“Waxaan Codsanayaa Maanta In Taladii Xisbiga UDUB Gudd oomiyenimadeedii Aniga La Igu Soo Wareejiyo” Kaltuun X. Daahir Oo Ahayd Xaaskii Madaxweyne Cigaal

 



"Naxariistii aan ka waayay
UDUB, Daahir Rayaale iyo Xaaskiisa , waxaan ka helay Xisbiga KULMIYE, Axmed Siilaanyo Iyo Xaaskiisa"  Marwo Kaltuun Xaaji daahir
 


Hargeysa (TNN) Marwo Kaltuun Xaaji Daahir oo ahayd Xaaskii Madaxweynihii hore ee Somaliland M arxuum- Maxamed Ibraahim Cigaal ayaa sheegtay in ay Diyaar u tahay in ay Qabto Hogaanka Xisb iga UDUB.



Marwo Kaltuun ayaa si adag ugu Nuuxnuuxsatay sidda ay diyaarka ugu tahay in ay qabto Hogaanka Dalka isla markaana ay u doonayso in uu Mar kale Xisbiga UDUB uu u soo gallo Halkii lagu aasaasay Markiisii Horre.



Kaltuun Xaaji Daahir ayaa hadalkan ka jeedisay Mar ay manta ka hadlaysay Shir weynihii Xisbiga Ud ub oo ka Furmay Hotel Crown ee Magaaladda Hargeysa, taas oo ay ka soo qayb galeen Ergooyin aad u fara badan.



Marwo Kaltuun Xaaji Daahir waxay ku baaqday in tallada xisbiga UDUB gacanteeda lagu soo celiyo waxana ay tidhi “Waxaan codsanayaa maanta in taladii xisbiga UDUB Guddoomiyenimadeedii aniga la igu soo wareejiyo diyaar ma u tihiin arrintaasi, talladii xisbiga UDUB in badan bay nimanku hayeen oo aanan tallo ku darsan oo aan lahaa inamada loolamaya ha dhex gelin maanta waan soo diyaar garo obay carabtu waxay tidhaahdaa wax waliba waxay ku noqdaan asalkiisii. Faysal Cali Waraabe maxka mad ayaa UCID rag kula galay maxkamadii isaga ayay u xukuntay xisbigii uu aasaasay. Waxaan leey ahay talladii xisbiga ha la igu soo wareejiyo cidii la isku waafaqana anagaa ku soo celin doona tallada gacantooda.”
 


Marwo Kaltuun Xaaji daahir waxa ay sheegtay in Xisbiga UDUB lagu aasaasay Gurigeedda isla marka ana ay u soo hurtay dhib iyo dheef balse ay Xisbiga UDUB iska alaaway hawshii ay Marwaddu u soo gashay Xisbigan waxana ay tidhi iyadda oo arimaasi ka hadlaysaa “Waxaan garan waayay Xisbigii aan aasaaskiisa wax ku lahaa ma UDUB buu ahaa mise Xisbiga KULMIYE, waayo naxariistii aan ka w aayay UDUB, Daahir Rayaale iyo Xaaskiisa waxaan ka helay Xisbiga KULMIYE, Axmed Siilaanyo iyo Xa askiisa ,kuwaasi ayaan sharaftii iyo nabsi bixii ka helay oo i soo dhaweeyay intaasi waa wax dhacd ay oo aan la diidi Karin ,waana maalintii u horaysay ee aan wax taabtaabtay”
 

 


Cali-Mahdi Cismaan Axmed
Timacade News Desk
Hargeysa Somaliland