Agaasimihii Guud Ee Shabakadd Timacade News, Mustafe Fut ure Oo Lagu
Xidhay Xarunta CID Magaaladda Hargeysa

Wararku waxa ay sheegayaan in xadhiga Mustafe C/kariin uu ka
danbeeyo Wasiirka Cadaaladda Somaliland......
Hargeysa (TNN)- Ciidamada baadhista dambiyadda ee CID-da ayaa maanta
xaruntooda ku xidhay Agaasimaha guud ee shabakadda Timacade News ,Mr
Mustafe Cabdikariin Cali (Mustafe Future).
Agaasime Mustafe C/kariin Cali, ayaa ciidamada CID-du saaka qabteen
ka dib markii uu xarunta xe er ilaalinta Guud ee Qaranka ku tagay
yeedhmo xagooda ka timid, balse Guddoomiyaha ayaa mark aa dib
ciidamadu u qabteen isla markaana ay ku xidheen xarunta CID-da
Hargeysa.
Inkasta oo aan ilaa hadda la cadayn cida amartay xadhiga Wariyaha,
ayaa haddana waxa la sheeg ay in xadhiga Wariyuhu uu dabada ku hayo
amar ka soo baxay wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Garsoorka
Xuseen Axmed Caydiid .
Wariye Mustafe Future ayaa ilaa hadda ku xidhan xarunta CID-da
Hargeysa, mana jiraan waxa la gu sababeeyay xadhigiisa.
Maaha markii ugu horeysay ee
Xukuumadda Axmed Siilaanyo ay ku kacdo xadhiga wariyaaysha b alse
dhowaan ayay ahayd markii la xidhay in ka badan labaatan wariye,
tacdiyadda kala duwan ee loo gaysanayo warbaahinta dalka ayaa
maalinba maalinta ka danbeysa ka sii daraysa.
Cali-Mahdi Cismaan Axmed
Timacade News Desk
Hargeysa Somaliland
|