Timacadde Readers Club (TRC) oo Xalay soo Bandhigay Barnaa mij ku saabsan Tahriibta iyo Buuga Dhalandhool Tahriib.



Naadiga Akhriska Timacadde waxa uu xalay Hotel Asker ee Magaalada Gebiley ku soo Bandhigeen Buugii Afraad ee Naadigu u soo xulo Gobolka Gebiley, Buugga Dhalandhool Tahriib, ee uu qoray Dayib C.raxman Askar, ayaa Nasiib u yeeshay inuu noqdo Buuga Bishan Naadigu u soo Xulo Dhalinta. 
Munaasibadan ayaa kulmisay Qoraaga Buuga Dayib C.raxman Asakr oo isagu ahaa Soo jeediyaha Buugii uu gacantiisa ku qoray, iyo Shakhsiyaad kale oo Door Muhiim ah ku lahaa Barnaamijka,Dhamaana ka soo kala Baqoolay Caasimadaha Hargiesa iyo Burco.


Ugu horayn waxa Madasha ka hadlay Xidhiidhiyaha Naadiga Akhriska Timacadde, Mustafe Cabdikariim Cali (Mustafe Future) oo ka sheekeeyay Hadafkii aasaaska Naadiga iyo Himiladiisii, isaga oo tilmaamay in Naadigu goor kastaba Dadaal ugu jiro sidii uu uga qayb qaadan lahaa Caqabadaha Dhalinta hor taagan, hadii ay dhabar adaygaana ay ka gudbi karaan caqabadahaasi, lana gaadhay waqtigii Dhalinta Gobolku ay iyagu soo bandhigi lahaayeen Buugta ay akhriyeen, Bulshadana u sii gudbin lahaayeen Dheefta wixii ay akhristeen leeyahay.

Goobta xafladda lagu qabanayo oo dadku buux dhaafiyeen ayaa Bilawgii isbarasho lagu bilaabay, iyada oo Shakhsiyaadka Naadiga Martida u ah Barnaamijkana Daadihin doona iyo ka soo qayb galayaashii isbarasho dhexmartay, ka soo qaybgalayaasha waxay isbarteen Afar shakhsi oo uu ugu horeeyo, Qoraaga Buuga Dhalandhool Tahriib, oo sheekada Buugiisu ku saabsantahay Dhibta iyo Hadimooyinka Tahriibtu u gaysato Dhalinteena, C/risaaq Axmed Maxamed oo isna ah Wiil dhalinyaro ah oo eebe ka soo samata bixiyay Mawjadihii Badda, Abwaan Badeed iyo Suugaanta Tahriibta, Yasmiin Maxamed oo iyana ka socota Unnugga Wadaniyadda Somaliland, , Abwaan Maxamed Jamac oo isna ka yimid Gobolka Togdheer, ahna Abwaan tiriyaya Maahmaahyo Tahriibta ku saabsan.
Isbarasho ka dib waxa Goobta Loo damiyay Nalalkii si loo daawado Muuqaalo ka tirsan Filin Buuga laga sameeyay oo ururka USWO ee wadaniga ahi Duubay.

Dayib C/raxman Ask ar oo isagu ahaa qoraaga Buuga Dhalandhool Tahriib, ahna Madaxa Barnaamijka Tahriibta ee Hayada IOM ayaa ka waramay ujeedooyinkii uu kalahaa Qoridii Buugan, isaga oo xusay Qoraagu in buugan yahay buugii u horeeyay ee tahriibta laga qoro, kuna qoray Luqada Inglishka Markii ugu horaysay “ Peaple on the Move” balse markii danbe loo turjumay Somali.

