Ogaysiis: Somaliland Community Education Award 2011

 




Waxaanu qaban qaabin doono munaasibaddii Somaliland Community Education Award ee lagu dhiirigalinayay horumarka ardayda iyo guud ahaan bulshada reer Somaliland ee UK.

Munaasibadan wuxu ururku ku guddoonsiiya abaalmarino ardayda darajo sare (A*, A iyo B) kaga gudubta imitixaanada GCSE-ga iyo A-Levels-ka, kuwa Jamaacadaha degree ka qaata iyo dadka qayb libaax ka qaata horumarinta umadda iyo guud ahaan qaranka Jamhuuriyada Somaliland.

Sanadkan wuxu ururku guddoonsiin doonaa ardayga ugu A*-ka badan imtixaan-ka GCSE-ga tigidh diyaaradeed oo uu ugu baxo socdaal wax barasho oo 2-ba weeg ah (education al trip) Jamhuuriyada Somaliland.

Cidda rabta inay soo diwaangaliso cid u tartami karta Somaliland Community Education A ward waa inay soo gudbiso ka hor 10-ka bisha November. Waxa munaasibadan inagala s oo qayb galli doonaa fanaaniin, abwaaniin, madax Somaliland iyo UK-ba ah iyo guud ahaan qaybaha kala duwan ee bulshada reer Somaliland.



Goobta: Navnat centre, Printing House Lane, Hayes, UB3 1RA

Taariikh: 26-ka November 2011

Wakhtiga: 6-da galabnimo ilaa iyo 10-ka habeenimo

Wixii faah-faahin ah waxaad kalasoo xidhiidhi kartaan 0208 848 1180 amma 07870515334 amma emailka ah wlondonsomalilanders@gmail.com
 

 

 


Maamulka West London Somaliland Community