weerar ay soo qaadeen saaka malleeshiyada pugtland oo lagu jebiyay



Haegeysa (TNN)-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo wacyi gelinta JSL Md. Axmed Cabdi Xaabsade oo caawa ka hadlay dagaalka maanta ka dhacay deegaanka Gabadha oo 30km dhinaca Bari ka xigta magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, ayaa maamul  Pugt aland ee Bariga Somalia ku eedeeyay mas'uuliyadda dagaalkaasi.


Md. Xaabsade wuxuu sheegay in ay ciidamada qaranku ay jawaabtii ku haboonayd ka bixiy een dagaalkaasi waxaanu ku dooday inay ka adkaadeen maleeshiyadii maamul goboleedka Pugtaland.


"Waxaan beesha caalamka u sheegaynaa in Pugtland ay leedahay mas'uuliyadda dagaalka ka dhacay Gabadha oo ay soo weerareen ciidamada Qaranka ee J. Somaliland. Dagaalkani wuxuu ka dambeeyay hadalkii ka soo yeedhayay maalmahanba hor-boodaha maamul Gobo leedkaasi qabqable Faroole, oo sheegayay inay weerarayaan JSL," Ayuu yidhi Wasiirka Wa rfaafintu. Waxaanu intaasi ku daray

"Waxa hanjabaadda Pungland u dambeeyay hadalkii maanta ay BBC-da ka sheegeen warf aafintoodu oo ay yidhaahdeen, "Waanu difaacaynaa oo Somaliland ka celinaynaa dadka Re er Laascaanood. Waxaanu caalamka u sheegaynaa in weerarkii ay sheegi jireen ay maanta soo qaadeen Pugtland.”

Wasiirka oo u waramayay BBC-du wuxuu sheegay inay Pugtland ka qabteen 7 maxbuus iyo laba baabuur oo kuwa dagaalka ah ( Tikniko ).

SL Media.