Qoraagu waxa uu sheegay inay ku kaliftay qorida buugan markii uu arkay wiil dhalinyar ah oo ay aad u saaxiibo ahaayeen oo tahriibay ka dibna liibiya laga soo celiyay uu uga waramay dhibaatooyinkii soo maray ayaa waxa uu sheegay inuu go,aansaday inuu wax ka qoro oo uu bulshada u soo bandhigo.

qoruhu intii uu ku guda jiray Bandhiga Buugga waxa uu ka sheekeeyay Dhibtii iyo Socdaalkii dheeraa ee uu maray Samiir oo isagu ah Shakhsiyadda Matalaya Sheekada Buugga,Gaadhidiisii Qaaradda yurub, iyo Bahdilaadii ka qabsatay, Dhul aanu u dhalan, ku soo Noqoshadii dhulkiisa hooyo.

C/risaaq Maxamed (Mr. Action ) oo ahaa wiil si dhab ah u tijaabiyay Sheekada Buugga Tahriibta ku xusan ayaa si qoto dheer uga waramay waxyaabihii soo maray, isaga oo sheegay in seddex habeen iyo seddex maalmood uu badwaynta dhexdeeda dhex mushaaxayay isaga iyo gabadh markaa daba socotay oo markii uu in badan caawiyay isku dayay inuu garab siiyo markii danbe awoodiisii u saamixi wayday inuu sii wado, halkiina kaga dhaqaaqay.


Mr. Action oo oohin maciin saday intii uu ku guda jiray Sheekada naxdinta iyo murugada badan ee soo martay Xasuusanayayna Saaxiibadiisii uu jeclaa ee uu waxba u qaban kari waayay,ayaa ka oohiyay dhamaan dadkii ka soo qayb galay madasha iyaga ka damqaday dhibka uu soo maray c/risaaq ee illaahay ka soo badbaadiyay, ugu dambayntii waxa uu dadwaynaha ka codsaday in faataxada loo maro asxaabtiisii uu jeclaa, Dhalintana kula talinayo in Lacagta ay ku tahriibayaan Dalkooda Hooyo wax kaga qabsadaan.

Yaasmiin Maxmaed Kaahin oo ka tirsan unugga Wadaniyadda Somaliland, kuna hadashay Magaca Unnugga Wadaniyadda ayaa Madasha ka sheegtay in ay ku rajo waynyihiin in Xaddiga Tahriibku hoos u dhici doono Hadii Dhalintu fahmaan Qiimaha iyo Qaayaha Dhulkooda Hooyo, iyada oo dhalinta la hadlaysa ayaa waxa ay tidhi Yaasmiin “ hadii aad dalkan sida qaxootiga uga dhaqaaqdaan ogaada waxa degi doona dad kale oo dhul aan haysan, idina Maalin maalmaha ka mid ah waxaad ku noqon doontaa Aqaliyaat, sida wadamo badan oo dunida ah ka dhacday”.
Yaasmiin Dhalinta waxa ay kula talisay in Laga faaiidaysto Khayraadka Dhulka Hooyo, lana ilaabo u hanqal taaga Dhul shisheeye”.

Barnaamijka oo Xubno kala duwan lagu soo casuumay si meelo kala duwan ay Mushkiladan uga eegaan ayaa waxaa isaguna madasha ku soo bandhigay Gabay ku saabsan Tahriibta Abwaan Axmed Badeed oo ka tirsan Ururka Hidaha iyo Dhaqanka Dhalinyaradda ee murtimaal oo sheegay in Buugan markii u horaysay ee hargeisa lagu soo bandhigay ee uu ku qornaa afka ingiriisiga ayaa uu sheegay in uu bilaabay Gabayadiisa oo uu tiriyay maansadan ku saabsan dhibaatada Tahriibta.

Ugu danbayntii Waxa uu Qoraagu madasha ku Gudoonsiiyay Sideed buug oo su,aalo lagu kala helayay oo uu soo diyaariyay Naadiga akhriska timacadde (Timacadde Readers Club) TRC
Ugu danbayntii waxaa su,aalo ku saabsan dhibaatada tahriibta iyo sida xal loogu heli karo laga waydiiyay qoraaga Buuga Dayib Askar, isaga oo dhamaantood si habsami ah uga jawaabay.
 



Gudoomiyaha Naadiga Akhriska Timacadde
Mahdi Sh.Cabdi Axmed.
Timacaddereaders@hotmail.com
Gabiley/Somaliland