Nabad gelyada Somaliland,waa Deeq Rabbi innagu galaday, ee qof walawba Subxaanaw waa mahadaa dheh

 

Marka hore waxaan salaan qadarin,sharaf iyo karaamaba leh u dirayaa dhammaan shacabka xariirta ah ee reer Somaliland iyo inta maqaalkan akhrisataba. Waxaan Allaha awoodda leh we ydiisanayaa ,inuu innaga yeelo kuwii adduun iyo aakhiraba liibaana,xaqa  u hiiliya , dulmigana ka fogaada.

Bal aan qaddar is dul taago , Rabbi hadduu qaddarana aan wax ka idhaahdo  sababta & ujeeda da aan ugu holaday Qalinkayga Afka Fiiqan ,ee ka madhan dharabta Qabyaalada , runta & waa qaca dhabta ahna, aan cidna uga aabo yeelin.

Nimcooyinka Rabbigeen (SWT) uu bixiyo,ee Qasanadihiisa aan dhammaadka lahayn ceegaaga,la ma soo koobi kaaro,maamulkooda & maareyntoodana,cidna kama talo galiyo.Nabad gelyadu,w axay ka mid tahay badeecadihiisa Qaaliga, een cuud & mood toona aanay kuu goyn karin,balse Alleh cidduu doona u fidiyo...Haddaba,anigoo Nabad gelyadaa Rabbi Somaliland siiyey ka duulay a, waxaan leeyahay , qof walawba Subxaanaw waa mahadaa dheh.

Waxaan shaki ku jirin,in Nabad gelyada Jamhuuriyada Somaliland ka jirtaa,aanay waddamo bad an oo caalamka ka mid ahi aanay haysan,kol ay ku tahay kuwa awooda buuran sheegta.Taana waxaa u daliila,  dhacdooyinka  dhiilada & murugada xanbaarsan , ee maalin walbba war baahin toodu soo gudbiyaan. Haddaba, Su'aashu waxay tahay,Dal xasiloonidii dalkiisa & dadkiisa u ma aro waayey,inuu Dal kale Nabad galyadiisa wax ka sheego,miyanay ka dhignayn,"Maroodigu ta karta saaran ma arkee ,kan kale takarta saaran ayuu arkaa."

Midda kale,waxaa cashar ugu filan,annagana sharaf &  karaamo noo ah, in  Madaxweynahaya gu,mudane, Mujaahid Axmed Maxamed Maxammud (Siilaanyo), iyadoo aan qori & taangi toona aanay hareer socon,inuu tamashleeyo Caasimada Somaliland ee Hargeysa,shacabkiisana ku ga can qaado..Bilaa caleek,miyaanan odhan karin ,waxay istaahishaa mahadhadii uu ka tagay Gab ayaagii weynaa ee Salaan Carabay,  uuna lahaa," Waxba yaanu xeerkay i marin, xoolana isiine, Xaasha'e nin libin kaa xistiyey xumihii waa yaabe."

Aan u dhaafo, Shaqsiyaadka Nabad gelyada Dalka ka been abuura,saxaafadda beelaysan,Abw aan isku sheegyada & dha dhamo raacyada ku qadhaabta Qaran dumiska,Qabyaaladda,bulsho kicinta,xaalad abuurka,una adeega cadawga Somaliland...Waxaan iyaga leeyahay, Nabad gely ada & Qaranimada Somaliland,  abid liici mayso ,Madaxweynaha Somaliland,Mujaahid, Axmed M axamed Maxamuud (Siilanyo) , waa Halyey Qaran,oo Dalkiisa & shacabkii soo doortayba, ay  ci si, sharaf & karaamaba u hayaan , ee qoomamo la'aada.

Intaan tawaada & qalinku isku idlaan, bal aan qormadan ku soo afmeero,Nabad gelyada Somal iland,waa Deeq Rabbi innagu galaday,ee qof walawba Subxaanaw waa mahadaa dheh,Dal kale iyo cid kale toona ,karaamadeena waxba uma dhimi karaan.

Waxaan idinku dhaafayaa , naftayda & tiinana Allah uga baryayaa,inuu xaqa ku sugo,khaatima dana kheyr ugu khatimo.




 

 

 

 

Eng. Mohamed Ali Muse (Farshaxan)
1 February 2013