“Ninka Wasiirnimada Dube & Doolaal Ku Helay Iyo Ninka Dhirbaaxada Agaasimaha Ku Noqday Runta Ayay Ka Damqadeen” Md Jaamac Riyo

 


Hargeysa, September 6, 2011 (TNN) - Xildhibaan Jaamac Faarax Axmed (Jaamac Riyo) oo ka mid ah mudanayaasha golaha Guurtida Somaliland ayaa ku eedeeyay Culimada u ololaynaysa qaadhaanka loo ururinayo macaluusha ku habsatay Somalia, inay ka aamuseen weeraradii qaraxyada eel ala beegsaday 2009-kii qasriga Madaxtooyada Somaliland, Xafiiskii Safaarda Itoobiya iyo xarunta hay’ada UNDP ee Hareysa, isaga oo Sheekh Aadan Siiro-na ku tilmaam ay baaqiisii uu kusoo jeediyay in la caawiyo muwaadiniinta baahidu ku hayso dalka gudihiisa uu ahaa xaq.

Xildhibaan Jaamac Riyo waxa uu intaa ku daray, in wasiirka Kaluumaysiga C/llaahi Jaamac Ci smaan (Geel-jire) iyo agaasimaha xafiiska xidhiidhaka dadweynaha ee Madaxtooyada Cisma an Aw Liqe ay xilalkaasi ku heleen arrimo ujeedo badana, sheegayna inay ka damqadeen ba aqii Sheekh Aadan Siiro ku naqdiyay caawimada Somalia.

Mudane Jaamac Jaamac Faarax (Jaamac Riyo) oo wargeyska Haatuf shalay uga waramayay arrimahaasi, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Sheekh Aadan Xaaji Xiiray Sheekh (Aadan Sii ro) haduu yidhi muwaadiniinta dalka gudihiisa baahidu ku hayso hala caawiyo xaq buu ku ha dlay meel ay Ceeb iyo aflagaado usoo marto Sheekhuna ma jirto, wasiirkan Dube iyo Doolaal ku helay wasiirnimada iyo ninkan agaasimaha xidhiidhka dadweynaha dhirbaaxada lagaga dhi gay agaasimaha iyo culimadan u ololaynaysa caawimada Somalia waxan ka wada qaylisiiyay Runta ayay ka damqanayaan Sheekhu ku Adimay, weeraradii argagixiso iyo qaraxyadii lala beegsaday Madaxtooyada, Safaarada Itoobiya iyo xarunta UNDP ee dad badani inagaga dhi nteen Sheekh Aadan Siiro oo kaliya ayaa culimada dalka falkaasi cambaareeyay, Culimadan maanta u jawaabaysaana kamay hadal kumanay raacin, waanay ka aamuseen qaraxyadaa argagixiso, ninkii aan ku raacin qaraxyadaasi maantana ku raaci maayo baaqan uu soo jeediy ay, raga maanta hadlayaana waa kuwii barigii Maxkamadaha yidhi hala caawiyo Somalia ee Xaaji Cabdi Waraabe inaga soo gaadhay, ee uu ku yidhi Indhihiina arkay baahida Somalia ka taagan maxay u arki waayeen dadka baahan ee dagan State House-ka”

Xildhibaan Jaamac Riyo oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaa ku daray “Culimo ama siyaasi ama Madaxdhaqameed ha ahaadee ninka isagoo ummadiisii baahan tahay yidhaahda cid kal aan wax tarayaa, waa u nasiib daro, qaybtii madaxweynuhu kaga hadlay khudbadii uu jeedi yay Salaadii Ciidda ee uu ku yidhi waxaanu Caalamka ugu baaqaynaa inay gurmad la soo gaa dhaan dadka reer Somaliland ee abaaraha dalka gudihiisa ka dhacay ay ku habsadeen ayaa sax ahaa”.
 

Source:Haatuf