Nin Guriigiisa Laguma Casuumo Lama Maqal Lamana A rag? Mise Axmed Ismaciil Samatar Wuxuu Ujeedaa Ha Lay Cafiyo ?

 


 

Asalamu calaykum ,waad salamantiin akhyaarta webka TNN  iyo hawl wadeenadiisa oo aad dadaal  u muujiya somaliland bulshadeeda, akhristayashan waan salamayaa,

waxaan maanta shabakada hadhwanaag waraysatay Ninka ku caanbaxay inuu dafiro wax qabsiga somaliland iyo horumarkeeda , lakin imika waxaa ku khasab noqotay inuu qiro isagoo aduunku  indh ihiisa ay tuseen waxaa somaliland qabsatay oo mawjad ku noqotay inay hafiyaan fikradiisa gaaban ee uu idaacada BBC da ku haysto, isagoo loogaga faaiidaysanayo nacaybka soomaliland loo qabo  ay uu Yuusuf Garaad u adeegsadaa xumaan ka sheegida soomaliland .

Ahmed ismaciil samata maanta horta wax uu ahaa maalintii uu ugu hadalka wanaagsanaa marka la eego hadaladiisii uu hore uu somaliland uga odhan jiray ,lakin waxaan ka biyo diiday inuu yidhaahdo waxaan ka soo jeedaa gobolka gabiley , hadana waxaan doonayaa inaan ku imaado, casuumad lay fidiyo oo maamulka iyo wax garadku ufidiyaan ,


Ahamed wuxuu ahaa kii iman kari waayay Hooyadii oo bukta ilaa aaskeediina aanu ka soo qayb galin yaa u diidayse inuu yimaado, Lakin afxumadiisa ayaa waxaa uu ku kasbaday nacbaanshiiyo oo dadka reer Somaliland u qabaan oo uu idaacadaha ka leeyahay,

layligu
biyaha kashiisa ku jiruu ka didaaye , ma danbi uu galuu ogyahay, mise isaga is xukumay ileyn wuu is ogyahay waxaa u afkiisa ka leeyahaye,,,,,


wabilaahi tawfiiq

 

 

 

Adan Yuusuf Cisman
Finland