Qabiilka Ciise Iyo Ururkii SNM (Qaybtii 2aad)

Halkaa markay arrimuhu marayaan Ciisuhu waxay bilaabeen inay
taakulayn siiyaan jabha ddii. Taakulayntaa oo kala ahayd
wardoonka iyo raashinka.
Maadaama dawladdu aanay ka shakisnayn
Ciisaha waxa u
fududaatay inay warar badan siiyaan ciidammadii
SNM ee ku sugnaa
qaybo ka tirsanaa dhulka Ciisaha iyo kuwii joogay dhinaca
Itoobiya,taasi jabh addii waxay u suura gelisay
inay guulo waaweyn
gaadho waayo horaa loo yidhi “War la helaa talo la helaa”.
Taas waxa marag u ah war uu qoray wargeyska Haatuf ee soo baxay
16kii Juun 2008dii. Warkaas oo ahaa warqad sir ah oo uu qoray
taliyihii NSSta ee gobolka W/Galbeed G/dh exe Axmad Aadan Cabdi kuna
taariikhaysan 7 bishii 11aad 1985kii.
Warqaddu waxay u qornayd sidan.
" EG. 28. 21’00/C.
KA:- NSS-KA G/W/GALBEED. "HARGEYSA"
KU:- NSS-KA DEGMADA. "HARGEYSA" (GACAN SAAR)
NSS/GWG/5/1-31/85 (.) TIXRAAC WARQADDA ABAANDUULAHA QAYBTA 26aad
TIRSI LR/KAB/QB26/3/2/34/85 EE 7/11/85
(.) WAXAA LASOO SHEEGAY IN 3DA NIN OO HOOS KU QORAN DEGAANKOODUNA
YAHAY DAMBAL OO HARGEYSA BADEECAD KA QAATA AY XOGTA CIIDAMADEENA U
GUDBIYAAN XABASHIDA IYO DABADHILIFTA S.N.M-TA IYADOO UU SOO HAWL
GALIYAY DABADHILIF EX G/LE CABDIRAXMAAN AW CALI GEELLE
(.)WAXAYNA KALA YIHIIN:-
1)-DHEGAWEYNE, REER CIISE(.)
2)-CARAB DHOOLAAL, CIISE REER GEEDDI. &
3)- MAXAMED CALI SUUFI, CIISE REER MUUSE
(.) WAX FAAHFAAHIN AH OO KALE LAGAMA HAYO
(.) SIDAAS DARTEED HALLAGA BAADI GOOBO MEELAHA AY YIMAADAAN SAFRAHA
CIISUHU GACANTANA HALAGU DHIGO
(.) NALA SOO SOCODSIIYA HADBA WIXII ARRINTA IDIN KAGA SOO KORDHA (.)
G/DHEXE AXMED AADAN CABDI.
(G/DHEXE AXMED AADAN CABDI)
TALIYAHA CIIDANKA NABAD SUGIDA G/W/GALBEED
28/12/85
Dagaalladaa SNM ku soo gashay gudaha gaar ahaan
Hargeysa iyo Burco
kadib dawladdu waxay gooni gooni ula shirtay qabaa’ilkii kale ee
degganaa gobollada woqooyi,kuwaas oo ay ka codsatay inay keenaan
dhallinyaro ciidammada garab siiya si ay ula dagaallamaan budhcadda
hubaysan ee dalka soo weerartay (Waa siday hadalka u odhan jirtay
markay sheegayso SNM) isla markaana hub fara badan bay ugu ballan
qaaday.Siyaad Barre qudh iisa ayaa odayada qabaa’ilka toos ula kulmi
jiray. Beelihii kale way oggolaadeen, si dhakh so ah ayaana
hub,raashin iyo daayo loogu qaybiyey.Beesha Ciise way diidday inay
dagaal ka gasho iyadoo ka cudurdaaratay,dabadeed Ciisaha waxa loo
aqoonsaday inay la safte en SNM.
Dabyaaqadii sannadkii 1988kii odayo ka socda
beesha Ciise oo ay ka
mid ahaayeen Cumar Cusmaan Yaabe,
Max. Warsame Shiil,
Cali Duule iyo Aadan Bile oo ahaa guddoomiyihii
deg mada Saylac ayaa
Siyaad Barre
Xamar loogu geeyey.Madaxweynuhu waxa uu odayada ka codsaday inay
dagaalka dawladda ku garab galaan oo ay keenaan dhalliyaro ciidanka
la qoro.Markan odayadu wax diidma ah kamay hor keenin dabadeed waxa
madaxweynuh u amray in la siiyo Ciisaha hub,raashin iyo daayo.Waxa
kale oo ay dawladdu hub badan sii say Captan Shide iyo ciidan uu wato
oo ka tirsanaa xoogga dalka oo u dhashay qabiilka Ci isaha,
Kor.Cabdillaahi Qayaad
ayaa isna soo goostay kuna soo biiray
halganka.
Markay hubkii qaateen dabadeed ayey Ciisuhu dhinaca kale ka soo
jeesteen si buuxdana ugu biireen ururkii SNM.Waxa la aasaasay
guutadii xeebta ka dagaal gashay ee loo bixi yey(Guutada Sheekh
Muuse).Waa markaa waxay suura gashay in xeebta galbeed oo dh an
SNM
gacanta ku dhigto. Goobihii dagaallada waaweyni ka dhaceen ee ay
guutada shee kh Muuse wacdaraha ka dhigtay waxa ka mid ahaa
Lughaya,Bariisle,Carra-weyne,Farda-lagu xidh, Ceelgaal, Lawyacaddo
iyo goobo kale oo badan.
