Mustafe Future Wuxuu mudanyahay in Shahaado Sharaf lagu
Siiyo Warbixinta uu ka Diyaariyay Xeebta Batalaale

Mustafe
Future
Warbaahinta Dalku waxa ay inta Badan ku
Mashquulsanyihiin oo ay Dhex mushaaxayaan Gadgad
oonka Geedi socodka Siyaasadda Dalku halka ay marayso
iyo marxaladaha kala duwan ee ay hadba marayso, kuwaasi
oo Faalooyin iyo Warbixino kala duwan ka diyaariya, kuna
soo qaata Warbixin maalmoodkooda.
Aragtida Bani’aadmku way kala Fogtahay, Ruux waliba waxa
uu ka hadlaa inta ay gaadhsiisantahay Aragtidiisa Fikir
iyo Indhihiisu inta ay Qabtaan had iyo goor, Way
yartahay Suxufiyiinta Inta Wax ka qorta Arimaha
Bulshadda oo aad moodo in ay tahay Mawduuca ugu
Balaadhan ee u Baahan in mar walba wax laga Qoro.
Waa ayaan Darro in hadii Bulshada Loo soo bandhigo
Warbixin qiimo leh oo ka digaysa khatar Caafi
maadka ee ay leedahay Wasakhda Qashinka Maraakiibtu ku
Qubaan Baddaha, taasi oo Saliid mada w oo u eeg
lagu soo arkay Xeebta, Sawirro-na lagu soo muujiyay
Gunta hoose ee Ciidda.
Arin noocan oo kale ahi waxay hore uga Dhacday Badwaynta
Dalka maraykanka oo xataa markii D anbe uuTagay
Goobtii qashinka lagu qubay Madaxwayne Obama, balse
xukuumadeenii Hadii ay Qas hinka Macdan ka dhigato
waa nasiib Darro, cidda ka hadashana ku qabsato iyada oo
adeegsanaysa Awood Dawladeed.
Aragtidayda Shaqsi Ahaaneed Waan Taageersanahay in laga
hadlo arimaha noocan oo kale ah, oo runtii u baahan in
dib loo eego, dhawr jeer oo hore ayay dad qurbaha ka
yimi soo arkeen Arintan balse aan Loo soo bandhigin
Bulshadda iyo xukuumaddaba, markaa Anigu waxaan
Mustafe ku dhiiri galin
lahaa in uu sii wado Maqaaladda noocan oo kale ah ee
Dalka ka difaacaya Wixii waxyeelaya, loona soo bandhigo
Xukuumad iyo Shacaba arintan oo kale, si wax looga Qabto
hadii ay jirtona sha rciga loola tiigsado
Maraakiibta lagu qabto iyaga oo Qashin ku Qubaya Badda
Somaliland.
Aqoon fiican ayaan u leeyahay
Mustafe Future Waana Muwaadin Daacad u ah
Dadkiisa Dalkiisa, ka na soo horjeeda Wax kasta oo
Duminaya Qaranimadda Somaliland sidaa Awgeed Xukuumadda
Wa xa uu ka mudanyahay inay ku sharafta Waxa ka
Qarsoonaa ee uu Daaha uga Rogay, Balse aanay Qudhunka
Macdan ka dhigan.
Ifrah
Abdi Adan
Ambiya17@hotmail.com
USA |
|