Ogeysiis Muhiima oo ku Socda Dhamaan Somalilanderka Degan Birmingham iyo Nawaaxigeda waxaa 19/04/2011 Salasad inoo Marti ah Wasiiradii u socday Taakulaynta Abaaraha.

 


Salaamu calaykum wa raxmatulaahi wa barakaatu, ilaahay ayaa mahad oo dhan leh inoona fududee yey sida aynu isu taakulayno, naxariis oo dhana isaga ayaa laga helaa oo aynu ka baryaynaa inuu raxmaadkiisa inoo shubo.

Walaalayaal dhamaanba dadka muslimiinta ah gar ahaana shacbiga reer Somaliland ee degan  Birmi ngham iyo Nawaaxigeeda waxaa lala socodsiinayaa in Wefti heer Wasiiro ah oo ka yimi Somaliland u na socday inay fariin muhiima gaadhsiiyaan umada muslimiinta ahi siday ugu gargaari lahaayeen w alaalohooda ay abaaruhu sida ba,an u rafaadiyeen ay shir muhiima inoogu qaban doonaan Magaala da Birmingham 19/04/2011 Maalinta Salaasada Saacaduna waa sadexda galabnimo hadaba fadlan waxaa shacbiga reer Somaliland laga codsanayaa in ay Kulankaa ka soo qayb galaan si ay uga qayb qaataan taakulaynta dadka abaaruhu aafeeyeen ee u baahan gargaarka bini aadanimo.



Goobtu waa Hilaac Restorant.


508 Moseley Road
Birmingham
B12 9AH



Weftiga wuxuu ka kooban yahay



1- Wasiirka Diinta iyo awqaafta Somaliland. Shikh Khaliil C/laahi Axmed
2-Wasiirka Beeraha Somaliland Dr.Faarax Cilmi Maxamud Geedoole
3-Wasiirka Shaqada & Arimaha Bulshada Marwo. Ilhaan Maxamed Jaamac
4-La taliyaha Madaxweyne ku Xigeenka Mudane.Cismaan Siciid Jaamac



Wixii faahfaahin dheeraada kala soo xidhiidh



Abdirahman Ali Ubaxle: 07588357656
Abdikhaaliq Sh Cisman Nuur: 07868112762
Birmingham UK