Qabyaalada
iyo Raad Xumadeeda
Ereyada qabyaalad iyo qabiil ayaa
had iyo jeer qeexidooda amma kala saaridooda lays ku qaldaa
amma inta si uu taqaanaa si fiican loo kala aqoon, bal haddaba
haddii aan isku day o ta qabiil.
Qabiil ayaa ah isir, farac, abtirsiimo, ka soo bilaabanta aabbo,
awow iyo awowyadii ka sii horreeye, waanna hab-qurux badan, marka
laga eego caddaynta qofka ee ah tii qofka lagu dhalay hab-xalaal ah
oo aan muran iyo marag-madoon ah oo dhaxla magacii aabbihii.
Alleh (SW) wuxuu aayaadkiisa mid ka mid ah innoogu mana sheegtay oo
yidhi; “Waxaan idinka dhigay qabiilo si aad isugu gartaan.” Haddaba
iyadoo sida saxda ah ay tahay sid aa, ayaa haddana waxa ku
hoos jira xigmado intaa ka sii weyn oo ay ka dhashaan isu
naxarisasho iyo isqadarin laysugu hayo qabiilka cidda wadata
magaciisa.
Sidoo kale hooyo walbaaba ku dedaasho in ay ilmaheeda u hesho aabbo
wanaagsan si uu mansab iyo magacba uu uga dhaxlo aabbihii, taana
waxa ka dhalata dhowrsanaan dumar oo sharaftii qoyskooana ilaaliso
ilaa heer bulsho.
Bal u fiirso, xigmadaha ku jira in la noqdo qabiilo ma aha inay
dadku tarmayaan habkii ay awowyaasheen ugu dhaqmi jireen ay ahayd,
habka ugu fiican sida tlo iyo xidid iyadoo aan an dhammaan soo
koobi karin xigmada ku jira iyo wanaageeda bal aan eegno waxay
noqo to marka sida xun loo isticmaalo iyo cakiskeeda.
Haddaba qabyaalada ayaa iyada waxayn odhan karnaa waa qabiilkii oo
si xun lo isticm aalay, keentana wax ka duwan waxtarkii oo ah
waxyeelo ficilka qabyaalad, ayaa ah qa byaaladan, taasoo iyadu
dhankeeda ah garabsiin xaq iyo xaq-darro, gar iyo gar-darro, dhac,
musuq iyo wixii la halmaala.
Qabyaalada ayaa ilaa hadda wax aad
looga tixgeliyo bulshada Soomaalida dhexdeeda, bal se u keentay
waxyeelo baahsan oo cuqubo iyo horumar la’aanba leh, kana noqday
cudur, kaas oo dillaaca xilliyada saameyntiisu ugu badan tahay oo
khilaaf dhaco, iyadoo loo adee gsanayo guubaabo. Waxayna ku
xidhan tahay cidda ma jaraha u haysa amma taladu ka go’do si haddii
ay la sii huriyaan iyo in ay suuliyaan amma hakiyaanba.
Somaliland maadaamay tahay dal iyo dad taariikh ahaan hore u sii
dhidhiyey adeegsiga q abyaalada, waayo aragna u ah waxyeelada,
waxaan kula tlain lahaa in la tirtiro gebi ahaa ba ku dhaqanka
qabyaalada, isla markaana la hirigeliyo dimoqraadiyadda horuma
rka, xadaarad iyo wanaag ku dhisan.
|