Madaxwayne Barack Hussein Obama iyo Nelson Rolihlahla Mandella waxay kiciyeen hankii iyo haybadii ninka madaw.!.

 

- Maaliniba maalin ka tilmaamane, waa 11-kii bishii labaad, sanadkii 1990-kii, waxa aduun weynaha meel kasta oo la joogaba afka iyo dhegtu u irmaan yihiin oo hadalkiisa iyo maqlkiisaba aad loo dhaadhyayaa nin in badan magaciisu ku jiray war-is-gaadhsiinta caalamka, muuqiisana inta aragtay ay koobnayd oo maalintan aan dusha ku soo sheegay laga soo daayay Xabis uu ku jiray mudo ka badan 27 sanadood, waa nin aan godob iyo gaf toona cid ka galin ee gardaro iyo u-xoogsheegasho u garbaduuban oo god dheer ugu jira, danbiga uu u xidhan yahay ee lagu haystaa waa, waxa uu u hadlay oo doonay inuu helo waxay isaga iyo dadkiisa iyo qofkastaaba daw u leeyihiin oo ah, inay la mid noqdaan dadka kale ee qayrkood ah ee guud ahaan aduunka ku nool, gaar ahaana dadka kula nool dalka koonfur-Afrika, waxa uu diiday inuu qaato cad guneed aan u cuntamin nin rag ah, waxa uu yidhi maya kala mudnaan midab ku salaysan, waxa uu yidhi xabaal baan ka xigaa in dhulkii uu jad-ka-jad ka soo jeeday ku noqdo qaxooti oo dad dhawaan yimid u sheegtaan, waxa uu diiday in uu ka takoornaado qayrkii oo aan loo ogolaan meelaha/ magalooyinka qaarkood, waxa uu diiday in barwaaqda dadkiisa uu isagu dhibteeda iyo hawsheeeda yeesho marka la soo saarayo, maarka ay bislaato ee ay calfad gaadhona dheefteedana ka qatanaado, gar-ku-dirika waxa uu ku noqday ninkani sumad u taagan ka dhiidhiga cadaadiska, gumaysiga iyo intii xaqdaro uun jirta ifkan aynu dul joogno, waxa kale oo noqday Ilays u ah iftiin inta quus xaalkoodu yahay ee raajadu ku yaraatay, waxa uu diiday inuu hanyari ku sifoobi oo tiisa uun raacdo, taasaa keentay inuu hanto quluubta malaayiin qof oo ku nool aduunka..

- Ninkan magaciisa waxa la yidhaa, Nelson Rolihlahla Mandella ( oo dhashay 18 juulaay 1918 ), intii uu ku jiray jeelka waxa uu ahaa nin xaaladiisa aad loolaa socday oo caalamka laga og yahay, inkastoo ay aad u sii xoogaysatay sanadihii u danbeeyay taasi, si aan loo uus-aasin waxa dadka u ololeeyaa xaquuqal insaanka ay samayn jireen banaan baxyo ka dhaca caalamka oo dhan oo lagu dalbanayo sii dayntiisa iyo xoriyada u soo celinta isaga iyo inta la xidhan ee la arinta ah, waxa kale oo cadaadisyo caalami ah oo heeraar kale duwn leh la saaray maamulkii midab-takoorka ku dhisnaa ee dalka Koonfur-Afrika ka taalin jiray xiligaa, waxa dalalka qaarkood joojiyeen la macaamilka dalkan dhinaca wax kala iibsiga, ciyaaraha, xidhiidhka diblomaasiga ah iwm. Taasi waxa ka dhashay inuu ku sanduloobo maamulkii midab-takoorka ku dhinsaa inuu ku dhawaaqo inuu sii daynayo ugu danbayntii marku in ka badan 27 gu, halyayga wayn ee mudane Nelson Mandella jeel ku hayay.

