Puntland ayaa hadda
Somaliland uga orod badan inay ka go’do Soomaaliya
London (TNN)-Ra’iisal-Wasaarihii
Dawladdii hore Carta ee Somaliya Cali Khaliif Gallaydh, ayaa sheegay
in xalka Somaliya uu ku jiro in Somaliland lagala hadlo sidii
Shirweyne loogu qaban lahaa Hargeysa, iyada oo la waafajinayo danaha
Somaliland, isla markaa na sheegay in maamul-gobolleedka
Puntland uu u ordayo sidii uu uga go’I lahaa Koonf urta
Soomaaliya.
Cali Khaliif Gallaydh oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland,
ayaa dhaliilay hab uu sheegay inay ka jirto Jamhuuriyadda Somaliland
iyo Maamul-gobolleedka Puntland ee Koonfurta Somaliya, taas oo la
xidhiidha in lacag lagu qaato Ciidan aan jirin oo Musha har
loo qoro. “Somaliland iyo Puntland waxa jira Ciidamo aan jirin oo
Lacag lagu qaat o..Miisaaniyadda Somaliland ma arag sanadkii
ilaa labadii sanno ee u dambeeyay oo malaha maba jiro, laakiin way
jirtaa Ciidankaas oo dadka ayaa lagu naas-nuujiyaa.
Miisaaniyadda Puntland-na waan
ogahay oo iyana way ka jirtaa.” Ayuu yidhi Cali oo isaga oo ku sugan
magaalada London Waraysi khaas ah xalay siiyay Telefishanka
UNI VERSAL.
Cali Khaliif Gallaydh wuxuu sheegay in Xalka Somaliya uu ku jiro in
iyada oo Somaliland danaheeda la fulinayo Umadda Somaliyeed ee
Koonfurta Shirweyne loogu qabto Maga alada Hargeysa. “Meelaha
qaarkood laga raadinayo xalka Somaliya in ay Hargeysa ka mid noqon
karto ayaan qabaa, inta marba Gogol la dhigi lahaa meel aan dalka,
dhaqan kii iyo dadnimadii aanay oolin oo lagu qabanayo Shirar, in
Hargeysa lagu qabto ayaa wax badan uga suurtogalsan. Laakiin, waa
haddii rag ka fikiraan oo iyaga oo is-cunsii naya danta Somaliland
iyo danta Umadda Somaliyeed ee kale lagala hadlo.” Ayuu yidhi Cali
Khaliif Gallaydh, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Sababtoo ah,
waynu ognah ay Somaliland lafteeda ayaa dan leh oo uga baahi
badan. Anigu waan ka qayb galay shirarkii Burco iyo Borama ee lagaga
dhawaaqay Somaliland, hadda 19 sanno ayay ma raysaa (
jirtaanka Somaliland). Markaas si dadka reer Somaliland u dan ah ha
la yeelo.”
Mar uu Cali Khaliif ka hadlayay qaddiyadda Madax bannaanida
Somaliland wuxuu shee gay in aanay ahayn in la qasbo, isla
markaana wuxuu ka hadlay gobolka Sool oo uu sheegay in Xukuummaddu
ka qaaday tallaabooyin isaga qalad ula muuqday. “Anigu ma qabo in
cidna la qasbo. Laakiin, sidii aan u diidanaa Diyaaradihii iyo
Ciidamadii garaaca yay Hargeysa ( waqtigii Siyaad Barre),
ayaan u diidanahay waxyaabaha aragtidayda ka socda Laascaanood.”
Ayuu yidhi Cali Khallif.
Hase yeeshee, mar la waydiiyay in marka uu ka hadlayo Laascaanood ay
tahay ujeed adiisu in uu u dhashay, ayaa wuxuu ku jawaabay oo
uu yidhi, “Maaha waan u dashay ee waxaan noqonayaa qof fikirka aan
qabo ( Soomaaliweyn ) ay dhab ka tahay.” Waxaanu intaa raaciyay oo
uu yidhi, “Waagii hore waxaan ogaa Somaliland oo tidhi waan goosanay,
Puntland laftiisa ayaanay ka madhnayn oo uga orod badan ( Somalil
and ) inay go’o. Waxaanan qabaa haddii dhulkooda ay nabad ka
dhalinayaan ( Puntla nd iyo Somaliland ) oo aanay cidna wax ka qabin
in loo daayo iyaga ayaa u faro-dhuudhuuban.”
Cali Khaliif wuxuu naqdiyay xidhiidhka u dhaxeeya Somaliland iyo
Itoobiya. “Kornayllo Itoobiyaan ah ayaa dhex fadhiya Garowe iyo
Hargeysa, Koonfurtana iskaba daa hadal kooda. Kuwaasina mid
iyo laba toona maaha. Kama hadlayo oo in xidhiidh la yeesho lama
diidin, gaar ahaan in Somaliland xidhiidh ka raadiso Itoobiya waa
wax aan garan karo, laakiin waxa ii muuqata in wixii ay Soomaalidu
lahayd ay meesha ka baxdo.” Ayuu yidhi Cali Khaliif.
Gebogebadii, Cali Khalliif oo wax ka dhiga Jaamacad, ayaa mar la
waydiiyay in uu Siyaa sadda ka baxay iyo in kale, ayaa wuxuu
sheegay hadda uu hawl-gab yahay, isla mark aana uu kaba
fadhiistay Macallinimada Jaamacadda. “Siyaasadda Somalidu Albaab
laga galo ayay leedahay ee Albaab laga baxo ma leh oo meel uun baa
la dhex wareegaa.” Ayuu hadalkiisa ku soo xidhay Cali Khaliif.
Xigasho: Wargeyska Ogaal
|