Saraakiishii iyo madaxdii dagaalladaa kaga dhintay
Ciisaha waxa ka
mid ahaa. Aadan Bile(Guddoomiyihii Saylac ee xilligaa),
Kornayl
Cabdillaahi Isaaq, Asbatoore Maydhane Abra ar, Ducaale Ciiltire,Nuur
Shardi, Abraar (Saam). Guud ahaan weli lama tiro koobin saraakii shii
iyo ciidamadii ka dhintay guutadii Sh.Muuse Saraakiishii iyo
madaxdii kale ee guutada waxa ka mid ahaa,Kornayl Cabdillaahi
Qayaad, Kabtan Shide Axmad(Ilkacase), Nuur shar di, Cabdi Aw-Muuse,
Cabdillaahi Diiriye,Siciid Cinddi,Qumane Jibriil, Ibraahim Muumin
iyo qaar kale oo badan.
Muddadii dagaalladu socdeen waxa deegaanka Ciisaha ka qaxay dad ka
badan soddon ku n oo la dejiyey Hohol iyo Cali-cadde (Jabuuti.) Geel
lagu qiyaasay kun halaadna waxa ka dhacay ciidammadii dawladdii
Siyaad Barre.
Shirweynihii 6aad ee
SNM oo ku beegnaa intii u dhaxaysay 31dii Mars
iyo 28kii Abril 1990 kii ee Balligubadle
lagu qabtay laguna doortay Cabdiraxmaan Axmad Cali (Tuur),
beesha Ciise si buuxda ayey uga qayb
gashay iyada oo wafdi miisaan culus leh u diratay.
Haddaba taageeradaa
beesha Ciise u fidisay
SNM iyo kaalintii ay
dagaallada ka qaateen waxa dhawr gabay oo uu u bixiyey
abaal Ciise
ka tiriyey isla markaana ku taariikheeyey, gabayaagii caanka ahaa ee
Soomaalida inteeda badan aadka u qaddarin jireen
Allaha u naxariistee Axmad Ismaaciil Diiriye oo ku magac dheeraa
Qaasim.Tusaale aan u soo qaato tuducyo ka mida gabayadiisii,waxa uu
yidhi,
Nasoo gaadhe
Ciisow
tixahaad, soo gudbinayseene
Geeraarradiinnii helnay iyo, gabayadiinniiye
Una guuxnay hawraarta guud, hiilna loo garaye
Maansadu godkii ay lahayd, maydun gees marine
Alla weydigarasiiyey oo waa,
gob iyo caadkeede
*****
Garna waad u
leedihiin tolkiin, inad gargaartaane
Gacmihii walaalaha ahaa,waysku gunuddeene
Gurmashadu markay ku hab-samayd, waa gilgilateene
Annana geesinnimo noo tartiyo, garab-ku-taaglayne
Guddoonkii
Ugaaskiyo
raggii, gooyey waw mahade
*****
Geeraarshihii
tiriyey iyo, geesiyadi raacay
Guurtida
Dalool iyo Abgaal,labada
geesoodba
Iyagana abaal lama gadee waa, gunno u taalle
Gaban hadduu ka hadho reer Isaaq, waa guddoonsadaye
Guuxiinnu maandhow wuxuu geystey lala yaabye
****
Mar kale Qaasim waa kii lahaa****
Ciisuhu xilkii waa guteen laysma xaasido e
Xaggay naga xigeen nacabka,
way ka xakameeyene
Xoog iyo adduun kalama hadhin, xarakadeenniiye
Xidhiidhkaa tolnimadaa leh iyo, xeerka Saadada e
Xigto nimaan lahay cadawgu waa, xubin wareemaaye
Xamdi mahad Isaaqoo dhan bay, xiise galiyeene
****
Mar dambena waa kii Qaasim lahaa****
Miisaannay Ciisow tixahaad, madalka keenteene
Macaan baa Ilaahay ka dhigay,malabki Doocaane
Dhegtii maqashay oo idili way, mahad naqaysaaye
Madmadoow ma gelin xaajadaa, soo mudh bixiseene
Mabsuud buu ka yahay reer Isaaq, meel u joogaba e
Waad mahadsantihiin dhalashadaad, muruq u yeesheene
*****
Mirtan waxawgu faallootanteen, magaca nooleeye
Inay maalmo guurtidu fadhiday,maqallay geedkiiye
Mayal-weyntu dooddii halkay, marisay loo daaye
Waa mudan Ugaaskuye tashiga,
midigta loo saarye
Ogoobay malkada uu fadhiyo, waa milgii sharafe
Maashee go’aankii ku raac, madaxdu keeneene
Mid mid ugu dhawaaq hadal cad buu, mudanku sheegaaye
*****
Majiiruhu sidii uu ahaa, laysu maqashiiye
Murti dhaxalgaliyo buu ku daray,weliba maahmaahe
Wuxu yidhi mataanaannu nahay, magaca reer Sheekhe
Midigta iyo bidixdaannu nahay,
meel kuwada yaalle
Maryahaan xidhniyo waa wadnaha,dhiigga maaxsada e
Mabda’oodi noo soo badhige,magane
Ciisuuye
Tol majiiran baa nala dhashoon,marin habaabayne
Macaan iyo qadhaadh waxa na hela, kama maqnaadaane
*****
|
Gabayadaa Qaasim oo aan ka soo qaatay in kooban oo tusaale keliya
aan uga jeeday, cid di u baahata iyaga oo dhan waxaad ka heli kartaa
degalka caanka ah ee lagu kaydiyo dha qanka iyo sooyaalka(
www.farshaxan.com)
(La soco……Qaybta 3aad iyo..)
|