- Markii dadku ogaaday maalinta la sii daynayo, waxa nin kastaaba uu isku didyaariyay inaanu seegin araga/ qacda u horeeya ee Mandella marka uu ka soo baxayo Xabsiga, oo ay maqal iyo muuqaal labadaba aduun waynaha wariyayaashu ka haqab tirayeen, intii xasuusani way xasuusan tahaye dib ayaa uu u yara dhacay oo waxbaa si yara noqday oo yara raajiyay, taasi waxay sii xoojisay hamuuntii loo qabay aragiisa oo waxa qof kasta ay xaraadu gaadhay halka ugu saraysa, ugu danbayantii mudane Nelson Mandella oo ay gacmaha is haystaan Xaaskiisii hore marwo Winnie Mandella, ayaa baabuur ka soo degay, waxa hubanti ah in markaa nin kastoo arkayay ama maqlayayaba ilmo inay indhihiisu xajin waayeen oo ay hibitiqeen, maxaa jidhiidhico farxadeed ah ! maxaa Ciil bax iyo dareen guuleed ah ! maxaa garbaha dad badan culays ka dhacay !. Waxa ay labadooda waa Mandella iyo Winnie-e si tolmoon oo cudoon iyaga oo laba gacmood isku martay labana dadka u wadhfinaya u soo talaabsadeen oo wajigoodana han iyo hayabadi ka muuqato, daw loo qorsheeyay oo hareerahana ay tuban yihiin kumaan-kun oo qof oo ka kala yimid daafaha aduunka, oo dhamaantood u wada muraaqaysan aragaa Mandella !.Goobtaa iyo goortaa ayay ka bilaabantay inay dunto qayb ka mid ah qaybihii ugu cuslaa ee cadaaladii daradii lagu hayay ninka madaw ee ku nool aduunkan, bartaasaana ay ku rumowday isla daqiiqadaa la soo daayay Mandella inuu ninkii roonaa reerka u hadhay oo wataa Dalka Koonfur-Afrika oon ogayn sidii uu ninka amadoobi ku ahaa, uu maanta ninkii madoobaa la midka yahay ninka cad ee ay u siman yihiin, taasi waxay kor u qaadaa milgadii ninka madoobi ku dhex lahaa aduunkan, mahadeedana waxa iska leh guud ahaan intii ka qayb qaadatay halgankaa lagu wiiqayay habkii midab-takoorka ahaa ( appartheid system ) ee ka jiray Koonfur-Afrika, gaar ahaana intui noloshooda iyo naftooda u hurtay sida mudane Nelson Rolihlaahla Mandella, oo noqday madaxweynahii u horeeyay ee wadajir loogu doorta Dalkaasi ( 1994-1999 ), waxa uu dadkii madoobaa u soo saaray xaqoodii isaga oon kuwa kalena ku xadgudbin ee in is tixgalin iyo iskaashi lagu wada noolaado oo loo sinaado dalka ku balaysimay, ku taliyay kuna idlaystay mudadii uu xilka hayay

- Mudane Nelson Mandella, hadaba hadii uu qaarada Afrika dalka ugu awooda badan leh ka noqday madaxweyne, oo uu dadkii madoobaa ee mudada badan habtu saarnayd heeryada ka rogay, waxa isna labeeyay oo dabkii uu shiday Mandella si fiican u sii xaabeeyay oo olol kaga duuliyay lagu wada diirsaday, ninkan hada loo doortay madaxweynaha dalka aduunka ugu awooda badan leh ee Maraykanka, ninkaasi oo ah nin magaciisa la yidhaa, madaxweyne Barack Hussein Obama, waxa aad ii soo jiitay hawsha loo wada galay inuu soo baxo oo la doorto Obama oo aan loo kala hadhin halku dhigeeduna ahaa '' Yes We Can '', markuu soo baxay ee uu guulaystayna caalaamku sidii Nelson Mandella oo kale ugu wada riyaaqay ka sokow, dhawr qof dareenkooda, sida ninka inta badan u xaydnaa u dagaalanka xaquuqda dadka madaw ee Maraykan ah oo ilmo farxada darteed haysan kari waayay ! , waa Jesse Jackson-e iyo nin da' ah oo oday ah oo ka mid ahaa akartii Marayakanka ee la dagaalamayay Jarmalka dagaalkii labaad, oo ka sheekeeyay sida aanu ilaa hada u rumaysnayn in nin madoobi dalka Maraykanka oo dhib la ogyahay naga soo gaadhay madaxweyne ka noqday !.

