Mustaqbalka Muuqda ee Magaalada Tog-wajaale  iyo Baahsanaanta Mujtamaceeda

 

 


"Marka Illaahay (SW) bulsho la damco horumar iyo liibaan waxa uu sameeyaa sababo u fududee ya bulshadaasi sidii ay u gaadhi lahayd horumarkaasi," Qalinkii: Ahmnasir Suldaan Abdulrahman
 


Waxaan muran ku jirin in Illaahay -kore eye- maamulo isgad gadiga adduunyada oo uu isaga  k olba sida uu doono u rogo, markasta oo uu wax ka badalayo sidii uu ahaana waxa uu sameeyaa asbaab u s ahasha in binuu-aadamku la qabsado isbedelkaasi.

Marka Illaahay (SW),  bulsho la damco horumar iyo liibaan waxa uu sameeyaa sa babo u  fudud eeya bulshadaasi sidii ay u gaadhi lahayd horumarkaasi,sida:

 

1-Awood aqooneed oo ku filan
2-Illo dhaqaale oo dabiici ah
3-Istaraatiijiyad dagaan oo macquul ah



Marka la raad raaco xadaaradihii hore ee dunida iyo dalalka horumaray ee reer galbeedku  hee rarka ay soo mareen, waxaad arkaysaa in ay muddo ku qaadatay sidii ay u heli lahaayeen  aqo on u sahasha in ay wax soo saaraan si ay u horuma raan, waxaanay ugu danbayntii kastadeen awooda aqooneed ee u suurta galisa y in ay ciida bir ka samaystaan, waana ta gaadhsiisay  ho rumarka ay maanta  ca alamka ugu amar ku taaglaynayaan.


Dhinaca kale marka aad jaleecdo dalalka Carbeed ee Saliida soo saara oo  maan ta iyaguna ka mid ah dalalka ugu horeeya dunida dhinaca dhaqaalahu, waxay  iy ana halkaasi ku gaadheen  k hayraadka dabiiciga ah ee Illaahay ku galaday  ubac da dhulkooda, oo dalalkii reer galbeedka  ahaa ee aqoonta kasbaday markii ay ar keen khayraadka ay u baahanyihiin ee ku duugan  uba cda dhulka carbeed , ku ta shaday in ay u soo saaraan ayaga oo aan u danaynaynin ee ka dan aysanaya.

Waxa iyana aan meesha ka maqnayn oo tixgalin wayn mudan marka laga  hadlayo dhinaca horu marka dhaqan-dhaqaale ee bulsho, Istaraatiijiyada dagaan ee Illaahay –koreeye- bulshadaasi ku beeray, marka aad eegto cumaaradaha  yar yar ee la baxay Imaaraadka carabta (United Ar ab Emirates) , waxaa hubanti ah in aanay waxba samaynin oo aanay lahayn warshadaha wax soo saara balse ay fahmeen kuna liibaaneen istaraatiijiyada dagaan ee Rabbi (SW) ku khalqay, sida muuqatana waxay dagan yihiin buqcada ugu macquulsan ee u dhaxaysa dunida  horumart ay ee warshadaha leh waxna soo saarta iyo dunida sadexaad ee wax ka iibsata, waxaanay ku horumareen fahamka sayladaasi wax lagu kala iibsado ee Illaahay (S.W) sabadoodii ka dhigay.

Marka aan hadaba u soo noqono nuxurka mowduucani oo ku qotama magaalada Tog-Wajaale oo Illaahay –koreeye- ku manaystay nasiib aad u qaali ah oo aan la huri Karin una baahan in laga wada hawl-galo sidii humaaga looga saari lahaa  lo ogana midho dhalin lahaa. Waxana si cad ugu muuqata qofkasta oo leh garaad  k u filan in ay dawlada dimuqraadiga fadaraalka  itoo biya ay si cad u bandhigtay  u na faafisay hindiseyaasheeda mustaqbal ee ku wajahan  magal ada Tog-Wajaale, iyo sida laxaadka leh ee ay u danaynayso ka faa’iidaysiga istaraatiijiyada  ga nacsi ee magaaladaasi.

Si hadaba looga gaashaanto ganacsiga billaa sharciga ah ee kootarabaanka ku s oo gala dalka, oo laf-dhabarta ka jabiyey dhaqaalaha dalka ayaa waxay  samays ay dawlada dimuquraadiga faderalka itoobiya , qorsheyaal kala duwan oo ay ku dhiiri-galinayso in laga abuuro hanaan gan acsi oo sharci ah mid dagaan iyo ku  fadaraalba, waxaanay gaadhsiisay in ay u aqoonsato Deka da Qalalan ee Dalka Itoobiya.


Waxay ka dhistay custom lagu cashuuro alaabada dalka soo galaysa. Waxa kale oo ay  samays ay hindisaha qorshaha ganacsiga xuduudaha oo ah mid ka sahlan ganacsigii LC ga oo loogu tala galay in ay ka faa’iidaystaan bushada dagaanku.

Waxa iyana dhamaad ku dhaw dhismaha wadada ugu muhiimsan ee isku xidha la bada dal ee da riska ah. Iyada oo uu bixiyey midawga urub kharashka ku baxaya dhismaha wadadaasi.

Waxaan iyana meesha ka maqnayn baahida dakadeed ee ragaadisay guud  ahaanba dhaqaala ha dalka Itoobiya oo ay ku nool yihiin in ka badan 80 milyan oo  ru ux, una baahan in ay wax  ka la soo dagaan waxna ka dhoofsadaan marsada  dhul eed ee magaalada Tog-wajaale.

Si hadaba looga faa’iidaysto fursada dahabiga ah ee Ilaahay inagu manaystay, loona haqab tiro cid kasta oo ku soo hirata darka. Waxaa lagama maarmaan ah in la fahmo khaasatanna dadka reer Tog-Wajaale, gartaan qiimaha iyo  meeqaan ka ay leedahay sabada Illahay –koreeye- dhig ay, ogaadaanna cidda danta  koob aad lihi in ay tahay dadka reer Tog-Wajaale. Dhib kasta oo dhacdana ay yihiin  d adka ay saamaynta koobaad ku yeelanayso, si ay suurtagal u noqoto in  gacma ha la isqabsado lagana baxo dhibaatooyinka dhaqan-dhaqaale ee ragaadiyey  bu lsho waynta reer Tog-Wajaale.

 

 

 

 

 

Ahmednassir Suldaan Abdirahman
Tog-Wajaale  Somaliland