Agaasimiha
Guud Ee Shabakadda Timacade News ,oo goor dhaweyd la soo daayay

Xadhiga Agaasimaha ayaa waxa ka danbeeyay Wasiirka Cadaaladda iyo
Garsoorka Somaliland Xus een Axmed Caydiid ka dib markii......
Hargeysa (GNS)- Agaasimaha Guud ee Shabakadda wararka ee Timacade
News, Mustafe C/Kariin Cali (Mustafe Future), ayaa goor
dhoweyd laga soo daayay xarunta dhaxe ee CID magaaladda Ha rgeysa,
ka dib markii maanta galinkii horre lagu xidhay xaruntaasi, waxana
uu suxufigani xidhnaa mu ddo ka baddan lix saacaddoood.
Illaa wakhtigan lama sheegin sababata dhabta ah ee loo xidhay wariye
Mustafe Future, balse mar aanu isaga weydiinay sababata lagu xidhay
ayaa waxa uu tibaaxay in uu soo dacweeyay Wasiirka Caadaladda iyo
Garsoorka Somaliland Xuseen Axmed Caydiid isla markaana uu wakhtigan
ku joogo damiin, waxana uu intaasi raaciyay in uu wasiirka
cadaaladdu dacweeyay wariyahan.
Soo daynta Mustafe C/kariin Cali ayaa waxa ka qayb qaatay Ururka
Suxufiyiinta Somaliland ee SOL JA kuwaas oo ku dadaalay habkii uu
xuriyadiisa u heli lahaa Agaasimaha Shabakadda Timacade New s, sidoo
kalle soo daynta Suxfigan ayaa waxa ka qayb qaatay wasiirka Arimaha
gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraalle Duur.
Si kastaba ha ahaatee, Suxufigan ayaa wali waxa uu ku jooga hab
damiin ah, waxana si cad loo shee gay in uu xadhigiisa ka danbeeyo
Wasiirka Cadaaladda iyo garsoorka Somaliland
Cali-Mahdi Cismaan Axmed
Timacade News desk
Hargeysa Somaliland
|