- Mudane Jesse Jackson, waxa uu soo bilaabay u doodka iyo u dagaalanka xaquuqda ninka madaw mudo hada ka badan 60 sanadood, waxa uu u soo taagnaa iyada oo loo diido dadka madaoobi inay meel la fadhiistaan dadka cadaanka ah, inay baabuur la raacaan, inay wax la bartaan, inay codeeyaan, inay meel kula noolaadaan, inay xataa wax kale iska daayoo Musqul la wadaagaan, waxa uu mudane Jesse Jackson ka soo qayb qaatay, dhaqdhaqaaqii qunyar socodka ahaa ee uu hogaaminayay Marthin Luther King iyo weliba dilistiisii uu taa ugu dhintay, waxa kale oo uu goob joog u soo ahaa halgankii wax iska celinta ahaa Black panters iyo kii kale ee qadhaadhaa ee uu hormoodka u ahaa geesigii Malcolm X, iyo weliba isna dilkiisii, waxa kale oo uu goobjoog u soo ahaa, madaxdii kale ee cadaanka ahayd ee qaybta wayn ka qaatay in la badalo sida loola dhaqmo dadka madaw, sida Reer Kennedy-yadii madaxweynihii iyo walaalkii, iyo dhaamaan dadkii kale ee qaybta wax ku oolka ah ka qaatay hawshaa, waxa markii ay xaaladu ka soo raysay ee ninkii madoobaa loo ogolaaday waxyaabo badan oo marka hore ka maqnaa, hadana mudane Jesse Jackson kor u ganay hankiisa oo si ay ugu noqoto tusaale ninka madaw, uu isku taagay jagada madaxweynaha ee dalka Marayakanka, isaga oo noqday ninkii u horeeyay ee madoobaa ee hungureeya kursiga looga taliyo dalkaasi, taasoo u noqotay dhiirigalin dadka madaw oo aan arkayno maantaba in nin madoobi ku hoyanayo aqlka cad, waxaasoo isku tagay ayaa ahaa waxa saaqay mudane Jesses Jacson, oo ay niman wariyayaal ah oo markii lagu dhawaaqay inuu ku guulaystaya Obama tartankii Filim ka duubayay dad tubnaa meel fagaare ah oo uu mudane Jesse Jackson-a ku jiro, ayaa si fiican kamarada ugu muujiyay dareenka Jesse Jackson iyo Ilmada indhuhu hurayaan farxada darteed, dareenkaa faanfaanka iyo farxada eh ee mudane Jesse Jackson iyo intii kale ee la wadaagtayba waxa uu isna markale soo nooleeyay hayabadiii ninka madow !.

- Nin oday ah oo da' diisu aanay ka yarayn 80 sano ayaa ka mid ah dad ka sii nool duuliyayaal madow oo diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka wadi jiray, oo ka qayb galay dagaalkii labaad ee aduunwaynaha, ninkaasoo isaga oon filayn loo geeyay Tigidh uu ku casuuman yahay iisaga iyo saaxiibadiisii kale waxii ka nooli inay ka qaybgalaan madasha lagu shuumayo madaxweyne Obama 20-ka bishan Kowaad, ayaa yidhi intay ilmo ka soo booday indhahiisa ee uu in door ah aamusay, wali waxan rumaysan laayahay nin madoow ayaa dalkii Maraykanka ee si la og yahay lanoogu bah-dilay madaxweyne loogu doortay, waa wax iga degi la' oon maskaxdayda ilaa hada gali karayn !. Isaga oo sii wata sheekada oo aad u murugoonaya marmar, marmarna farxad iyo qaadan waa wajigiisa badalayo ayuu yidhi , waxan ka mid ahaa Askar Duuliyayaal ah, oo la dagaalamayay Jarmalka, waxa aanu ka takoornayn askaarta Cadaanka ah, waxanu ahayn dad la adeegsanayo uun oo aan garanayn waxay u dhimanayaan, meel lamaanaan seexan jirin, wax lamaanaan cuni jirin, iyada haba soo qaadin arin aanu ku darasano hawsha aan ku jiray, wax kastaba maskaxdayda ka haalayoo aniga oo nool ayaan ka qayb gali ama aan arki nin madaw oo dalkii waxaasi iga soo gaadheen xukumaya marna kuma riyoon, rajona kamaan qabin ayuu yidhi ! waa yaab iyo lama filaan ayuu ku xidhay hadalkiisii, waxase sii socotay oo uu joojin kari waayay isna sida ku dhacday in badanoo kale oo la dareena Ilmada ay Indhuhu shubayaan. Waana dareenadaa kuwa maraga ka ah in ninka madoobi aanu kii hore ahayn, oonu mar danbena sidi hore noqon doonin ee hada aka dib garabka nin kale oo kasta laga filo. Rag iyo dumar badanoo ay ku jiraan labada mudane ee aan sheekada uga dhigay magaca ayaa keenay in isbedelkaasi ku yimaado caalamka. Marka sidaa loo eego waxii ay dadka madoobi soo mareen ee ka soos daabasheen, waxan odhan karnaa wax u hadhay maanta ninka madoobi oo uu laacaa ma jiro, waa gaadhay halkii ugu saraysay ee qof gaadhi lahaa aan dhib iyo xumaan isagu samaynaynin '' madax meel ka saraysa oo la salaaxaa ma jirto'' , ee halkaasuun haka sii wadaan..

- Magacyadan xasuuso, Nakruuma, Lamuumba, Gaandhi, Maxamad cali kilay, Roza Parks, Marthin Luther King, Malcolm X, iyo kuwa kale oo badan.Waxay tusaale inoogu yihiin mudanayaashan iyo ujeedooyinkooduba in wax kasta la gaadhi karo, hadii loo guntado..


Somaliland ha jirto oo ha Joogto

 

 

 

 

Qoraaga Weyn: Cali Cumar Xasan