 1960 waxa magaalada Hargeysa yimid wefti seddex
xubnood ka kooban oo Muqdusho ka soo kicitimay oo uu hoggaaminayey
nin garyaqaan ah oo la odhan jirey Mohamed Sheikh Gabyow. Weftigu
wuxu u yimid si loo qoro heshiiska Midowga labada dal- Soomaaliya
iyo Somaliland. Duruufo la xidhiidha dareenkii siyaasadeed ee
xiligaa aloosnaa awgeed, hawshii weftigu u socday waxba kama suurto
gelin; hase ahaatee waxay jirey in la diyaariyey qaabkii awoodaha
dowladnimo loo qeybsan lahaa oo ay muquunisay caadifaddii “ Midnimo
shuruud la’aan ah!” Maxayse ku dambaysay?
16-24kii April 1960 waxay labadii Gole Sharci dejineed ee Somaliland
iyo Somalia mabda’ ahaan isugu waafaqeen in labada dal midoobaan
bisha Juulay 1960.
Bishii May 2dii-12dii 1960 waxa magaalada London ku qabsoomay
Shirweynihii Distoorka Somaliland.
Bishii Juun 23dii 1960kii waxay Boqortooyada Ingriisku ku dhawaaqday
in Somaliland madaxbannaani buuxda qaadandoonto 26ka bisha Juun
1960.
QARANIMADII MAJARAHABOWDAY:
26kii Juun 1960 Somaliland waxay noqotay gobolkii ugu horreeyey ee
gobanimo heley. Isla maalinta 26ka Juun waxay dowladdii Somaliland
iyo Midowga Boqortooyadii Ingriiska iyo Waqooyiga Ireland heshiiso
laba geesood ah oo ay ka mid ahaayeen:
1. Tixraac Heshiiska dhexmaray Dowladda Soomaliland iyo Midowga
Boqortooyada Ingriiska
iyo Waqooyiga Ireland ee la xidhiidha Ciidanka Somaliland[Somaliland
Scouts]”
2. Tixraac Heshiiska dhexmaray Dowladda Somaliland iyo Midowga
Boqortooyada Ingriiska
iyo Waqooyiga Ireland eek u saabsana deeqda dhaqaale.
3. Tixraac Heshiiska dhexmary Dowladda Somaliland iyo Midowga
Boqortooyada Ingriiska
iyo Waqooyiga Ireland eek u saabsana Shaqaalaha xukuumadda.
Dhammaan heshiisyadan laba geesoodka ah oo magaalada Hargeysa lagu
kala saxeexday 26kii Juun 1960 waxay waafaqsanyihiin xeerarka
caalamiga ah ee u dejisan heshiisyada noocaas ah.
Dowladda Boqortooada Ingriiska waxa heshiiska u saxeexay:
T. E. BROMLEY;
Dowladdii Somaliland waxa heshiiska u saxeexay:
MAXAMED XAAJI IBRAAHIM CIGAAL
AXMED XAAJI DUCAALE
CALI GARAAD JAAMAC
XAAJI IBRAAHIM NUUR.
Sida heshiisyada ku cad magac Jamhuuriyad Soomaaliyeed wax laguma
kala saxeexan; xuduudihii Soomaliland iyo Soomaaliyana may suulin;
welina sidoodii ay u jiraan; ninkii diidanoow maqal ama dab hindhis.
Soomaali koonfureed waxa qiri la’dahay in laba dal oon waxba
wadaagin la ahaa, waxana ka dhaadhacsan yar iyo weynba in
Soomaalinimada koonfur marti looga yahay.
Dadka weli ku miyir doorsoonsan midnimo Soomaaaliyeed oo taariikhda
si badheedh ah uga been abuura ayaa ku andacooda in Somaliland ay la
kowsatay waxa lagu magacaabo “Jamhuuriyadii Soomaaliya”. Muran kama
jiro in 26kii Juun 1960 qaran la yidhaa Somaliland adduunweynaha ku
soo biiray, in ka badan 35 dal oo ay ka mid yihiin Mareykanka,
Ingriiska, Ruushka, Fransiiska, Shiinaha, Ghana, Masar, iyo Kuuba.
27kii Bishii Juun 1960 Golihii Sharci dejinta dowladda Somaliland
wuxu cod aqlabiyad ah ku meel mariyey “Xeerka Midowga dalka
Somaliland iyo dalka Somalia- Xeerka Lambar 1, Juun 27, 1960.”
27kii Bishii Juun 1960 xukuumadii Somaliland oo Calankii,
qaranimadii, Xeerkii Midowga iyo Distoorkii Somaliland sida ayaa
Muqdusho diyaarad ugu ambabaxa. Bari ka maalin waxa la maqalidoona
reer koonfureed sheegaya in Allah ha u naxariiste Aaden Cabdille
Cismaan diyaarad Somali Airlines lahayd uu weftiga u soo diray!!
Dhammaad Qeybtii Koowaad
Axmed Cali Ibrahim
Sabeyse |
|